Monday, 12 October 2015

War Deg Deg Ah:Gurigii Taliyaha Qaybta Awdal Oo La Gubay,Ciyaarihii Maanta Ka Dhici Lahaa Oo Amaan Daro U Qabsoomi Waayey Iyo Xaalada Borama Oo Rabshado Hadheeyeen.


War Deg Deg Ah:Gurigii Taliyaha Qaybta Awdal Oo La Gubay,Ciyaarihii Maanta Ka Dhici Lahaa Oo Amaan Daro U Qabsoomi Waayey Iyo Xaalada Borama Oo Rabshado Hadheeyeen


Borama(Qarni)Waxaa dab la qabad siiyey oo la gubay guriga Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Awdal General Araweelo uu ku lahaa Magaalada Boorama waxaana qaybo ka mid ah Magaalada Ka Socda Banaanbaxyo
Rabshado wata oo lagaga soo horjeedo dilkii shalay ka dhacay Garoonka Xaaji Daahir Cilmi Stadium.

dhanka kale Meydka wiilkii yaraa ee shalay lagu dilay garoonka Xaaji Daahir Cilmi Staduim ayaa la isku diiday in la aaso ka dib markii beesha uu ka soo jeedaa wiilkaasi yari ku doodeen in sharciga loo hor keeno askarigii dilay sida ay sheegayaa waraka ka soo baxay Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal.

Dhinaca kale waxa baaqatay ciyaartii maanta xulalka gobolada Hawd iyo Buuhoodle Dhexmari lahayd taasi oo u qabsoomi wayday xaalada amaan xumo ee magalada Borama,waxaana hada qaybo magalada ka mid ah ka socda rabshad.



Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...