Ma Jirto Cid Aan Ku Daba Qoranahay Ee Reer Somaliland Ciddii Ay Doonaan Madaxweynaha Ha U Doortaan Laakiin Ku-Xigeenka Ha Iigu Hiiliyaan”
Ma Jirto Cid Aan Ku Daba Qoranahay Ee Reer Somaliland
Ciddii Ay Doonaan Madaxweynaha Ha U Doortaan Laakiin Ku-Xigeenka Ha Iigu
Hiiliyaan”
Wasiir Xaglo-toosiye Oo Madal Ilyartu is
qabatay Kaga dhawaaqay Musharrax-nimadiisa Madaxweyne-kuxigeen ee Kulmiye
Dhexdiisa
“Kuwa Meelahaas Ka Sheegaya In Harti Aanu
Diyaar U Ahayn Inuu Codeeyana Waxan Leeyahay Waa Beenayaal Ujeeddooyin Kale
Leh, Hartina Waa U Diyaaar Inay Codeeyaan, Aniguna Waxan Idiin Balan Qaadayaa
Inay Reer Buuhoodle Codeeyaan”
Hargeysa – (Hubaal) – Wasiirka
wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed-kaar (
Xaglo-toosiye) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu yahay musharrax u taagan
jagada madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye, isla-markaana uu aaminsan yahay
inay muhiim tahay inuu kusoo biiro hoggaanka Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibad hadhimo-sharafeed ahayd oo uu wasiirku maalintii shalay ku qabtay
Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa kasoo qaybgalay,
Wasiirro, Xildhibaanno, Salaadiin, cuqaal iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro
badan, waxana Halkaas laga jeediyey hadallo kala duwan oo lagu muujiyey sida
loogu baahan yahay in wasiirku isu soo taago musharraxnimada
Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye. Ugu horrayn Guddoomiye-ku-xigeenka
koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax oo halkaasi ka
Hadlay, ayaa sheegay inay si weyn u garab taagan yihiin sidii musharrax
Saleebaan Xaglo-toosiye uu ugu guulaysan lahaa gaadhitaanka Himiladiisa
madaxweyne-ku-xigeen ee uu u ordayo, “aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan
kasoo qaybgalo, awalkii hore waxa la ina odhan jirey ma gashaan Diwaangelinta,
laakiin haddii aynu ka qaybgalno rag kalena waa isa soo sharraxi doonaan, Inagu
taageerada ugu horraysa ayeynu yeelanaynaa wixii kalena waxa aynu ka
raadsanaynaa Qabaa’ilka kale ee Xisbiga Kulmiye ku jira.naftayda iyo
nafahiinaba waxan idinkula dardaarmayaa inaynu is dhinac taagno musharrax
saleebaan xaglo-toosiye waana musharraxeenii oo xaq buu inoogu leeyahay
waligeenba aynu kala fikir duwanaano, laakiin waa ku midaysanahay inaynu
saleebaan isdhinac taagno.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax. Sidoo waxa
isaguna Halkaasi ka Hadlay soona dhaweeyey musharraxnimada madaxweyne-ku-xigeen
ee Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye si weyn usoo dhaweeyey Guddoomiye-ku-xigeenka
Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, waxana
hadalladiisii kamid ahaa, “waan soo dhaweynaynaa musharraxnimada Wasiir
Xaglo-toosiye, anigoo saraakiisha Kulmiye katirsan waxa sharaf dheeri ah ii ah
inuu wasiirku kusoo biiray musharrixiinta ku loollami doona Saaxadda
Kulmiye.” Wasiirrada Wasaaraha Biyaha, Baashe Cali Jaamac, Kalluumaysiga
iyo Khayraadka Badda, Cali Jaamac Buureed, xildhibaanno, salaadiin iyo xubno
kale oo halkaasi ka Hadlay, ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey musharraxnimada
Wasiir Xaglo-toosiye, waxana ay tilmaameen in wixii karaankooda ah ay si hagar
la’aan ah la garab istaagi doonaan. Ugu Dambayn waxa Madashaas ka Hadlay
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, ahna Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeen ee
Xisbiga Kulmiye Md Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye, waxana uu si cad u
sheegay inuu musharrax yahay, isla-markaana aanay jirin cid uu si gaar ah ugu
noqon doono musharrax madaxweyne-kuxigeen xilli ay soo badanayaan
musharrixiinta shaaciyey tartarnkooda la xidhiidha jagada madaxweynenimo ee
Xisbiga Kulmiye, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, ahna musharrax u taagan xilka
madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, “waxan
ahay musharrax madaxweyne-kuxigeenka Xisbiga Kulmiye, Somaliland-na waa dal
dimuqraadi ah, Xisbiga Kulmiye na waa xisbi uu Madaxweynuhu soo dhisay, waana
xisbi nidaam leh oo sharci iyo kala dambayn leh, mana jirto cid aan anigu ku
daba qoranahay, sidaas ogtihiina labada jago ee madaxweynaha iyo ku-xigeenku
waa kala madax bannaan yihiin oo marba marbaa la doortaa.” Ayuu yidhi Wasiir
Xaglo-toosiye. Wasiir Xaglo-toosiye oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay
inuu si weyn uga soo shaqeeyey nabadda ka hano qaadday Somaliland, haatan uu u
taagan yahay sidii uu uga shaqayn lahaa midnimada Shacabka Somaliland ku
dhaqan, waxana uu yidhi, “waxan si weyn uga soo shaqeeyey nabadda oo maanta
meel fiican maraysa, haatanna waxan u taaganahay inaan midnimada iyo horumarka Somaliland
ka shaqeeyo, marka labadaas la helana aqoonsigu waa imanayaa. Barnamijkayguna
halkaas ayuu salka ku hayaa, waayo haddii aynu midowno aqoonsi waa la heli
karaa. Dadkaas barigana in badan baa la lahaa waa maqan yihiin, laakiin haatan
waa yimaaddeen oo waa kuwaas sharraxan.” Xaglo-toosiye oo farriin gaar ah
u diraya Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye, ayaa waxa uu yidhi, “Golaha
dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxan ka codsanayaa inay codka isiiyaan iyagoo eegaya
arrimo aad u faro badan, kuwa meelahaas ka sheegaya in Harti aanu diyaar u
ahayn inuu codeeyana waxan leeyahay waa beenayaal ujeeddooyin kale leh, hartina
waa u diyaaar inay codeeyaan, aniguna waxan idiin balan qaadayaa inay reer
Buuhoodle codeeyaan.” Wasiirku waxa uu sheegay in la gaadhay xilligii dalka uu
isbeddel ka dhici lahaa, isagoo doorashadiisa jagada uu haatan doonayo ku
tilmaamay mid Somaliland hiil u noqon karta, “Guud ahaan shacabka reer
Somaliland taageero guud baan ka codsanayaa gaar ahaan Xubnaha Golaha dhexe ee
Xisbiga Kulmiye, madaxweynaha ninkay doonaan ha siiyaan, laakiin Kursiga
ku-xigeenka maanta aniga ha iigu hiilayaan, waliba Somaliland ha u hiiliyaan oo
isbeddelka aynu u baahanahay aynu samayno.” Ayuu yidhi wasiir
Xaglo-toosiye.
E-mail:
Samater2013@gmail.com
Fb;
Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa
Somaliland
Comments
Post a Comment