Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Diyaarad Ku Dhacday Deegaanka Carbiska Ee U Dhaw Magaalada Afgooye (Dhagayso
Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Diyaarad Ku Dhacday Deegaanka Carbiska Ee U Dhaw Magaalada Afgooye (Dhagayso)
Maareeyaha Hay'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaaxid
Sheekh Cumar, ayaa sheegay in diyaaradda ay sidday cunto
Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya diyaarad la sheegay in laga lee yahay dalka Masar oo xalay ku dhacday agagaarka deegaanka Carbiska ee u dhow magaalada Afgooye, kadib markii ay u suurto geli weyday inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Lix qof oo la socday
diyaaradda ayaa badbaaday balse waxyeello xooggan ayaa gaartay diyaaradda,
kadib markii uu duuliyaha sameeyey dejin deg deg ah.
Maareeyaha Hay'adda
Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaaxid Sheekh Cumar, ayaa sheegay
in diyaaradda ay sidday cunto qaboojisan (Frozen Food), oo ciidamada Amisom ay
lee yihiin.
Maareeyaha oo ay
wareysatay Sahra Ciidle Nuur, ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey sidii ay wax
u dhaceen.
E-mails: Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis Jama
Haji Cami
Hargeisa Somaliland
Comments
Post a Comment