Skip to main content

Laba Askari Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Guriga Guddoomiyaha Gobolka Awdal –


Laba Askari Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Guriga Guddoomiyaha Gobolka Awdal 


Hargaysa:-Wararka  naga soo gaadhaaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa waxay sheegayaan in   Weerar lagu soo qaaday guriga uu magaalada Boorama ka degan yahay guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ay ku dhinteen laba ka mid ah ilaaladiisa, isla markaanna ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale, iyadoo ay Ciidankaasi dhintay iyo kuwa dhaawacu soo gaadhay-ba ka soo kala jeedaan Milatariga iyo Booliska.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Awdal Mr. Ramaax iyo Hay’addaha amniga midkoodna, hase-yeeshee sida aannu ka helayno ilo wareedyo kala duwan oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhay waxay sheegayaan inay jiraan tuhuno laidhiidha in weerarkaas ay gaysteen kooxda uu hogaamiyo Ninka lagu magacaabo Suldaan Wabar oo muddooyinkii u dambeeyey dhawr jeer Weeraro gaadmo ah ku soo qaaday meelo kala duwan oo magaalada Boorama dhexdeedda ah.
Warku waxa uu intaas ku daray in saaka aroortii hore weerarkaas loo xidh-xidhay Odayaal iyo Madax-dhaqmeed lala xidhiidhiyey kooxda weerarka hubaysan ku soo qaaday guriga guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),waxaanna dadka falkaas loo xidhay ka mida Suldaan Faarax gaagaale iyo ganacsadde la yidhaahdo Dumaal, Guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Telesom ee gobolka Awdal Aw-gaab iyo Ganacsadde Idiris al Najax, waxaanna la sheegay in odayaasha, Madax-dhaqmeedka iyo Ganacsatada iyo Masuuliyiinta la xidhay ay jifo hoose la yihiin Suldaan Wabar. 


E-mail:Samater2013@gmail.com

Skype:Abdiasiis47

FB:Abdiasiis Jama Haji Cami

Hargeisa Somaliland





-

Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii