Xulka Marood-jeex Oo Laga Reebay
Tartanka Ciyaaraha Gobolladda Iyo Go’aamo Culus Oo Xidhiidhka Kubadda Cagtu Uu
Xalay Soo Saaray
“Ma JiraanTaageereyaal Garoonka Soo Galay,
Waxayse Ahaayeen Tababarihii, Koonfindhe iyo ciyaartoygii xulka Maroodi-jeex oo
dhan”

“Go’aanka aanu qaadanay waxa weeye in markii garsoorihii
koowaad iyo calan wallihii koowaad ay rikoodhe ku qabteen xulka
Maroodi-jeex ay ciyaartoygii diideen in lagu laago oo ay dagaal gacan ka
hadal ah kala horyimaadeen oo ay qaarkoodna dhaawacyo muuqda u geysteen,
ka dib waxaanu go’aan ka soo saaray dhacadadii galabta markii aanu
sugaynay xulka Maroodi-jeex wakhtigii ciyaarta ka dhinaa. markaa Go’aanka
xidhiidhka kubadda cagtu soo saaray waxa weeye in aanu saddexdii dhibcood ee
ciyaartii maanta [shalay] dhex maraysay Awdal iyo Maroodi-jeex lagu wareejiyo
gobolka Awdal, sidaasna gobolka Awdal kaga mid noqdo gobolladda u soo baxay
wareega labaad,”Ayuu yidhi Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland. Sacad
Maxamed Shire waxa kale oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa kale oo
aanu ciyaarta dambe ka joojinay inuu ciyaaro oo ganaaxnay Ciyaartoyga magaciisu
yahay Fadxi Muuse Maxamed oo ka mid
ah ciyaartoyga gobolka Awdal, oo isaguna garsooraha laad la dhacay. waxaanu
xidhiidhka kubadda cagtu ka joojiyeen inuu ka qeyb-galo wareega labaad ee
ciyaaraha gobolladda ee Hargeysa lagu qaban doono.” Xoghayaha Xidhiidhka
Kubadda cagta oo aanu weydiinay cida rabshadaha sameeyay inay ahaayeen ciyaartoy
iyo inay taageereyaal ahaayeen, waxa uu yidhi “Ma Jiraan wax taageereyaal
ah oo garoonka soo galay, waxay ahaayeen Tababarihii, Koonfindhe iyo
ciyaartoygii xulka Maroodi-jeex oo dhan.” Sacad Maxamed Shirre oo ka jawaabayay
su’aal ahayd in ganaaxan culusi uu wax ka bedali doono gal-daloolooyinkii hore
uga jiray garoomadda ciyaaraha, waxaanu yidhi “Xidhiidh ahaan horeba way
jiri-jirtay inaanu go’aamo soo saarno, haddii gobollada kale dhaqan noocan oo
kale ah sameeyaanna waanu ganaaxi doonaa. waliba ciyaartoyga maroodi-jeex
markay tagaan Hargeysa go’aamo dheeraad ah oo la xidhidiha falkii maanta ayaa
laga qaadan doonaa.”
No comments:
Post a Comment