Mujaahid Muuse Biixi Waa Nin Go'aan Adag Waxyaabaha Madaxweynaha Lagu Xushona Waxa Ka Mid Ah...Saxardiid Caddaani
Mujaahid Muuse Biixi Waa Nin Go'aan Adag
Waxyaabaha Madaxweynaha Lagu Xushona Waxa Ka Mid Ah...Saxardiid Caddaani
Hargaysa(HWN)Wasiiru
Dawlaha Maaliyadda Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid (Caddaani),
ayaa faahfaahin ka bixiyey sababtu uu isaga iyo Xubno ay isku beel yihiin oo
Golaha dhexe ee Kulmiye ku jiraa ay taageeradda Codkooda ugu hibeeyeen u lana
garab istaageen Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaanu taxay qodobo uu ku
sifeeyey in uu Murashax Muuse hogaaminta Somaliland iyo Mansabka ugu
sareeya ee Madaxweynenimadda qabto.
Md Cismaan Cabdilaahi
Saxarddiid (Caddaani)waxa uu hoosta ka xariiqay in Muuse Biixi Cabdi uu yahay
shaqsi Abaal badan Somaliland wakhtigii Halgankii SNM Shacabka Somaliland u
soogalay isla markaana in uu Muuse yahay Siyaasi go’aan adag oo leh sifo kasta
oo hogaamiye looga baahan yahay.
Cismaan
Cabdilaahi Saxarddiid (Caddaani) oo arintaasi ka hadlayey waxa uu
yidhi “Waxa weeye Xisbiga Kulmiye waa Xisbig Dimquraadi ah waligiina
Dumquraadi ayuu ahaa oo waa Xisbi aan ku faanayo in aan ku jiro raga la
sheegayo ee Qoodha ahna rag kale oo Qoodh ah iyo Hablaba ayaan hore u kala
saarnay , rag badan oonu saaxiib nahay oo aanu soo wada halganay ayaa Kulmye
Murashaxiin ka ah rag aanu Wasiiro wada nahay ayaa Murashaxiin ka ah oo rag
waliba Wasaaradda aan joogo wasiir ka ahaa ayaa murashax ka ah oo Xildhibaano
ayaa Murashaxiin ah aanu saaxiibo nahay, laakiin anigu arintayda waan cadeeyey
oo ragaasi aanu saaxiibka nahay oo runtii ah rag Khibrad leh hadii ay Wasiirada
yihiin iyo hadii ay raga kale yihiin ay yihiin rag dalkan wax u tari kara una
taray ay yihiin”Ayuu yidhi isaga oo la hadlay Homcable Tv.
Wasiir Caddaaani waxa uu sheegay in 20 ka mid ah Ergada
golaha dhexe ee Kulmiye oo ay Beeshisa ka soo jeeda ay Muuse Biixi taageersan
yihiin waxaanu yidhi “Laakiin Maanta waxa la eegayaa yaa dalkan wax ka
noqon kara , mustaqbalka Xisbiga Kulmiye yaa murashax ka noqon kara aniga iyo
inta reerkayaga oo reero ayaa lagu bixiyaa Ergooyinka golaha dhexe, waxa soo
raaca waa wasiiradda oo ilaa 26 ayaanu ku jirnaa reerkayagu waanu falanqeynay
arintan oo waanu iskaga nimid oo isla eegnay oo dhinac kasta waanu ka eegnay
waxay na la noqotay tiro 20 ku dhaw oo 26-ka ka mid ahi in aanu taladda dalka iyo
hogaaminta dalka aanu saarno guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee maanta Murashaxa u
ah Madaxweynenimadda ee Somaliland oo dhami u wada taqaano ee taariikhda caanka
ah leh oo ah ninka la yidhaahdo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaanu taladda dalka
saarano , waxa weeye hadii uu ikhtiyaarku noqon lahaa in dalka ay
Madaxweynayaal ka noqdaan Laba ama Saddex Madaxweynayaal malaha arintu sidan
way ka duwanaan laheyd, laakiin hogaaminta dalka waxa weeye in Madaxweyne kali
ah uun aynu u doorano nin uumbaana Kulmiye murashax ka noqon kara”
Cismaan Cabdilaahi Saxarddiid (Caddaani), waxa uu ugu dambeyn ka
hadlay Siyfooyin uu Muuse Biixi Cabdi ka bixiyey in uu hogaaminta Somaliland
ugu qalmo waxaanu yidhi “Anagu waxaanu qabnaa talo sax ah inay tahay oo umadda
Jamhuuriyadda Somaliland iyo 6 Xubnood ee reerkayaga naga maqanba inay na soo
raacaan oo umadda Somaliland ee Kulmiye ku jirtaana aanu rabno inay nagu soo
raacaan , waanu sababeynaynaa waxaanu sidaasi u nidhi oo waxaanu ku
sababeynaynaa wax ay umadda Somaliland leedahay waayo Muuse Biixi Cabdi waa nin
Mujaahid ah, Ciiddan ayuu hogaamin jiray balaadhan berigii halkanka SNM lagu
jiray ee la dhimanaayey ee la baabayey ee la silcaayey ee meela aan lagu
nabadgeleyn ragii iyo shaqsiyaadkii Somaliland naftooda u huray ayuu ka mid
ahaa, halganka dheer uu soo galay umadda Somaliland shaki kaga ma jiro wixii uu
ahaa iyo sida uu naftiisa u soo horay , waa nin go’aan adag dalkana waxa uu u
baahan yahay nin go’aan adag waxyaabaha Madaxweynaha lagu xushona waxa ka mid
ah in qofka go’aankiisu adag yahay”
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb:Abdiasiis
Jama Haji Cami
Hargeisa
Somaliland
Comments
Post a Comment