Skip to main content

Maanta oo kale 11 September 2001



Maanta oo kale, 11.September 2001.

Qalinkii; Sulayman Yusuf Dhakhtar

Miyaad taqaana Magacyada iyo Waddamada ay ka soo jeedaan, Nimankii fuliyay hawlgalkii September,11,2001 ?
Afar iyo tobban sano ka hor maanta oo kale, 11-September 2001, waxaa weerar lagu qaaday waddanka Maraykanka, weerarkaas oo ay Qaadeen niman naftood hurayaal ah oo ururka Al-qaacida ka socday. Nimankaas oo ka koobnaa Sagaal iyo tobban nin, waxay burburiyeen daarihii Ganacsiga aduunka ee World Trade Center-ka loo yaqaanay, kuna yaalay Magaalada New York. Waxay kaloo burburiyeen qaybo ka mida Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka, kuna taala caasimada Maraykanka ee Washington.D.C. Diyaaradii Afaraad-se, meel cidla ah oo Gobolka Pennsylvania, ku taala ayay ku burburtay. Haddaba Sidee wax u dhaceen maalintaas? nimanka hawshaas fuliyayse kuwee ayay ahayeen?
Qoraalkan hoose ayaynu ku eegi doonaa.
Subaxnimadii hore ee 11-September 2001. waxaa qaybtii nabbad gelyada ee saddex ka mida garoomada diyaaradaha rakaabka ee waddanka Maraykanka, oo kala ahaa, Logan Airport, Dulles International Airport, iyo Newark International Airport, ka talaabay oo dhaafay baadhistii, 19 nin oo ka socday ururka AL-qaacida. 19-kaas nin oo ujeedadoodu ahayd inay afduubaan diyaarada Shacabka qaada ee Maraykanka.
Goor-sheegtu subaxnimadaas markii ay ahayd 7:59 a.m,Saacada Maraykanka, ayaa Diyaaradii u horeysey ee ay kooxdaasi Af-duubeysey oo ahayd Boeing 767. ayna lahayd Shirkada Diyaaradaha Maraykanka ee American Airlines, Duulimaad Numberkeeduna ahaa ,Flight 11. ay ka duushay Airporka, ku yaala Magaalada Boston, ee la yidhaahdo Logan Airport. Diyaaradaas oo usii jeeday Magaalada Los Angeles ee ku taala Gobolka California ee Maraykanka. Waxaana diyaaradaas Saarnaa 81 qof oo rakaab ah iyo 11 qof oo shaqaalihii diyaarada ahaa.
Shan iyo tobban daqiiqo ka dib markii ay diyaaradaasi kacday oo ku beegnayd 08:14 a.m. ayay hogaankii diyaarada la wareegeen koox afduubayaal ah, oo ka koobnayd shan nin, Uuna hogaaminaayay Maxamed Caata nin la yidhaahdo oo Masar u dhashay. Ninkaas oo ahaa Maskaxdii hawlgalka oo dhan kala hageysey, hogaaminayeyna.
08;23 a.m, Kabtan Maxamed Caata wuxuu is yidhi, rakaabkii diyaarada la haddal wuxuuse taabtay, button khaldan, taas oo keentay wixii uu rakaabka kula hadli lahaaba inuu ku dhaco oo gaadho, kantaroolka diyaaradaha ee Boston ARTCC. Maxamd Caata, haddalkiisii waxaa ka mid ahaa "' Waxaanu haynaa qorshe, fadlan aamus-naada, waxna idin gaadhi maayaan, waxaanu ku noqonaynaa Airport-ka". Wax yar ka dib haddalkaas ayuu haddana Maxamed Caata hadlayaa oo odhanayaa "" Qofna ma dhaqaaqi karo, Wax waliba way hagaagayaan, haddii aad isku daydaan inaad wax dhaq-dhaqaaq ah samaysaan, waxaad khatar gelinaysaan, Naftiina iyo ta diyaaradaba!, ahaada qaar aamusan!!". Mar saddexaad ayaa Maxamed Caata hadlayaa, markaas oo ay saacadu ahayd, 08.33.a.m wuxuuna odhonayaa " Qofna ma dhaqaaqi karo! Fadlan! waxaynu ku noqonaynaa Airport-ka. ha isku deyina inaad wax dhaq-dhaqaaqa oo edeb daro ah aad samaysaan!!"'.
Saacadu markii ay ahayd 08:46. a.m. ayuu Maxamed Caata oo diyaaradii uu waday ay ku soconayso, 748 km/h (Todoba boqol iyo sideed iyo afartan kiloomitir saacadii) uu si ulla kac ah diyaaradii ugu dhuftay, taawarka waqooyi ee dhismihii ganacsiga aduunka ee WTC, la odhan jiray. iyadoo diyaaradu ku dhacday, inta u dhaxaysa, Faloorka 93aad ilaa 99aad ee dhismahaas. Boqol iyo labba daqiiqo markii uu taawarkaasi gubanaayay ayuu dumay, markaas oo ay saacadu ku beegnayd 10:28 A.M, Subaxnimo. waxaana ku dhintay taawarkaas 1,600 oo qof dad lagu qiyaasay.
Haddaba magacyadii shantii nin ee diyaaradaas af-duubay waxay kala ahaayeen.
1. Maxamed Cawed Al-Sayid Caata. oo ahaa Kabtan-kii diyaarada la wareegay markii ay kooxdani Af-duubtay, ahaana Guud ahaan 19-ka nin, ninka hogaaminaayay. wuxuuu u dhashay Waddanka Masar, Gobolka Nile Delta. Maxamed Caata wuxuu dhashay September .1, 1968.
wuxuuna dhintay 11.September 2001. Da,diisuna waxay ahayd 33 sanno.
2. Cabdi Casiis Al-Cumaari, oo isna ka mid ahaa Shantii nin ee Diyaaradaas American Airlines Flight 11, afduubay , wuxuu dhashay May 28, 1979. wuxuuna ku dhashay oo uu ka soo jeeday, Gobolka Asir, la yidhaahdo ee Waddanka Sucuudi Areebiya. 22 jir ayuu ahaa markii uu dhintay, 11-Sept.2001.
3. Satam Maxamed Al-Suqaami. oo isna ka mid ahaa Shantii nin ee Diyaaradaas American Airlines Flight 11, afduubay, wuxuu dhashay June 28, 1976. wuxuuna ku dhashay kana soo jeeday, Magaalada Riyaad ee waddanka Sucuudi Areebiya. 25 jir ayuu ahaa markii uu dhintay, 11-Sept.2001.
4. Wacil Maxamed Al-shehri, oo isna ka mid ahaa Shantii nin ee Diyaaradaas American Airlines Flight 11, afduubay , wuxuu dhashay. July 31, 1973. wuxuuna ku dhashay oo uu ka soo jeeda, Gobolka Asir, la yidhaahdo ee Waddanka Sucuudi Areebiya. 28 jir ayuu ahaa markii uu dhintay, 11-Sept.2001.
5. Waliid Maxamed Al-shehri, oo isna ka mid ahaa Shantii nin ee Diyaaradaas American Airlines Flight 11, afduubay , wuxuu dhashay. December 20, 1978.wuxuuna ku dhashay oo uu ka soo jeeda, Gobolka Asir, la yidhaahdo ee Waddanka Sucuudi Areebiya. 22 jir ayuu ahaa markii uu dhintay, 11-Sept.2001..
Labbadan nin ee ugu danbeeya, ee Wacil iyo Waliid waa wallaalo ruma.
Qaybta labaad markale kale iyo dhacdadii September, 11. 2001.
Subaxnimadii, 11-September.2001, saacadu markay ahayd 08:14.a.m ayaa diyaaradii labbaad ee la afduubi doona ay ka duushay, gegida diyaaradaha ee Logan International Airport, kuna yaala Magaalada Boston.
Diyaaradan oo usii jeeday, magaalada Los Angeles ee gobolka California, waxaa saarnaa 56 qof oo rakaab iyo shaqaale diyaaradedba isugu jira.
08;37. a.m, ayaa qolada diyaaradaha kala hagtaa ay waydiisay, Kabtankii diyaarada bal inuu arko, Flight 11, oo xiligaas iyana afduubnayd, ahaydna tii aynu shalay ka sheekeenayney? Kabtankii diyaaradu wuxuu ku soo warceliyay inuu arko Flight 11, ayna dhulka ka sareeyso 29,000 feet,.
Qoladii diyaaradaha Kala hageysey waxay kabtankaas u sheegeen inuu diyaaradaas ka fogaado, waayo waxaanu u malayneynaa in la afduubay.
Haddalkaasi wuxuu ahaa kii ugu danbeeyay ee Kabtankii iyo shaqaalihii diyaaradaas laga maqlo. 08.43. A.M ayay kooxii wax afduubeysey bilaabeen inay diyaaradaas afduubaan, waxaana Shidhkii diyaarada Xoog ku galay, labbada nin ee kala ah, Fayez Bani hammad iyo Mohand al-Shehri. iyagoo markiiba dilay labbadii duuliye ee diyaarada wadday oo la kala odhan jiray Victor Saracini iyo Michael Horrocks. taas oo u saamaxday inuu hogaankii diyaarada la wareego Marwan al-Shehhi.
Diyaaradan United Airlines Flight 175, tiraba labba jeer ayay ku sigatay inay jiidho diyaarado kale oo hawada ku jira. lakiin Kabtanadii diyaaradahaas kale wadday ayaa labbada jeerba ka dheeraday oo ka fogaaday. Mar waxay jiidhi gaadhay Delta Air Lines Flight 2315. markalena waxay jiidhi gaadhay oo ku dhici gaadhay . Midwest Express Flight 7.
Saacadu markii ay ahayd, 09:01.a.m, ayaa diyaaradaasi isku soo beegtay Daarihii dhaadheeraa ee ganacsiga aduunka. Diyaaradan oo caalamka oo dhami daawanayo, oo tilifeeshinada si toosa looga wadda arko ayaa waxay ku dhacday, Taawarka Koonfureed ee xaruntii ganacsiga aduunka ee New York, loona yaqaanay WTC.
Diyaaradan oo sixun ugu dhacday, taawarkaas koonfureed ee Xaruntii ganacsiga aduunku, waxay sababtay, muda saacad ka yar inuu ku dumo, taawarkii ay ku dhacday, kaas oo dumay 09:57.a.m, saacada New York.
Waxaana burburka taawarkaas ku dhintay, dad kun qof kor u dhaafaya.
Shantii nin ee Diyaaradaas Af-duubay, waxay magacyadoodu kala ahayeen.
1.Marwaan Yusuf Maxamamed al-Shehhi. oo ahaa Kabtankii diyaaradaas la wareegay, markii la afduubay. wuxuu dhashay 9 .May 1978. wuxuuna ku dhashay Ras AL-khayma oo Imaraatka Carabta ah. 23 jir ayuu ahaa markii uu dhintay, 9.September.2001.
2. Fayis Binu Hamad, oo isna ka mid ahaa ragii afduubay diyaaradaas United Airlines Flight 175. wuxuu dhashay. March 19, 1977. wuxuuna ku dhashay Khor Fakkan, oo hoos tagta imaarada shaariqa ee Waddanka Imaaratka Carabta.. 24 jir ayuu ahaa markii uu dhintay 11.September.2001.
3. Muhanad Maxamed Al-Shehri. oo isna ka mid ahaa ragii afduubay diyaaradaas United Airlines Flight 175. wuxuu dhashay. August 17, 1979. wuxuuna ku dhashay Gobolka Asir ee waddanka Sucuudi Careebiya.
22 jir ayuu ahaa markii uu dhintay, 9.Sebtember.2001. (Ninkan iyo labbadii nin ee wallalaha ahaa ee ilma Al-shehri ee aynu shalay magacyadooda sheegayney, wax qaraabo ah maaha,ee magaca uun ayay waddaagan, waxayse ka yimaadeen isku gobol, oo gobolka Asir ee Sucuudiga ayay u wadda dhasheen.
4. Xamsa Al-Qamdi. oo isna ka mid ahaa ragii afduubay diyaaradaas United Airlines Flight 175. wuxuu dhashay November 18, 1980. wuxuuna ku dhashay Gobolka Al Bahah ee waddanka Sucuudi Careebiya. 20 jir ayuu ahaa markii uu dhintay 11.September.2001.
5. Axmed Al-Qamdi. oo isna ka mid ahaa ragii afduubay diyaaradaas United Airlines Flight 175. wuxuu dhashay July 2, 1979 wuxuuna ku dhashay Gobolka Al Bahah ee waddanka Sucuudi Careebiya. 22 jir ayuu ahaa markii uu dhintay 11.September.2001.
Labbadan nin ee ugu danbeeya, ee Xamse iyo Axmed Al Qamdi, waa wallaalo ruma.
Lasoco Qayb kale oo ka hadlaysa diyaaradii saddexaad ee wasaarada gaashaandhiga ee maraykanka ku dhacday/
Qaybta Sadexaad dhacdadii 11 september 2001
Diyaaradii Burburisay wasaarada gaashaandhiga Maraykanka.
08:20 a.m. Subaxnimo, 11-September-2001, ayay ahayd markii ay diyaaradii American Airlines Flight 77, ka kacday Garoonka diyaaradaha ee Washington Dulles International Airport oo ku yaala Dulles, Virginia. diyaaradaas oo ku sii jeeday magaalada Los Angeles ee Gobolka California. waxaa saarnaa 64 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale diyaaradeedba.
Soddon daqiiqo markii diyaaradaasi hawada ku jirtay. ayaa waxaa xoog ku galay shidhkii diyaarada, saddexda nin ee kala ahaa, Nawaf al-Hamzi iyo wallaalkii Salim Al-Hamzi, iyo Khalid AL-Mihdhar. Iyagoo Kabtankii diyaarada iyo kaaliyihiisiba debada uga soo saaray shidhkii diyaarada, sidii diyaaradahii kale may dilin labbada kabtan ee dhinaca rakaabku fadhiyaan ayay u gudbiyeen oo yidhahdeen fadhiista. Waxaana kantaroolkii diyaarada la waraagey Hani Hanjour, oo ahaa ninka keliya ee Shahaadada Duuliyenimo diyaaradaha rakaabka ah haystey. ahaana ninka xaga duuliya nimada ugu khibrad baddnaa afartii pilot ee afduubka fuliyay 11/September.2001.
Hanni Hanjour, markiiba diyaarada waddadii ay ku socotay ayuu ka soo leexiyay, isagoo usoo jeediyay dhinaca Washington D.C. 09:12 daqiiqo ayay gabadh ka mida rakaabkii diyaarada oo la odhan jiray Renee May, ay soo wacday hooyadeed oo markaas Las Vegas joogtay, waxay u sheegtay in diyaaradii ay saarnaayd la afduubay. markaa ay warkaas gaadhsiiso shirkada diyaaradaas iska leh, ee American Airlines. 09:16 daqiiqo ayaa gabadh kale oo la yidhaahdo, Barbara Olson, oo ka mid ahayd iyana rakaabka diyaaradu ay soo wacday ninkeedii Theodore Olson, waxayna u sheegtay in diyaaradii lix nin ay afduubeen, Pilot-yadii diyaaradana ay debeda usoo saareen oo iyaga ay(waa rakaabkee) ay la joogaan. waxay kaloo gabadhaasi sheegtay, ninka diyaarada Afduubay inuu usheegay in diyaaradu afduuban tahay.
Saacadu markii ay ahayd 09:35:46, ayay diyaaradaasi isku soo aadisay, dhismihii wasaarada gaashaandhiga Maraykanka ee Pangegonka loo yaqaano. waxay ku soconeysa saacadii 850 km/h. 09:37:46 daqiiqo, ayayna ku dhacday qaybta galbeed ee dhismihii wasaarada gaashaandhiga Maraykanka ee pantegonka, iyadoo si xun u burburisay qaybo baddan oo ka mida dhismahaas. waxaana ku dhintay meeshaas 64 qof oo rakaabkii diyaarada ahaa, iyo 124 qof oo kale oo shaqaalihii Wasaarada gaashandhiga ahaa oo ciidamo iyo shiciba isugu jira. waxaana ku dhaawacmay dad kale oo fara-badan.
Haddaba nimankii diyaaradaas afduubay waxay magac-yadoodu kala ahaayeen.
1.Hani Saleh Hasan Hanjour. oo ahaa Pilot-kii diyaada la wareegay markii la afduubay. Hani Hanjour, wuxuu dhashay August 13, 1972, wuxuuna ku dhashay Ta'if, Sacuudi Careebiya. wuxuuna dhintay September 11, 2001 xiligaas oo ay da'diisu ahayd 29 jir.
2. Majed Mashaan Moqed, oo isna ka mid ahaa ragii afduubay American Airlines Flight 77,wuxuu dhashay June 18, 1977, wuxuuna ku dhashay Nakhil oo ka tirsan Sucuudi Careebiye, markii uu dhintay September 11, 2001. wuxuu ahaa 24 jir.
3. Khalid Muhammad Abdallah al-Mihdhar oo isna ka mid ahaa ragii afduubay American Airlines Flight 77,wuxuu dhashay May 16, 1975, wuxuuna ku dhashay Makka, Sucuudi Careebiya. markii uu dhintay September 11, 2001. wuxuu ahaa 26 jir.
4. Nawaf Muhammed Salim al-Hazmi, oo isna ka mid ahaa ragii afduubay American Airlines Flight 77,wuxuu dhashay August 9, 1976, wuxuuna ku dhashay Magaalada Makka Sucuudi Careebiya. markii uu dhintay September 11, 2001. wuxuu ahaa 25 jir.
5. Salem Muhammed Salim al-Hazmi, oo isna ka mid ahaa ragii afduubay American Airlines Flight 77,wuxuu dhashay February 2, 1981, wuxuuna ku dhashay Magaalada Makka Sucuudi Careebiya. markii uu dhintay September 11, 2001. wuxuu ahaa 20 jir.
Labbadan nin ee ugu danbeeya ee Nawaf iyo Salem AL-Hazmi waa wallaalo ruma.
Lasoco qaybta ugu danbaysa iyo diyaaradii ugu danbeysey ee hawlgalkaas lagu fuliyey.
Qaybta ugu danbaysa iyo dhacdadii 11 september 2011
Qaybtii ugu danbeysey, dhacdadii 11-September-2001
Diyaaradii rakaabkeedu ku dagaalameen si ay u badbaadiyaan.
isla Subaxnimadii 11-September 2001, saacadu markii ay ahayd 08:00.am waxaa dib u dhac ku yimi inay duusho diyaaradii United Airlines Flight 93, diyaaradaas oo wakhtigii loogu tallo galay dib uga dhacday, 42 daqiiqo, iyadoo duushay 08:42 a.m, kana duushay Gegida diyaaradaha ee Newark International Airport , ee ku yaala Newark, New Jersey. Diyaaradaas oo usii jeeday Magaalada San Francisco ee Gobolka California.
Diyaaradan waxaa saarnaa 37 qof oo rakaab ah, iyo 7 qof oo shaqaalihii diyaarada ahaa, guud ahaana waxay noqonayaan 44 qof. Afduubka diyaaradani wuxuu bilowday 09;28.a.m. xiligaas oo kabtankii diyaaradaasi oo ahaa Captain Jason Dahl, uu soo dirayaa dhawaaqa ah, inay xaalad deg dega ku sugan yihiin, isagoo ku dhawaaqaya "Mayday! Mayday! Mayday!".. Shan iyo soddon ilbidhiqsi ka dib, Mayday-dii hore, ayaa waxaa haddana soo dhacay haddalkale oo ah, Mayday! "Mayday! Get out of here! Get out of here!, Qofka haddalkan danbe odhanayaa, inuu kabtankii yahay iyo inuu kalkaaliyihiisii yahay iyo inuu qof kale oo shaqaalaha ka mida ahaa, lamma xaqiijin codkaas, lakiin waxay cadayn u ahayd in markaas ay hawshii nimanka Afduubka wadday ay socotay oo ay Shidhkii diyaarada xoog ku galeen. Get out of here! Get out of here! waxay noqonaysaa Halkan ka baxa, , amma halkan debada uga baxa.
Markii ay xooga ku galeen Shidhkii diyaarada, kooxdani waxaa dagaal dhexmaray Kabtankii diyaarada iyo kalkaaliyihiisii, waxayna isku dayeen inay dilaan, dhulka ayayna ugu tuureen, waayo markii danbe ee Sanduuqa Madow la helay oo la baadhay, waxaa la maqli karaa taaha iyo jibaadka qof dhaawac ah oo yaala,shidhkii ay xooga kula wareegeen, nimankii wax afduubay. markaas oo ahayd 09:31 daqiiqo oo ah saddex daqiiqo ka dib markii uu bilawday afduubkii diyaaradu. isla xiligaas ayuu Siyaad Jaraax oo ahaa Kabtankii la wareegay diyaarada markii la afduubay, uu la hadlayaa rakaabkii diyaarada isagoo leh "Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan ahay kabtankii . fadlan fadhiista, fadhiyana kuraasidiina, waxaanu hayna Bom oo saaran (diyaarada). Fadlan fadhiya!.. 09:39 a.m ayuu haddana mar labbaad Kabtan Siyaad Jaraax hadlayaa isagoo leh ""Waxaan ahay kabtankii, waxaan jeclaan lahaa inaan idiin sheego inaad dhamaantiin kuraasidiina fadhidaan,, diyaarada Bom ayaa saaaran! waxaanu ku noqonaynaa Airport-ka, waxaanuna doonayna, waxa aanu dalbanayno, Fadlan aamusnaada".
Diyaaradan oo ahayd tii dhibta ugu baddani ka dhex dhacday, marka loo eego, Saddexdii diyaaradood ee hore ee aynu ka soo sheekaynay. Shan iyo soddon waci-taan ayay dadkii diyaarada saarnaa soo sameeyeen, iyagoo la hadlaaya, Ama reerahoodii ama shirkadii diyaarada lahayd. dadkaas waxaa ka mid ahaa, Tom Burnett, oo soo wacaaya Xaaskiisii, wuxuuna u sheegayaa in diyaaradii uu saarnaa la afduubay oo niman mindiyo sitaa ay afduubeen, welibana ay leeyihiin Bom ayaanu haysana oo diyaarada saaran" Tom Burnett, Xaaskiisii waxay usheegtay oo ku wargelinaysaa waxa New York ka dhacay iyo in daarihii dhaadheeraa ay labba diyaaradood oo la afduubay ay ku dhaceen.. isna markiiba wuxuu kor ugu qaylinayaa, Oh My God, waa hawl gal ismiidaamin ah" wuxuuna hadalkii gabadhiisu u sheegtay, uu markiiba u gudbinayaa rakaabkii kale ee diyaarada la saarnaa, iyadoo gabadhiisuna weli tilifoonka ku jirto ayuu marba waxay u sheegto isna rakaabkii u gudbinaayay.. waxyar ka bacdiina wuxuu ku odhanaya Xaaskiisii "" Ha werwerin wuxuun ayaanu samayn doonaaye'.
09:47:a.m ayaa gabadh la yidhaahdo CeeCee Lyles, ay iyana soo wacaysa ninkeedii, waxay u sheegaysaa in la afduubay diyaaradii ay saarnaayeen. Waan ku jeclahay ayay odhanaysaa, caruurtaydiina u sheeg inaan aad u jecelahay... waxay intaa ku daraysaa inay maqashay in diyaarado ay ku dhaceen xaruntii ganacsiga aduunka ee World Trage Center.. garan maayo waxaan sameeyo ayay odhanaysaa iyadoo ooyaysa, waan idin jecelahay ayay ku calinaysaa tilifoonkiina way sii deyneysaa.
09:57 a.m ayaa rakaabkii diyaaradu markii ay xaqiiq sadeeen in ay kolayba geeri u joogyihiin oo diyaaradaas ay saaran yihiin meel lagu dhufan doono, maqleena warka ah in daarihii dhaadheeraa ee New York labba diyaaradood oo la soo afduubay ay ku dhaceen ayaa waxay u codaynayaan inay xoog ku kula wareegaan diyaarada iyo inay faraha ka qaadaan oo arkaan meesha lagu dhufta, ama halka ay ku danbeeyaanba.. Markaa waxay rakaabkii isku raaceen in diyaarada xoog lagula wareego, qiime kasta haku kacdee. isla daqiiqadaas ay go'aanka gaadheen rakaabku ayaa waxay bilaabeen inay dhinacii shidhka diyaarada xoog ku galaan.. Waxaana laga maqlayaa Sanduuqii Madooba ee diyaarada, haddalka Kabtankii Diyaarada Afduubay ee Siyaad Jaraax oo qof kale oo ka mida afartii nin ee diyaarada afduubay la hadlaaya oo leh ""Waxay doonayaan inay gudaha soo galaane (cockpit-ka shidhkii diyaarada). Albaabka gudaha ka hay, Gudaha ka hay!"" Markiibana Siyaad Jaraax wuxuu badalayaa qaabkii ay diyaaradu u soconeysey,isagoo marna kor u qaadaya fuqeeda, marna hoos usii daynaya.. Si ay rakaabku marna hore ugu daataan, marna dib ugu yaacaan oo ayna jaanis ay ugu soo galaan u helin.
10:00 am markii ay marayso saacado, shan daqiiqo ka baddana rakaabkii diyaaradu ay isku dayayaan inay xoog ku galaan shidhka diyaarada, weerar ba'ana ay ku hayaan, afartii nin ee wax afduubay, ayaa Siyaad Jarrax markana mid ka mida saxiibadiisii shidhka kula jiray uu ku odhanaya "" Ma taas ba?'.. Waxuu sii raacinaya, haddal ah. "Ma u dhamaynaa?. markaas ayaa qofkii uu la hadlaayay ugu jawaab celinaya, "'Maya,Maya weli, Marka ay gidigood yimaadaan ayaynu u dhamayn doonaa!!
10:01 am Waxaa la maqlaayay dagaalka meesha ka socda iyo sida ay rakaabku naflacaariga ugu ahayeen inay badbaadaan oo xoog ay kula wareegan diyaarada, haddalada kale ee sanduuqii madooba ee diyaarada laga helaayo ee ku duuban waxaa ka mida qof rakaabka ka mida oo ku qaylinaya ''Haddii aynaan shidhka gelin, gidigeen waynu dhimanaynaa"'
Iyo mid kale oo ku qaylinaya "'Gaadhiga cuntada (waa bahalka yar ee afarta taayir leh ee rakaabka diyaarada cuntada lagu siiyo) aynu la dhacno si albaabku u jabo!!, wax yar ka dibna sanqadha albaabka oo si xoog ah u baxaaya ayaa bilowmaya. Kabtan Siyaad Jarraaxna markii uu arkay in loo soo gelaayo ayaa wuxuu bilaabay takbiirta, Allaahu Akbar,Allaahu Akbar, Allaahu Akbar,ka dibna mid ka mida saaxiibadiisii afduubka, ayuu way diiyay. ''Ma taasba?' waxaan u jeedaa diyaarada ma ridnaa? Markaas ayaa ninkii kale ugu jawaabaya, ""Haa, haa rid,dhulka ku rid"'
