Tuesday, 6 October 2015

Waa La Maaraynayaa Ee Lama Baabiinayo Qabiilka Iyo Qabyaalada..Proff Abdi Ali Yusuf -



Waa La Maaraynayaa Ee Lama Baabiinayo Qabiilka Iyo Qabyaalada..Proff Abdi Ali Yusuf -



Yaynaan guurin geeddi khalad ah, waqti iyo adduunna yaan la iskaga lumin wax la ogyahay ama hore loo soo tijaabiyay. Qabiilka iyo qabyaaladdu ma adka ee waxa la waayay cid maaraysa ama inaga basrisa. Lama baabiinayo qabyaaladda ee waa la maamulayaa.
Su'aasha ama is-diiddanta (paradox) sidee baa la isu waafajinayaa qabiilka iyo qaranka, waxa jira masalooyin badan oo la mid ah oo bani'aadamku maareeyaan ama maamulaan. Waxa ka mid ah middan dhaqaalaha ee odhanaysa sidee baa la isu waafajinayaa kheyraadka la hayo oo xaddidan iyo baahida aadamiga oo aan xad lahayn. Cilmiga dhaqaalaha ee laguu sheegaa wuxu ka bilaabmaa su'aashaas. Waana cilmiga loo isticmaalo in la is waafajiyo baahiyaha badan iyo kheyraadka xaddidan.
Wali ma is weydiisay sida ay madaxda waddamada dimuqraadiga ahi isu waafajiyaan inay waddamadooda xukumaan ama hoggamiyaan markay doorashada ku guulaystaan iyo in ay raali galiyaan dadkii soo doortay? Teenna haddii aynu u soo noqonno ninkii madaxweyninimo raba wuxu gacanta hoos dhiganayaa dadka oo dhan haddii uu yahay afmiishaar, suldaan qabiil, dhalinyaro, wadaad, waranle, rag iyo dumar. marka uu xukunka qabto sidee buu ka yeelayaa dadkaas gaar ahaan kuwa muraadada leh? waa in la helaa qaab la isu waafajiyo.
Qabyaaladda haddaan u soo noqonno, dadkii waa reero, doorashadiina waa reero. haddana waxa la rabaa marka lagu guulaysto doorashada in dadkii oo dhan caddalad loo sameeyo, laguna dhaqmo sharci. taasi waa is-diidan(paradox) la rabo in la is ogolaysiiyo, kamana duwana is-diiddanada aynu kor ku soo sheegnay ee nolosha ka buuxa.
Doodda maanta aan halkan ku soo bandhigayaa waxa weeye in sirta noloshuba tahay waxyaalahaas is diiddan. Haddii aanay taasi jiri lahyn, adduunyadan aynu ku noollahay wax dhib ahiba may jirteen. Macnaha jannadii ayaynu joogi lahayn, halkaas oo la inoo sheegay in aan wax mashkilad ahi jirin.
Ma is waydiisay sida inantu ay mar kaliya uga wareegto qoyskeeda sida aabbaheed iyo hooyadeed ee mar kaliya ay ugu wareegto qoys kale isla markaan ay ula qabsato oo sidaa uu ku samaysmo qoys cusub. Waxay u muuqata judha hore is-diidan,laakiinse nolosha ayaa sidaa ku dhisan, maxaa yeelay qoys kasta sidaas buu ku abuurmay. Bal ka warran awoodda la qabsiga isbaddalka ee ilaahay ku mannaystay dumarka. Sidaas oo kale haddii madaxda aynu ku dooranoo qabiil, waxa la rabaa in marka ay ku guulaystaan madaxnimada ay markiiba la qabsadaan qaranimada si degdeg ah, haba ka soo jeedaan qabiilooyin.

Haddaba dadkan qabyaaladda ka cabanaya waxan leeyahay, waxad tihiin fulayo aan rabin in nolosha ay waajahaan ee qaylada ka daaya dadka. Maxaa yeelay bani'adamka oo dhan ayay mashikiladda qabyaaladdu haysataa ee ma aha wax innaga inoo gaar ah. waliba waxay ina dheer yihiin waddamada qaarkood waxay ka jirtaa iyadoo foo xun oo qaadatay waji cunsuriyad ah sida caddaan iyo madaw ama diimeed sida shiico iyo sunni.
Ciddii maamuli kari wayda mashaakilaadkaas iyo masalooyinka nolosha ee is diiddan ama isku dayda in ay si qaldan arrinka u gasho, waxay ku danbaynayaan guul darro. Ciddii ku guulaysataana, waxay helaysaa dawladnimo iyo deganaansho ay ku waarto. Ha u qaadan waddamada deggan ee horumaray in aanay qabiilooyin lahayn ama madaw iyo caddan ama wax u dhigma sida shiico iyo sunni. Way leeyihiin Wayse maamuleen. markaa adeer ma jirto qabiil iyo xataa qabyaalad la baabiinayaa balse waa la iska basrinayaa.

Prof: Abdi Ali Yuusuf
Lecturer On: University Of Hargeisa
Skype: Abdiasiis47
FB:Abdiasiis jama  Haji Cami
Hargeisa Somaliland

-


No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...