Friday, 23 October 2015

Ma Jirto Cid Aan Ku Daba Qoranahay Ee Reer Somaliland Ciddii Ay Doonaan Madaxweynaha Ha U Doortaan Laakiin Ku-Xigeenka Ha Iigu Hiiliyaan”



Ma Jirto Cid Aan Ku Daba Qoranahay Ee Reer Somaliland Ciddii Ay Doonaan Madaxweynaha Ha U Doortaan Laakiin Ku-Xigeenka Ha Iigu Hiiliyaan”

Wasiir Xaglo-toosiye Oo Madal Ilyartu is qabatay Kaga dhawaaqay Musharrax-nimadiisa Madaxweyne-kuxigeen ee Kulmiye Dhexdiisa

“Kuwa Meelahaas Ka Sheegaya In Harti Aanu Diyaar U Ahayn Inuu Codeeyana Waxan Leeyahay Waa Beenayaal Ujeeddooyin Kale Leh, Hartina Waa U Diyaaar Inay Codeeyaan, Aniguna Waxan Idiin Balan Qaadayaa Inay Reer Buuhoodle Codeeyaan”


Hargeysa – (Hubaal) – Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed-kaar ( Xaglo-toosiye) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu yahay musharrax u taagan jagada madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye, isla-markaana uu aaminsan yahay inay muhiim tahay inuu kusoo biiro hoggaanka Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Munaasibad hadhimo-sharafeed ahayd oo uu wasiirku maalintii shalay ku qabtay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa  kasoo qaybgalay, Wasiirro, Xildhibaanno, Salaadiin, cuqaal iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana Halkaas laga jeediyey hadallo kala duwan oo lagu muujiyey sida loogu baahan yahay in wasiirku isu soo taago musharraxnimada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye. Ugu horrayn Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax oo halkaasi ka Hadlay, ayaa sheegay inay si weyn u garab taagan yihiin sidii musharrax Saleebaan Xaglo-toosiye uu ugu guulaysan lahaa gaadhitaanka Himiladiisa madaxweyne-ku-xigeen ee uu u ordayo, “aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan kasoo qaybgalo, awalkii hore waxa la ina odhan jirey ma gashaan Diwaangelinta, laakiin haddii aynu ka qaybgalno rag kalena waa isa soo sharraxi doonaan, Inagu taageerada ugu horraysa ayeynu yeelanaynaa wixii kalena waxa aynu ka raadsanaynaa Qabaa’ilka kale ee Xisbiga Kulmiye ku jira.naftayda iyo nafahiinaba waxan idinkula dardaarmayaa inaynu is dhinac taagno musharrax saleebaan xaglo-toosiye waana musharraxeenii oo xaq buu inoogu leeyahay waligeenba aynu kala fikir duwanaano, laakiin waa ku midaysanahay inaynu saleebaan isdhinac taagno.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax. Sidoo waxa isaguna Halkaasi ka Hadlay soona dhaweeyey musharraxnimada madaxweyne-ku-xigeen ee Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye si weyn usoo dhaweeyey Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “waan soo dhaweynaynaa musharraxnimada Wasiir Xaglo-toosiye, anigoo saraakiisha Kulmiye katirsan waxa sharaf dheeri ah ii ah inuu wasiirku kusoo biiray musharrixiinta ku loollami doona Saaxadda Kulmiye.” Wasiirrada Wasaaraha Biyaha, Baashe Cali Jaamac, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Cali Jaamac Buureed, xildhibaanno, salaadiin iyo xubno kale oo halkaasi ka Hadlay, ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey musharraxnimada Wasiir Xaglo-toosiye, waxana ay tilmaameen in wixii karaankooda ah ay si hagar la’aan ah la garab istaagi doonaan. Ugu Dambayn waxa Madashaas ka Hadlay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, ahna Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye Md Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye, waxana uu si cad u sheegay inuu musharrax yahay, isla-markaana aanay jirin cid uu si gaar ah ugu noqon doono musharrax madaxweyne-kuxigeen xilli ay soo badanayaan musharrixiinta shaaciyey tartarnkooda la xidhiidha jagada madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, ahna musharrax u taagan xilka madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye,  “waxan ahay musharrax madaxweyne-kuxigeenka Xisbiga Kulmiye, Somaliland-na waa dal dimuqraadi ah, Xisbiga Kulmiye na waa xisbi uu Madaxweynuhu soo dhisay, waana xisbi nidaam leh oo sharci iyo kala dambayn leh, mana jirto cid aan anigu ku daba qoranahay, sidaas ogtihiina labada jago ee madaxweynaha iyo ku-xigeenku waa kala madax bannaan yihiin oo marba marbaa la doortaa.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye. Wasiir Xaglo-toosiye oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay inuu si weyn uga soo shaqeeyey nabadda ka hano qaadday Somaliland, haatan uu u taagan yahay sidii uu uga shaqayn lahaa midnimada Shacabka Somaliland ku dhaqan, waxana uu yidhi, “waxan si weyn uga soo shaqeeyey nabadda oo maanta meel fiican maraysa, haatanna waxan u taaganahay inaan midnimada iyo horumarka Somaliland ka shaqeeyo, marka labadaas la helana aqoonsigu waa imanayaa. Barnamijkayguna halkaas ayuu salka ku hayaa, waayo haddii aynu midowno aqoonsi waa la heli karaa. Dadkaas barigana in badan baa la lahaa waa maqan yihiin, laakiin haatan waa yimaaddeen oo waa kuwaas sharraxan.”  Xaglo-toosiye oo farriin gaar ah u diraya Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye, ayaa waxa uu yidhi, “Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxan ka codsanayaa inay codka isiiyaan iyagoo eegaya arrimo aad u faro badan, kuwa meelahaas ka sheegaya in Harti aanu diyaar u ahayn inuu codeeyana waxan leeyahay waa beenayaal ujeeddooyin kale leh, hartina waa u diyaaar inay codeeyaan, aniguna waxan idiin balan qaadayaa inay reer Buuhoodle codeeyaan.” Wasiirku waxa uu sheegay in la gaadhay xilligii dalka uu isbeddel ka dhici lahaa, isagoo doorashadiisa jagada uu haatan doonayo ku tilmaamay mid Somaliland hiil u noqon karta,  “Guud ahaan shacabka reer Somaliland taageero guud baan ka codsanayaa gaar ahaan Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, madaxweynaha ninkay doonaan ha siiyaan, laakiin Kursiga ku-xigeenka maanta aniga ha iigu hiilayaan, waliba Somaliland ha u hiiliyaan oo isbeddelka aynu u baahanahay  aynu samayno.” Ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.
 
