Friday, 23 October 2015

Jewi Aan Qarsoonnayn Oo Madaxweyne Siilaanyo Xalay Ku Qaabilay Sideetameeyo Xubnood Oo Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ugu Jira Subeer Awal



Jewi Aan Qarsoonnayn Oo Madaxweyne Siilaanyo Xalay Ku Qaabilay Sideetameeyo Xubnood Oo Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ugu Jira Subeer Awal
Waxa Kulankan  La Isku Weydaarsaday Warqad Saxeexan Oo Mawqif Keli Ah Ku Midaysan



Hadal Farxad Geliyey Guddoomiye Muuse  Oo Kasoo Yeedhay Afka Madaxweynaha +Xubnaha Fadhigaas Ku Wehelinayey Madaxweynaha+Magacyada Shakhsiyuaad Dhawr Ah Oo Madasha Khudbado Ka Jeediyey



Hargeysa:(Hubaal)-Ugu yaraan 73-xubnood oo kamid ah Xubnaha Beelaha Habar Awal ugu jira Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ay weheliyaan 5-ta Xubnood ee Beeshaasi ku leedahay Golaha Guurtida Somaliland, ayaa habeenkii xalay shir saacado qaatay la yeeshay madaxweyne Siilaanyo, waxana ay u caddeeyeen inay si midaysan u taageersan yihiin musharraxnimada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.


Xubnaha xalay shirka ay taageerada Muuse Biixi ku muujinayaan la qaatay madaxweynaha, ayaa iskugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Beesha Habar awal ugu jira, waxana ay si sarraaxad leh madaxweynaha hortiisa uga sheegeen inay ku midaysan yihiin sidii xubnahaasi codkooda usiin lahaayeen Guddoomiye Muuse biixi Cabdi oo haatan ah Musharraxa madaxweynenimo ee Xisbigaas.


Xubnaha halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka tirsan golaha odayaasha ee guurtida Somaliland, Xildhibaan Ibraahin Axmed Sh. Muuse (Ibraahim-Kacaan) iyo xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Weyso-cadde) oo labadooduba ka tirsan golaha wakiillada, Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis (Waxdad), guddoomiyaha Mihnedlayaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday), guddoomiyihii hore ee hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil iyo xubno kale oo dhawr ah kuwaas oo dhammaantood muujiyey mawqifka ay ku wada socdaan iyo halka ay cududoodu ku  jihaysan tahay.


 Kulanka Xubnahani ka qaateen Madaxweynaha, ayaa waxa goob joog ka ahaa, Madaxweyne-ku-xigeenka, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Md Maxamuud Xaashi Cabdi, Xildhibaan Cali Marreexaan iyo Waliba Guddoomiyaha Xisbiga Md Muuse Cabdi, waxana xubnahaasi madaxweynaha gacanta ka geliyeen warqad ay ku saxeexan yihiin oo ay ku caddaynayaan sida ay ugu midaysan yihiin Taageerada Musharrax Muuse Biixi Cabdi.


Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Hawraarsan kaga falceliyey mawjadda Taageerada ah ee Xubnaha Beesha Habar Awal ku leedahay Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxana uu halkaas ka sheegay hadal kooban oo uu ku muujiyey inay ka furteen Culays marka hore ka saarnaa dhinaca Taageerada Guddoomiyaha, isagoo ku ballan qaaday inuu intii karaankiisa ah la garab taagan yahay Taageeradiisa iyo midda Beesha uu kasoo jeedaba.


Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Xubnihii Beesha Habar Awal ee uu xalay la kulmay ku dhiirrigeliyey inay raadsadaan Xubnaha Beelaha kale kaga jira Golaha dhexe ee Xisbiga, si uu Guddoomiyuhu u hantiyo Cudud taageero oo keenta uu Himiladiisa Madaxweynenimo ka midho dhaliyo.


Kulankan oo ahaa mid kaftan iyo maadays dhinacyadu ku wadaageen, ayaa ku dhammaaday jawi farxadeed, waxana  lagu kala tegay in si niyadsami ah looga shaqeeyo sidii Guddoomiyaha Xisbiga loogu taageeri lahaa hankiisa madaxtinimo iyadoo dhinacyada oo dhammi isku duuban yihiin.


Fadhiga xalay ee Madaxweynaha iyo Xubnaha Beelaha  Habal Awal ugu jira Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye la qaateen Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ahaa midkii ugu cuslaa ee Koox Miisaankaas lihi madaxweynaha hortiisa ka caddaysato taageerada ay u hayaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu qayb ka ahaa diyaargarowga loogu jiro cudud urursiga uu wado Gudoomiyaha Xisbigu.




Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami


Hargeisa Somaliland





Wednesday, 21 October 2015

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Hadhwanaagnews U Xaqiijiyey Booyado Shiidaal Waday Oo Rasaas Lala Dhacay, Kana Hadlay Xaalada Magaalada Berbera.



Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Hadhwanaagnews U Xaqiijiyey Booyado Shiidaal Waday Oo Rasaas Lala Dhacay, Kana Hadlay Xaalada Magaalada Berbera.


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar  ayaa ka hadlay rasaas lala dhacay qaar ka mid ah booyadaha shiidaalka ka soo qaada haamaha magaalada Berbera.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil oo khadka telefanka ugu waramay shabakada Hadhwanaagnews  ayaa waxa uu sheegay inay ku daba jiraan dadkii falkaas gaystay, waxaanu tilmaamay inay xaalada magaaladu haatan dagan tahay.

Gudoomiye Fahmi Cabdi Bidaar oo marka hore ka hadlaya booyadaha la rasaaseeyey ayaa waxa uu yidhi “Qaar ayaa rasaaseeyey markaa taayaradana way ka banjariyeen candhadana wax ayey ka noqdeen, dadkii falkaas gaystayna waa lagu maqan yahay waxaanan ku saaray laba baabuur oo ciidan ah.”
Gudoomiye Fahmi oo aanu waydiinay waxyaabaha ay dadkaasi ka xanaaqsan yihiin ayaa waxa uu ku jawaabay “Dadkaasi waxay ka xanaaqsan yihiin dad  la  xidh xidhay oo  rabshada samaynayey, kuwaas oo markii horana meelahas isku abaabulayey  oo  doonayey inay rabshado sameeyaan, waana kuwii odhan jiray haamaha lama wareejin karo, markaas ka bacdi ayey abaabul galayeen kuwan hada rabshada sameeyeyna waa qaar ay ilmaadeer yihiin.”
Sidoo kale gudoomiye Fahmi waxa uu xaqiijiyey rumaan loo diray dadka la xidh xidhay, waxaanu ka hadlay xaalada magaalada “Dadka la xidhay waa la rumaan gareeyey mudo toban cisho ah, xaalada guud ee magaaladana hadal wuu jiray markii hore laakiin imika way dagan tahay.” Ayuu yidhi gudoomiye Fahmi Cabdi Bidaar.
Tan iyo markii xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo ay ku dhawaaqday wareejinta haamaha shiidaalka magaaladda Berbera, waxa magaaladaasi ka taagnaa dareeno isa soo tarayey oo lagaga soo hor jeedo wareejinta haamaha shiidaalka, balse falalkan hada dhacay ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee lagu muujiyo diidmada wareejinta haamaha.

Hargeisa Somaliland

Xaqiiqada Calanka Somalia iyo Cida Samaysey!


Xaqiiqada Calanka Somalia iyo Cida Samaysey!




Maadaama ay maanta ku beegan tahay, Kow iyo lixdan guuradii maalinta ay Somalidu tidhaahdo waxaa la sameeyay Calanka Buluuga ah ee xidigta shanta gees lihi dhexda kaga taalo oo ku beegan 12.October,1954. iyadoo la yidhaahdo waxaa sameeyay, Mudane Maxamed Cawaale Liibaan.

Haddaba Astaamaha aad halkan Sawiradooda ku aragtaan Bidix ka bilow: Astaantii Somalia, Waxa ku xiga Astaantii,Waddankii Cyrenaica oo caasimadiisu Bangaasi ( Benghazi).ahayd. Iyo Astaantii Tripolitania oo caasimadeedu Tripoli ahayd, labbadan waddan ee danbe labbaduba Waddanka Libya ayay maanta ka tirsan yihiin.

Haddaba Astaamahan aad halkan ku aragtaan, wuxuu talyaanigu u sameeyay waddamadaas uu guumaysan jiray, 03.April.1919. Waa mudo iminka laga joogo lix iyo sagaashan sannadood. Waxay saddexdan astaamood ka siman yihiin, Calanka Buluuga ah iyo Xidigta cad ee shanta gees leh..

Wuxuu talyaanigu isla maalintaas iyana Astaan u sameeyay waddanka Erateriya. lakiin iyada astaanteedu waxay ahayd Calan midab cad leh, oo dhaxda ay xidig Cas oo shan gees lahi kaga taalo, Libaaxna dhexda kaga sawiran yahay.

Sidaas aad Sawirka ku aragtaan Astaanta Somaliya uu Talyaanigu u sameeyay, waxay ka kooban tahay Labba qaybood, qaybta hoose oo Casaan ah, Labba xidigood oo lix gees ahina ka taagan yihiin iyo qaybta sare oo ah Calan Buluug ah oo Xidig cadi dhexda kaga taalo.Xidigtaas waxaa ka hooseeya, (Shabeel ama harimacad.Hadba sidaad u taqaanan), oo ah xayawaan dhulka Somalida aad u joogi jiray amaba ay Caan ku ahayd Somalidu siiba tii uu talyaanigu guumeysan jiray..

Haddaba Calankan Buluuga ah iyo Xidigta Shanta Gees leh, muxuu Talyaanigu uga jeeda?

1.Calanka Buluuga ah iyo Talyaaniga.

Midabka Buluuga ah oo talyaanigu u yaqaanan midabka Qaranka Talyaaniga, waa midab ay ka curaafeystaan oo ay aad u jecel yihiin, wuxuuna ka soo bilawdaa mudo siddeed boqol oo sano laga joogo, Waana Midabkii ay Gurigii reer Boqor ee "'Hous of Savoy" lahayeen, Isaga iyo mibadka Casiba. Waa astaamahii reer Boqorkii Talyaanigu lahayeen ee caanka ku ahayeen.. Taasi waxay keentay in Kooxaha Ciyaaraha Talyaaniga oo dhan Midabkooda ama dharka ay ku ciyaaran, Buluug laga dhigo, Sida Kooxda Xulka Qaranka Talyaaniga ee Kubada Cagta. Xulka Qaranka Talyaaniga ee Basket Ballka, Kuwa Rugby-da, Kuwa Berefka ku Ciyaara ee Ice Hokey-da la yidhaahdo. Iyo qaar kaloo baddanba. Aduunyada oo dhan ayaana isla og in Midabka Buluuga ahi uu yahay Midabka Qaranka Talyaaniga... Hadda ku darsoo Calanka Talyaanigu waa saddex midab oo kala ah, Cagaar iyo Cadaan iyo Casaan... Waxaase ka qiimo baddan oo shacabka Talyaaniga ku dheer Midabka Buluuga.

2. Xidigta Shanta Gees leh iyo Talyaaniga.

Xidigta Shanta gees leh ee Cad, oo Talyaaniga iyo Aduunkuba u yaqaano Xidigtii Talyaaniga (Stella d’Italia). ama Xidigtii Weyneyd ee Talyaaniga (Stellone d'Italia). Waa xidigta keliya ee lagu aqoon sado Talyaanigii hore. Shacabta Talyaaniguna waxay aamin Sanyihiin inay Xidigtaas, Qaranka Talyaaniga Ilaaliso,Difaacdana!. Waa xidig ilaa Boqortooyadii Roomanka ay Talyaanigu ka soo curaafaysan jireen.. Waana Xidigta Astaantooda ah ilaa Maanta. Halkan ka Akhri faahfaahin dheeraada oo xidigtaas ku saabsan.
https://en.wikipedia.org/wiki/Stella_d’Italia.

Haddaba Talyaanigu isagoo dhaqankiisa iyo wixii uu jecelyahay Tix-gelinaaya ayuu Afartii waddan ee uu guumeysan jiray ee Afrika ku yaalay, Saddax ka mida, u sameeyay Astaamo ka kooban Calan Buluug ah iyo Xidig cad oo shan gees leh..wuxuuna ku daray wixii waddamadaasi ay caanka ku ahayeen oo Somaliya wuxuu siiyay, Shabeel oo uu astaantii dhexda kaga sawiray.

Markii UU Xukunka Talyaaniga,Qabsaday, Xisbigii Faashiistaha ee Museliini hogaaminayay,1924-kii. Astaanta waddamadan qaybta sare ee koofiyada Boqortooyadu saaran tahay, wuxuu ku bedelay, Astaan Midab cas leh oo Faashkii uu Xisbigiisu caanka ku ahaana dhexda kaga sawiran yahay. Markii Dagaalkii labbaad ee aduunku dhamaadayna, ee Ingiriisku Qabsaday Waddamadii Talyaanigu Gumaysan jiray, Astaamahoodii waxba kamuu bedelin, ee keliya wuxuu ka tuuray Calaamadii Xisbgii Faashiistaha..

Haddaba Calankaas Buluuga ah iyo Xidigtaas cad ee Lix iyo sagaashanka jir satay, ayaa waxay rag ku andacoonayaan waxaanu sameynay 1954-kii. Hadda 35 SANO Ka hor xiligaas ay sheegayaan ayuu Talyaanigu sameeyay oo ASTAAN uga dhigay Somalida uu guumeysan jiray.

Waxaa keliya ee kuu soo baxayaa waxa weeye, in Maxamed Cawaale illaahay ha u naxariistee uu Astaantii Talyaanigu Somalida u sameeyay Qaybteedii Sare soo gooyey, Shabeelkii dhexda kaga yaaleyna ka jaray. Xidigtii Shanta Gees lahayd ee Talyaanigu ka curaafeysan jirey ee Stella d’Italia.. uu ku sheegay inay Shantii Soomaaliyaad u taagan tahay.. kABAX!
Odaygu Caqli badnaayee!! Allaw kuu Naxariiso..

Haddal iyo dhamaan waxaa halkas ka cad in Calankan Soomaaliya uu sameeyay talyaanigu, Midabka Buluuga ah iyo Xidigta Shanta Gees ahina ay Dhaqankiisa ku arooraan.

W/Q. Suleyman Yusufdhakhtar
Hargeisa Somaliland

Dagaalka Bariga Dhexe iyo Saamaynta Dhaqaale ee Geeska Afrika

  Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida marka laga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha. Xiisadaha iyo dagaal...