Skip to main content

Dalkii Waxa Helay Casaabad Madaxtooyada Joogta Iyo Mid Suuqa Joogta {Ganacsato} Maanta Madaxii Baa La Iskugu Keen Wada Xidhay….” Sheekh Aadan Siiro



Dalkii Waxa Helay Casaabad Madaxtooyada Joogta Iyo Mid Suuqa Joogta {Ganacsato} Maanta Madaxii Baa La Iskugu Keen Wada Xidhay….” Sheekh Aadan Siiro
 

Hargeysa(Hubaal) Sheekh Aadan Siiro, ayaa khudbadiisii jimcaha kaga hadlay arrimo ka mid yihiin Iibinta xaruntii waxbarashada dadban ee Haweenka(Women’ Club), dhacdadii ka dhacday jidadka isku xidha Hargeysa iyo Sheekh iyo culaysta ay leeyihiin xilalka dawladdu marka la eegayo diinta Islamka.
“Waxaynu si kooban uga  hadli doonaa waxa lagu magacaabo Masuuliyadda. Waxaynu ognahay todobaadkii tagay laba dhacdo oo aad u adag oo ka dhacay Berbera agagaarkeeda, oo midi Sheekh ay ka dhacday, midna dhinacan galbeedka Berbera ay ka dhacday. Waxaynu ognahay dhacdooyinkii aan quruxda badnayn ee ka dhacay Boorama intii ciyaaruhu ay socdeen iyo marar ka horaysayba. Waxaynu u taaganahay iyadoo Hargeysa badhtankeeda la iibiyey dhismayaashii taariikhda lahaa ee umaddu ku faani jirtay ee dumarkeena boqolaal iyo kumaankum ay ka baxeen ee Women’s club-ka la odhan jiray ee reer Hargeysa oo dhammi ku garaadaysteen. Arrimaha noocaas ah markaad isku gayso ee taariikh badan oo aynu soo maray la eego waxa kuu soo baxaysa marka talada cid soo dhex gasho doonaysa inay dadka furfurta, waxa muuqata ifafaalihii lagu doonayay Somaliland inay furfuranto,” ayuu yidhi Sheekh Siiro
Sheekha ayaa isagoo sii hadlaya yidhi “ Women’s club-ka la iibiyay, dalkii waxaa helay casaabado.casaabad madaxtooyada fadhida oo iyadu tirooyinka xisaabisa, maxaa halkaas iga soo galaya? Maxaa caruurtayda ka soo galaya? Maxaa kuwa aanu isku xidhannahay ka soo galaya? Iyo casaabad kale oo suuqa jooga oo wixii Illaahay siiyay ee xalaasha ahaa ama Aabihii uga tagay ee la dhididay ee xalaasha ahaa iyagu ku xaaraantinimaynaya inay habeenkii ula gurguurtaan kuwaynu ka hadlayno(Madaxtooyada),”
Wuxuu sidoo kale sheekhu ka hadlay Wariye Sakaaro oo Burco dhawaan lagu weeraray “Burco maanta nin baa lagu garaacay oo hebel buu wax ka sheegay, Inan yar oo saxafi ah oo miskeen ah dhulka loogu tuuray. Yacnii nabadgalyadii halkaasay maraysaa, hebel buu wax ka sheegay, hebel buu taabtay, taasina waa ifafaalaha Kalitaliyeyaasha iyo dadka ay ku shaqaystaan markay samaysmaan. Markay dadka kala dirayaan ee ay ka dhammaystaan waxay rabeen ayay yidhaahdaan yaanay waxba idinka dambeynin, markaasay keenan inay dadka qayb qaybiyaan, markaasay keenan dadka inay dhabarka ka wada taabtaan, markaasay keenan inay dadka midba wax u sheegaan si dadku isugu meeraysto,” ayuu yidhi Sheekh.
Sheekh Aadan Siiro oo cabiraya xaaladda Somaliland wuxuu ku hogotusaaleeyay dhacdo nin maskaxda ka jirrani sameeyay “ Maahmaaha Soomaalida ay leedahay waxaa la yidhi bari baa nin yara xanuunsaday, dabeedna wuu ladnaaday. Waxa loo dhiibay Konton Awr, markii uu soo  dhaamiyay isagoon reerkii soo gaadhin ayuu Boolkii barigii hore yara dabcay( Ninkii Xanuunkii ku soo noqday) dabeedna Awrkii ugu horeeyay ayuu hogaankiisii dabada ugu xidhay Awrkii ugu dambeeyay. Waa konton Awr, markaasay awrtii sidaas isugu meeraysatay, dabeed intuu halkaas fadhiistay ayuu isagii yaabay markay awrtii isku meeraysatay, markaasuu yidhi Illaahayow farash u bixi waad arkaysaaye. Maanta madaxii baa la iskugu keen wada xidhay Illaahayow farash u bixi ayay maanta maraysaa,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Fb; Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland







Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii