Skip to main content

Jamaacad Cusub Oo La Magac Baxdey Marodijeh International University Oo Laga Furey Magaalada Hargeysa


Jamaacad Cusub Oo La Magac Baxdey Marodijeh International University Oo Laga Furey Magaalada Hargeysa




Hargeysa:- Munaasibad balaadhan oo lagu qabtey hotel maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa  lagu shaaciyey  in dalka laga furey  jaamacad cusub oo loogu magac  darey Marodijeh International University 

Xafladan shaacinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Wasiiro , Xildhibano , Masuulyiinta Xisbiyada Mucaaridka , Qaar Ka Mid Ah Madaxda Jaamacada Dalka Ka Jira , Culmo Aw Diin  Iyo Masuulyiin Kale   Ugu Horeyn waxaa Madasha  Ka Hadley Gudoomiyaha Jamacadaasi Prof. Cabdi Xussen Gaas Waxaana uu sheegay in u jeedka jaamacadan loo sameyey ay -tahay sidii  Is bedel loogu sameyn lahaa qaabka waxbarasho ee dalka waxaana uu yidhi.
Dhamaan marti sharafta ka soo qeyb gashay xafladan lagu shaacinayo jaamacadan cusub waan u mahad celinayaa runtii jaamacadan  waxaa nagu kaliftey in aan dalka ka furno anaga oo rabna in aanu ka wax ka qabano  baahida waxbarasho ee dalka ka jirta
Xaqiiqdii dalka waxaa ka jira jaamacado faro badan balse waxaa aanu ku da dali doona sidii aanu u buuxin laheyn waxii ka dhiman jaamacadaas dalka hore uga jirey “ ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacada Marodijeh International University  . Prof.Cabdi Xussen Gaas .
-
Sidoo kale waxaa iyaguna dhinacooda ka Hadley masuulyiin kala duwan oo ay ka  mid yahiin  gudoomiye ku xigeenka xisbiga waddani Axmed Muumin Seed , Sheikh Aadan Siiro , Prof.Bulxan  , Cabdikariim  Axmed Mooge, Prof. Xujaale iyo masuulyiin kale waxaana ay dhamaantood ay ku dar daareen maamulka cusub ee jaamacada in ay noqdaan qaar waxtar ku soo  kordhiya qaabka waxbarsho ee dalka sidoo kalana waxaa ay u soo jeediyeen in jamacadan cusbi ay  dalka keento qab  waxbarsho oo  dalka iyo dadkaba anfacaya . –


Cabdicasiis maxamed samaale  wasiirkii hore ee wasaarda maaliyada somaliland  oo ka mid ah masuulyiintii madasha ka hadashay ayaa waxaa uu hanbalyeeyey maamulka iyo macalimiinta jaamacadan cusub ee maanta la shaaciyey waxaana uu ku dar daaray in ay ku dadaalan sidii ay u hawl gali  lahayeen in ay soo saaran ardey dalka iyo dadka wax u qabta isla markaana ka dheer qabyaalada waxana u yidhi “ waxaan  leeyahay maamulka jaamacadan cusub marka hore hanbalyo  jaamacaduhu dalka door mihiim ah ayey kaga jiraan waxaana  mihiim ah in aad ku da daashan sidii aad u soo saari laheydeen ardey dalka wax u tarta oo ka dheer qabyaalada   dalkeeni waad ogtihiin oo qabyaalad ayaa ina xushey  ee ka dheerada qabyaalada “ ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasarada maaliyada Somaliland  Cabdicasiis Maxamed Samaale .

Hajicami.blogspot.com
Skype: Abdiasiis47
FB: Abdiasiis Jama Haji Cami



Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii