Tuesday, 27 October 2015

Waxa Fiican in Wax La Barto Intaan Madax La Noqon...Prof Abdi Ali Jama –



Waxa Fiican in Wax La Barto Intaan Madax La Noqon...Prof Abdi Ali Jama –



Waxa maanta igu kallifay in aan sharxo macnaha dawlad iyo  xukuumad, markaan arkay masuuliyiin u haysta in saamayn ay yeelanayso masuuliyiintii iscasishay.
Horta, xukuumaddu waxay ka kooban tahay Madaxweynaha iyo kaaliyayaashiisa(wasiirada). Haddii madaxweynuhu meesha joogo, xukumaddii way joogtaa, xataa haddii wasiirada dhammaantood xilka laga wada qaado ama ay is wada casilaan. gaar ahaan marka waddanku uu yahay mid madaxtooyo(presedential), sida Somaliland oo kale.
Dawladdu iyadu way ka balladhan tahay xukuumadda waxanay ka kooban tahay garsoorka, sharcidejinta iyo xukuumadda aynu soo sheegnay.
Haddii ay sidaa tahay, maanta waxaan la yaabay sida masuuliyiin waaweyn ay isugu qaldayaan macnaha dawlad iyo xukuumad. Haddaba arrintan maanta dhacday ee is-casilaadda haba yaraatee wax saamayn ah kuma laha xukuumadda iska daa dawladda oo.
Maanta waxan  maqlayay nin wayn oo wasiir ah oo leh, dawladii ayaan u baqanayaa in ay innaga dunto. Markaa waxa fiican in dadku wax bartaan inta aanay madax noqon. – 



Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland



No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...