Skip to main content

Madaxweyne Siilaanyo Oo Hada Magacaabay Masuuliyiinta Buuxinaya Xilalkii Ay Baneeyeen Masuuliyiintii Is Casilay



Madaxweyne Siilaanyo Oo Hada Magacaabay Masuuliyiinta Buuxinaya Xilalkii Ay Baneeyeen Masuuliyiintii Is Casilay



WAR-SAXAAFADEED


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida wasaaradihii ay baneeyeen wasiiradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub.
 Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:     Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:               In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:            Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay:    In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1.          In Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista)

2.          In Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan)

3.               In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)
4.           
5.             In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland)
6.           
7.             In Dr. Sacad Cali Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).
8.           
9.               In Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).
10.       
11.         In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.



www. hajicami.blogspot.com
Fb:Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland







Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a ...

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii...

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE 29 ASKARI OO MADAXWEYNEYAAL KASOO NOQDAY WADAMADDA UGU AWOODA BADAN DUNIDA

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE 29 ASKARI OO MADAXWEYNEYAAL KASOO NOQDAY WADAmada UGU AWOODA BADAN DUNIDA. Ciidan-nimadu   Ma Wax Lagu Faannaa Mise Waa Wax Laga Faanno?. raar ama Hor-dhac Ku sinnaan muddo haatan laga joogo illaa 5000 [shan kun] oo sannadood ayaa sooyaal taban ay mahadh-dhadu kasoo werisay taariikhda uu ina-nebi aadan ku lahaa kownkan, taas oo milicsiga raadadkeedu qaarad illaa qaarad dunida oo dhan xog waran wanaagsan laga daalacan karo. Taariikhahan haddii aad u dhab-bo gasho waxaa ay xogo kaaga iftiiminayaan qaab dhismeedka nololeed ee bulshooyinkaas noolaan jiray, noloshoodu sida ay ahayd, cuntadoodu waxa ay ahayd, qaabka qoysaskoodu u dhisnaayeen, maamul ahaan iyo is kaashi ahaan sida uu nidaamkoodu ahaa.  Waxa kale oo taariikhahaas ku suntan sida uu ammaankoodu ahaan jiray iyo asbaabaha dhalin jiray colaadaha  ay geli jireen. Dhammaan bulshooyinka noolaa wakhtiyadaa hore oo ay ka mid ahaayeen (faraaciintii, Romankii, Giriigii, dawladihii Kiris...