Fb; Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

Jewi Aan Qarsoonnayn Oo Madaxweyne Siilaanyo Xalay Ku Qaabilay Sideetameeyo Xubnood Oo Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ugu Jira Subeer Awal



Jewi Aan Qarsoonnayn Oo Madaxweyne Siilaanyo Xalay Ku Qaabilay Sideetameeyo Xubnood Oo Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ugu Jira Subeer Awal
Waxa Kulankan  La Isku Weydaarsaday Warqad Saxeexan Oo Mawqif Keli Ah Ku Midaysan



Hadal Farxad Geliyey Guddoomiye Muuse  Oo Kasoo Yeedhay Afka Madaxweynaha +Xubnaha Fadhigaas Ku Wehelinayey Madaxweynaha+Magacyada Shakhsiyuaad Dhawr Ah Oo Madasha Khudbado Ka Jeediyey



Hargeysa:(Hubaal)-Ugu yaraan 73-xubnood oo kamid ah Xubnaha Beelaha Habar Awal ugu jira Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ay weheliyaan 5-ta Xubnood ee Beeshaasi ku leedahay Golaha Guurtida Somaliland, ayaa habeenkii xalay shir saacado qaatay la yeeshay madaxweyne Siilaanyo, waxana ay u caddeeyeen inay si midaysan u taageersan yihiin musharraxnimada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.


Xubnaha xalay shirka ay taageerada Muuse Biixi ku muujinayaan la qaatay madaxweynaha, ayaa iskugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Beesha Habar awal ugu jira, waxana ay si sarraaxad leh madaxweynaha hortiisa uga sheegeen inay ku midaysan yihiin sidii xubnahaasi codkooda usiin lahaayeen Guddoomiye Muuse biixi Cabdi oo haatan ah Musharraxa madaxweynenimo ee Xisbigaas.


Xubnaha halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka tirsan golaha odayaasha ee guurtida Somaliland, Xildhibaan Ibraahin Axmed Sh. Muuse (Ibraahim-Kacaan) iyo xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Weyso-cadde) oo labadooduba ka tirsan golaha wakiillada, Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis (Waxdad), guddoomiyaha Mihnedlayaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday), guddoomiyihii hore ee hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil iyo xubno kale oo dhawr ah kuwaas oo dhammaantood muujiyey mawqifka ay ku wada socdaan iyo halka ay cududoodu ku  jihaysan tahay.


 Kulanka Xubnahani ka qaateen Madaxweynaha, ayaa waxa goob joog ka ahaa, Madaxweyne-ku-xigeenka, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Md Maxamuud Xaashi Cabdi, Xildhibaan Cali Marreexaan iyo Waliba Guddoomiyaha Xisbiga Md Muuse Cabdi, waxana xubnahaasi madaxweynaha gacanta ka geliyeen warqad ay ku saxeexan yihiin oo ay ku caddaynayaan sida ay ugu midaysan yihiin Taageerada Musharrax Muuse Biixi Cabdi.


Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Hawraarsan kaga falceliyey mawjadda Taageerada ah ee Xubnaha Beesha Habar Awal ku leedahay Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxana uu halkaas ka sheegay hadal kooban oo uu ku muujiyey inay ka furteen Culays marka hore ka saarnaa dhinaca Taageerada Guddoomiyaha, isagoo ku ballan qaaday inuu intii karaankiisa ah la garab taagan yahay Taageeradiisa iyo midda Beesha uu kasoo jeedaba.


Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Xubnihii Beesha Habar Awal ee uu xalay la kulmay ku dhiirrigeliyey inay raadsadaan Xubnaha Beelaha kale kaga jira Golaha dhexe ee Xisbiga, si uu Guddoomiyuhu u hantiyo Cudud taageero oo keenta uu Himiladiisa Madaxweynenimo ka midho dhaliyo.


Kulankan oo ahaa mid kaftan iyo maadays dhinacyadu ku wadaageen, ayaa ku dhammaaday jawi farxadeed, waxana  lagu kala tegay in si niyadsami ah looga shaqeeyo sidii Guddoomiyaha Xisbiga loogu taageeri lahaa hankiisa madaxtinimo iyadoo dhinacyada oo dhammi isku duuban yihiin.


Fadhiga xalay ee Madaxweynaha iyo Xubnaha Beelaha  Habal Awal ugu jira Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye la qaateen Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ahaa midkii ugu cuslaa ee Koox Miisaankaas lihi madaxweynaha hortiisa ka caddaysato taageerada ay u hayaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu qayb ka ahaa diyaargarowga loogu jiro cudud urursiga uu wado Gudoomiyaha Xisbigu.




Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami


Hargeisa Somaliland





Dagaalka Bariga Dhexe iyo Saamaynta Dhaqaale ee Geeska Afrika

  Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida marka laga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha. Xiisadaha iyo dagaal...