Iyagoo rakaabku weli wadda dagaalkii ay ku jiraan, ayaa waxaa la maqli karaa saacadu markii ay ahayd 10;02 Daqiiqo, mid ka mida rakaabkii oo ku qaylinaya "'Soo celi, waxa soo celi", iyo mid kale oo nimankii wax afduubay ah oo ku qaylinaaya isna "'rid rid, dhulka ku rid"' isla wax yar ka dib, haddana dhawaaq kale oo isla ninkaas hore ee rid rid leh, u cod eeg, oo kur ugu dhawaaqaya ayaa la maqlayaa, "" Hey Hey, waxaa isii! waxaa isii!" Isla markiiba Siyaad Jaraax oo kabtankii diyaarada ahaa, wuxuu bilaabay inuu diyaaradii xaga kale u rogo, iyadoo madaxeedu dhulka dhinac dhinac ugu soo beegan yahay, caloosheeduna kor u jeedo,, waxaana la maqlaayay mid ka mida afduubayaashii oo ku qaylinaaya Takbiirta, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar Allaahu Akbar.. waxaa kaloo la maqlaayay dhawaaqa iyo qaylada rakaabkii diyaarada saarnaa. Aakhir-kiina diyaaradaasi waxay dhulka ku dhacday 10:03 a.m, iyadoo ku dhacday meel cidla ah oo u dhow Stonycreek, Pennsylvania, markii ay dhulka ku dhacday qiyaas ahaan waxay saacadii ku soconeysey 906 km/h. qofna kama badbaadin diyaaradaas waxaana ku dhintay Afar iyo afartankii qof ee saarnaa diyaaradaas, Diyaaradani meesha qorshaheedu ahaa ee la islahaa ku dhufta waxuu ahaa Guriga Cad ee Maraykanka looga taliyo, ama Guriga Baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill, loo yaqaano.
Ragii diyaaradaas afduubay magacyadoodu waxay kala ahayeen.
1. Siyaad Samir Jarrax, oo ahaa Kabtankii la wareegay markii diyaarada la afduubay, wuxuu ku dhashay Magaalada Bayruut ee Caasimada Lubnaan May 11, 1975. wuxuu ka dhashay reer maalqabeeno ah, wuxuuna dhintay 11.Sebtember 2001. da'diisuna waxay ahayd xiligaas 26.
2. Saciid Abdallah Ali Sulayman al-Ghamdi, oo isna ka mid ahaa ragii afduubay diyaaradii United Airlines Flight 93, wuxuu dhashay November 21, 1979, wuxuuna ku dhashay Al-Bahah Sucuudi Careebiya, Markii uu dhintay 11-September 2001, wuxuu ahaa 21 jir. (Ninkan Al-Ghamdi iyo nimankii kale ee ay isku magaca yihiin ee qoraaladii hore ku jiray, wallaalo maaha, lakiin isku qabiil ayay ka soo wadda jeedaan).
3. Ahmed bin Abdullah al-Nami, oo isna ka mid ahaa ragii afduubay diyaaradii United Airlines Flight 93, wuxuu dhashay, August 17, 1977 wuxuuna ku dhashay Asir, Sucuudi Careebiya, Markii uu dhintay 11-September 2001, wuxuu ahaa 24 jir.
4. Ahmed Ibrahim al-Haznawi, oo isna ka mid ahaa ragii afduubay diyaaradii United Airlines Flight 93, wuxuu dhashay,October 11, 1980, wuxuuna ku dhashay Al-Bahah Sucuudi Careebiya, Markii uu dhintay 11-September 2001, wuxuu ahaa 20 jir.
Diyaaradan United Airlines Flight 93, ragii afduubay waxay ahayeen afartaas nin, caadiyanse sadexdii diyaaradood ee hore ragii afduubay waxay ahayeen min shan nin, diyaarad kasta shan nin ayaa afduubay. Markaa diyaaradan ninkii shanaad ee afduubka ku jiri lahaa, waxaa la odhan jiray Mohammed al-Qahtani, sababta uu uga hadhayse waxa weeye markii nimankan kale maraykanka ay soo galayeen, isna wuu ku jiray ragii Maraykanka soo galaayey, waxaase laga celiyay Airportka Orlando, Florida, August 3, 2001.
Dhamaad
W/Q Suleyman Yusufdhakhtar.
Facebook.com/Suleymanyusufdhakhtar




Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii