Tuesday, 20 October 2015

Boqorka Sucuudiga Oo Dalkiisa Ugu Yeedhay Hogaamiyayaasha Somaliya, Ethiopia Iyo Djabout –


Boqorka Sucuudiga Oo Dalkiisa Ugu Yeedhay Hogaamiyayaasha Somaliya, Ethiopia Iyo Djabout 


Hargeysa):-Gobolkan Geeska Afrika ayaa la filayaa in maalmaha soo socda laga dareemo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo xaraarad diblumaasiyadeed oo aan hore uga jirin marka laga hadlayo dhinaca  xidhiidhada dawladaha gobolka iyo dalalka Carabta.
Boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdalcasiis ayaa Axadda toddobaadkan oo ku beegan 25ka Oktoobar waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha dalka Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka mid ah saddex hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika oo bishan aynu ku jirno ee Oktoobar gudaheeda booqashooyin ku tegi doona dalka Sucuudiga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu.
Diblumaasi Jabbuuti u dhashay ayaa u sheegay Shabakadda Al-Khaleej oo wargeyskan Geeska Afrika uu soo xiganayo in madaxweyne Geelle uu dalka Sucuudiga ku tegeyo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay boqorka Sucuudiga, waxa aanay booqashadiisani bilow u tahay laba booqasho oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ay isla dalka Sucuudiga ku tegi doonaan bishan gudaheeda.
Kulanka Madaxweyne Geelle iyo boqor Salmaan ayaa la filayaa in ay kaga wada hadlaan xidhiidhka labada dal iyo xaaladaha gobolka gaar ahaan dalka Yemen iyo raadka arrintiisu ay ku yeelatay dalalka deriska la’ ah, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika.
Dadka u dhuun-daloola siyaasadaha gobolka ayaa u arka in booqashada saddexdan hoggaamiye ay ku tagayaan dalka Sucuudigu ay xidhiidh la leedahay xaaladda dalka Yemen iyo sidii la isaga kaashan lahaa go’doominta ururrada argagaxisada ah ee Yemen ka hawlgala, gaar a haan Soomaaliya oo isagu kulaalaya xeebaha Sucuudiga, waxase intaas dheer boqortooyada Sucuudiga oo hadda u heellan sidii ay u joojin lahayd fiditaanka dalka Iiraan oo la sheegay in uu u soo galay dalalka Koonfur ka xiga badda cas, waxaa iyaduna xusid mudan ka hortagga Xuutiyiinta oo uu Sucuudigu u arko in ay yihiin gacanta Iiraan ay ku leedahay Yemen. Waxaa kale oo jirta cabsi laga qabo in marin-biyoodka ganacsiga muhiimka u ah ee Baabul-mandab ay ammaankiisa  waxyeelaan ururka Xuutiyiinta iyo kooxaha taageersan madaxweynihii xukunka Yemen laga qaaday ee Cali Cabdalla Saalix, cabsidaas oo sii xoogaysatay markii dhowaan ay kooxahani qabsadeen dekedda Al-Xudayd ee Yemen oo aad u muhiim ah.



Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland


No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...