Saturday, 24 October 2015

Warbixin UN Monitoring Group Ka Gudbisay Somaliland Oo Lagu Xusay Kor U-Kac Ku Yimid Qiimaha Dhulka Iyo Xaraash Sharci-Darro Ah Oo Lagula Kaco Dhulka Iyo Hantida Ma-Guurtad.


Warbixin UN Monitoring Group Ka Gudbisay Somaliland Oo Lagu Xusay Kor U-Kac Ku Yimid Qiimaha Dhulka Iyo Xaraash Sharci-Darro Ah Oo Lagula Kaco Dhulka Iyo Hantida Ma-Guurtad


Hargeysa (Hubaal) Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay ee loo yaqaan “UN Monitoring Group” ayaa soo saartay warbixin sannadeedkooda ay u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay wakiil uga yihiin arrima amniga iyo sirta ee dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray iyo Ereteriya.
Warbixinta oo maalmihii ugu dambeeyey laga sugayey waxa uu Golaha Ammaanku ansixiyey Salaasadii inna dhaaftay, waxayna ka kooban tahay 322 bog. Warbixinta “UN Monitoring Group” ay soo saaraan waa ta rasmiga ah ee uu ku dhaqmo kana shidaal qaato Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ah unugga qaabilsan go’aamiyana amniga dunida.
Sidii sannadihii horeba, warbixintu Somaliland kama ay sheegin dhibaatooyin aad u waawayn oo la mid ah kuwa ay ka sheegtay Puntland iyo Soomaaliya, kamana ay wada tegin.
Waxa ay warbixinta kooxdu tibaaxday in uu Somalialnd kor u kacay muranka la xidhiidha dhulka iyada oo 45 dhacdo oo la xidhiidha muran dhuleed ay dhaceen xayndaabka Somaliland intii u dhaxaysay bishii sideedaad iyo sagaalaad ee sannadkan oo kaliya.
Murannada dhulka waxa kor u qaaday sida ay warbixintu xustay qiimaha dhulka oo kor u kacay Somaliland iyo xaraashka sharci-darrada ah ee lagula kaco dhulkii iyo hantidii ma-guurtada ahayd ee ummadda u dhaxaysay oo sare u kacay.
Warbixintu waxa kale oo ay falanqaysay kaluumaysiga sharci-darrada ah oo kor u kacay guud ahaan dhulkii Soomaaliya  la isku odhan jiray.
Dhinaca Somaliland waxa ay sheegtay in shirkad la yidhaa Anglo Somaliland Resources Ltd “ALR” oo uu horkacayo nin ka tirsanaan jiray baarlamaanka Ingiriiska magaciisana la yidhaa Sir Tony Baldry uu Somaliland la galay heshiis ah in kalluumasiga Somaliland gebi ahaanba shirkaddan loo xidho taas oo ay Somaliland-na u saxeexday.
Kooxda Kormeerka ee Qaramada Midoobay “UN Monitoring Group” oo la xidhiidhay Sir Tony Baldry wuxu sheegay in Somaliland ka codsatay in uu wax ka hagaajiyo heshiisyada dhinaca kalluumaysiga iyada oo shirkadda ALR ay noqon doonto shirkadda u qaabilsan Somaliland dib-u-sii-bixinta liisannada kalluumaysiga… 


Fb; Abdiasiis jama Haji Cami

Ahmed Hussen becomes the first Somali elected to Canadian Parliament.



Ahmed Hussen becomes the first Somali elected to Canadian Parliament.


York South-Weston is going back to its Liberal roots.
NDP incumbent Mike Sullivan was ousted from office once the votes were tallied in the Monday, Oct. 19 federal election with Liberal Party candidate Ahmed Hussen returning the seat to his party.
“I’ve been pounding the pavement learning about the issues and concerns,” said the lawyer to supporters gathered inside Central Bar and Grill. “I’m humbled by the results.”
Ahmed also commended Sullivan for the race he ran and wished him the best.
Also running in York South-Weston were John Johnson of the Green Party, Stephen Lepone of the Libertarian Party, and James Robinson of the Conservative Party.
Fb; Abdiasiis jama Haji cami
Hargeisa Somaliland



Friday, 23 October 2015

Dalkii Waxa Helay Casaabad Madaxtooyada Joogta Iyo Mid Suuqa Joogta {Ganacsato} Maanta Madaxii Baa La Iskugu Keen Wada Xidhay….” Sheekh Aadan Siiro



Dalkii Waxa Helay Casaabad Madaxtooyada Joogta Iyo Mid Suuqa Joogta {Ganacsato} Maanta Madaxii Baa La Iskugu Keen Wada Xidhay….” Sheekh Aadan Siiro
 

Hargeysa(Hubaal) Sheekh Aadan Siiro, ayaa khudbadiisii jimcaha kaga hadlay arrimo ka mid yihiin Iibinta xaruntii waxbarashada dadban ee Haweenka(Women’ Club), dhacdadii ka dhacday jidadka isku xidha Hargeysa iyo Sheekh iyo culaysta ay leeyihiin xilalka dawladdu marka la eegayo diinta Islamka.
“Waxaynu si kooban uga  hadli doonaa waxa lagu magacaabo Masuuliyadda. Waxaynu ognahay todobaadkii tagay laba dhacdo oo aad u adag oo ka dhacay Berbera agagaarkeeda, oo midi Sheekh ay ka dhacday, midna dhinacan galbeedka Berbera ay ka dhacday. Waxaynu ognahay dhacdooyinkii aan quruxda badnayn ee ka dhacay Boorama intii ciyaaruhu ay socdeen iyo marar ka horaysayba. Waxaynu u taaganahay iyadoo Hargeysa badhtankeeda la iibiyey dhismayaashii taariikhda lahaa ee umaddu ku faani jirtay ee dumarkeena boqolaal iyo kumaankum ay ka baxeen ee Women’s club-ka la odhan jiray ee reer Hargeysa oo dhammi ku garaadaysteen. Arrimaha noocaas ah markaad isku gayso ee taariikh badan oo aynu soo maray la eego waxa kuu soo baxaysa marka talada cid soo dhex gasho doonaysa inay dadka furfurta, waxa muuqata ifafaalihii lagu doonayay Somaliland inay furfuranto,” ayuu yidhi Sheekh Siiro
Sheekha ayaa isagoo sii hadlaya yidhi “ Women’s club-ka la iibiyay, dalkii waxaa helay casaabado.casaabad madaxtooyada fadhida oo iyadu tirooyinka xisaabisa, maxaa halkaas iga soo galaya? Maxaa caruurtayda ka soo galaya? Maxaa kuwa aanu isku xidhannahay ka soo galaya? Iyo casaabad kale oo suuqa jooga oo wixii Illaahay siiyay ee xalaasha ahaa ama Aabihii uga tagay ee la dhididay ee xalaasha ahaa iyagu ku xaaraantinimaynaya inay habeenkii ula gurguurtaan kuwaynu ka hadlayno(Madaxtooyada),”
Wuxuu sidoo kale sheekhu ka hadlay Wariye Sakaaro oo Burco dhawaan lagu weeraray “Burco maanta nin baa lagu garaacay oo hebel buu wax ka sheegay, Inan yar oo saxafi ah oo miskeen ah dhulka loogu tuuray. Yacnii nabadgalyadii halkaasay maraysaa, hebel buu wax ka sheegay, hebel buu taabtay, taasina waa ifafaalaha Kalitaliyeyaasha iyo dadka ay ku shaqaystaan markay samaysmaan. Markay dadka kala dirayaan ee ay ka dhammaystaan waxay rabeen ayay yidhaahdaan yaanay waxba idinka dambeynin, markaasay keenan inay dadka qayb qaybiyaan, markaasay keenan dadka inay dhabarka ka wada taabtaan, markaasay keenan inay dadka midba wax u sheegaan si dadku isugu meeraysto,” ayuu yidhi Sheekh.
Sheekh Aadan Siiro oo cabiraya xaaladda Somaliland wuxuu ku hogotusaaleeyay dhacdo nin maskaxda ka jirrani sameeyay “ Maahmaaha Soomaalida ay leedahay waxaa la yidhi bari baa nin yara xanuunsaday, dabeedna wuu ladnaaday. Waxa loo dhiibay Konton Awr, markii uu soo  dhaamiyay isagoon reerkii soo gaadhin ayuu Boolkii barigii hore yara dabcay( Ninkii Xanuunkii ku soo noqday) dabeedna Awrkii ugu horeeyay ayuu hogaankiisii dabada ugu xidhay Awrkii ugu dambeeyay. Waa konton Awr, markaasay awrtii sidaas isugu meeraysatay, dabeed intuu halkaas fadhiistay ayuu isagii yaabay markay awrtii isku meeraysatay, markaasuu yidhi Illaahayow farash u bixi waad arkaysaaye. Maanta madaxii baa la iskugu keen wada xidhay Illaahayow farash u bixi ayay maanta maraysaa,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Fb; Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland







Dagaalka Bariga Dhexe iyo Saamaynta Dhaqaale ee Geeska Afrika

  Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida marka laga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha. Xiisadaha iyo dagaal...