Hummaagii Soo Dhawaynta Maxamed Biixi Iyo Muquurashadii Xubnaha KULMIYE Ugu Jira Golaha Dhexe Ee Galbeedka Hargeysa
Hummaagii Soo Dhawaynta Maxamed
Biixi Iyo Muquurashadii Xubnaha KULMIYE Ugu Jira Golaha Dhexe Ee Galbeedka
Hargeysa.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo
xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi
Yoonis oo ka mid ahaa wefti uu hogaaminaayey Madaxweynaha
Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo
socdaal ku tegey waddama Ireland iyo Ingiriiska ayaa soo gaabiyey
safarkiisa sababo la xidhiidha xummadda loollanka siyaasadeed ee
musharraxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE. Wasiirka oo ka soo hor
maray xubnihii kale ee weftiga, isla markaana keligii
dalka ku soo laabtay maanta si uu u shaaciyo hankiisa musharraxnimo ee
madaxtinimada ayaa soo dhawayn adduun badani ku baxay oo 48-kii saacadood
ee u dembeeyey laga shaqaynayey lagaga hor tegey Madaarka iyada.
Soodhawaynta wasiirka arrimaha dibeda Somaliland
oo dhaq-dhaqaaqa u diyaar garawgiisa loo adeegsaday dadweyne laga soo
ururiyey xaafaadaha ay caasimaddu ka kooban tahay kuwaas oo lagu soo
daabulay basas iyo baabuur ay ku xardhan yihiin sawirrada
wasiirka iyo hal ku dhigyo ka turjumaya ololihiisa ayaa waxaa la isugu geeyey
barxadda hore ee afaafka laga galo madaarka halkaas oo food saaro looga
dhigay qaar kamid ah hoggaanka dhaqanka ee Somaliland [Salaadiinta waaweyn
ee beellaha Somaliland] iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo
siyaasaddoodu gebi-dhacleynayso.
Wasiir Biixi, ayaa ugu horrayn Abaaro
11:00AM-subaxnimo kasoo degay Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International
Airport, ayaa Taageerayaashan oo watay Noocyada Kala duwan ee Gaadiidka
waxa loo gelbiyey dhinaca Crown Hutel ee Magaalada Hargeysa, waxana
Halkaas loogu qabtay Munaasibad Hadhimo-sharafeed ah oo ay Hadallo dhaxalgal ah
ka jeediyeen Masuuliyiin tiro badan iyo madax-dhaqameed kaleba, kuwaas oo ku
dheeraaday sida ay diyaar ugu yihiin inay Musharax Maxamed Biixi ku
taageeraan Hankiisa la xidhiidha Hoggaaminta Dalka Somaliland.
Inta Badan Xubnihii Halkaasi ka Hadlay oo hadlaka
iskaga dambeeyey, ayaa tilmaamay inay taageero naf iyo maalba ah la garab
taagan yihiin Musharraxa Maxamed Biixi Yoonis, waxana ay taageerayaashii
Halkaas iskugu yimi kula dardaarmeen inay taageeradooda siiyaan.
Dhinaca kale Midabada is huwan ee soo
dhawaynta Maxamed Biixi Yoonis ka madhnaa waxaa ka mid ahaa
in ay qaabilaada soo guryo noqoshadiisa iyo xoojinta ololihiisa ay ka
muquurteen gebi ahaan masuuliyiinta xukuumadda xilalka ka haya iyo kuwa
golayaasha qaranka ku jira ee beel ahaan ay Wasiirka ka soo wada jeedaan.
Si kale haddii loo dhigana muuqaallada soo dhawaynta wasiirka arrimaha
dibada kama ay dhex muuqan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira
Beellaha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa, marka laga reebo xubno faro ku tiris
ah oo ka mid ah golaha sharci dejinta kuwaas oo iyaguna Xisbigii Burburay ee
UDUB ka mid ahaa balse dhawaan KULMIYE ku soo biiray.
Hore ayaa loo yidhi Wixii laguu sheego maankaaga
la kaasho, sidaas darteeda qofka aan madasha soo dhawaynta joogini marka uu qac
indhaha ku siiyo muuqaalladii iyo sawirradii warbaahinta ka baahisay wasiirka
waxaa ay markaba maskaxdu is weydiinaysaa sababta ay soo
dhaweeyayaasha uga mid noqon waayeen wasiirrada, wasiir ku xigeennada,
agaasimeyaasha guud iyo xildhibaannada iyo guud ahaanba xubnaha ay wasiirka isu
beesha yihiin ee golayaasha qaranka xilalka ka haya. Su’aashaasi rogrogeeduna
waxa caqliga saliimka ahi ku macnaynayaa in wasiir Biixi Faro madhan ka taagan
yahay taageerada Siyaasiyiinta Beeshiisa taas beddelkeena uu
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isku fuuqsaday kasbashada xubnaha golaha dhexe ee
beesha Galbeedka Hargeysa iyo guud ahaanba siyaasiyiinta xubnaha ka ah Xisbiga
KULMIYE ee ay isku beesha yihiin. Soo dhawayn la’aantanina waxa ay ka
turjumaysaa in SAddex Gool iyo Eber Uu Guddoomiye Muuse Biixi ku diray WAsiirka
ay isku beesha yihiin ee kula loollamaya musharraxnimada.
Dhinaca Beesha Bariga Burco ee talada dalka
haysa isla markaana saamaynta ku leh geedi socodka siyaasadda xisbiga KULMIYE
haba yaraatee kama ay dhex muuqan soo dhawaynta wasiir Biixi, marka laga reebo
hal wasiir iyo dhowr xubnood oo kale oo iyaguna meel hoose ka saaran jaranjarta
Siyaasadda, saamayn aan aad u buurnayna ku leh go’aan qaashada xisbiga iyo
hawlaha shirkooda.
Isku soo wada duuboo faro madh-naanta WAsiir
Maxamed Biixi ka joogo taageerada xubnaha golaha dhexe ee Beeshiisa ugu jira
KULMIYE waxaa ay geyeysiiyey in uu garabsado Madax dhaqameedka Somaliland
kuwooda ugu maamuuska badan sida suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan
MAxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan
Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, kuwaas oo beddelkii siyaasiyiinta ka
gabbaday soo dhawayntiisa uu taageero kaga raadiyey. Si kasta oo ay noqotaba
Wasiirka ma is weydiiyey in cidda uu codka ka rabo iyo halka ay qummanayd
in uu taageerrada ka doonto. Runtii jawaabta dadweynaha ayaan u dhaafayaa
waxaanse leeyahay Madaxda dhaqanku waxaa ay maamuus ku leeyihiin
cumaamadda, balse casharrada siyaasadda iyo libta shirka golaha dhexe wax haba
yaraatee cod iyo cudud ah kuma biirin karaan kamana dhimi karaan.
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb:Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somali
Comments
Post a Comment