Ajandaha Shir Degdeg ah Oo Xalay
Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Labada Janan Ee
Militariga & Booliska
Kulanka
Waxaa Goob Joog Ka ahaa Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka

Shirkan oo abbaaro 8:00 cawaysnimo ee saacadda
Hargeysa ka qabsoomay qasriga madaxtooyada ayaa ila wareedyadu waxa ay
tibaaxeen in uu ka soo dul dhacay guddoomiyaha golaha guurtida oo markii hore
aan qayb ka ahayn shirka balse si kedis ah u soo galay madasha,, isagoo kulan waqti
qaaban qaatay si gaar ah ula yeeshay madaxweynaha wallow aanay waxa ay ka wada
hadleen jirin, haddana wararka ayaa sheegaya in uu Saleebaan-gaal laftiisu u
socday arrinta lagu hayay shirka madaxtooyada.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in intii uu
socday shirku laysku weydaarsaday aaraa ku taxalluqa dejinta xaalada iyo gogol
xaadhka shirka shanaad ee golaha dhexe oo foodda innagu soo haya. Qoddobada
wargeyska HUBAAL soo gaadhay in Madaxtooyada iyo xubanaha kale ee shirka
fadhiyey ay isku weydaarsadeen ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa qoddob
digniin u diraya wasiirrada is casilay kuwaas oo ajanduhu ku tilmaamay in
ay yihiin kuwo l tallaabooyinka laga fili karo in ay la yimaadaan jawaab
u noqda.
Shirkan oo markii dembe layskula qaatay qoddobo
tallooyin siinaya madaxweynaha ayaa ka qayb galayaashu waxa ay ku baaqeen
in aan istiqaallada wasiirradani waqti ka lumin geedi socodka shirka iyo
hawlaha kale ee qaranka u yaalla, sidaas darteed uu madaxweynuhu dhakhso u
buuxiyo jagooyinka ay banneeyeen xubnahaasi.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha
Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa xubnaha xukuumadda ka baxay u
diray hanjabaad culus oo tilmaamaysa sida ay xukuumad ahaan uga
go’an tahay tallaabada fal celinta ah ee lagu waaji doono dhaqdhaqaaqa
xubnahan laga fili karo. Wasiirku waxaa uu u digay in
istiqaalladoodu dhaxalsiiso qaranka xasillooni darro.
“Anigu qaranka ayaan taabacsanahay oo
wasiirkii daakhiliga ayaan ahayoo oo wuxuu xil iga saaran yahay amniga iyo
degenaanshaha dalkan, cid kasta oo ka tallowda khadka cas ee qarankanna waxaan
ahay ninka qoorta kala jebinaya” sidaa ayuu yidhi WAsiirka wasaarada arrimaha
gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay mar uu warbaahinta
maxalliga ah ugu warramayay magaalada Hargeysa ay wax ka weydiiyeen loollanka
KULMIYE ee kala irdheeyey wasiirradii xukuumadda iyo garabka Warancadde ahaan
loo tirin karo in uu taabacsan yahay. Su’aashaas oo uu jawaabteeda raaciyey
hadal nuxurkiisu taabanaya waajibka wasiir ahaan laga filayo marka
xaalladu dhaafto halka loogu talo galay, waxaanu intaa ku daray “haddii kuwa
aan taageersanahay uu yahay iyo haddii kuwa kale uu yahay anigu waxaan ahay
ninkaas aan idiin sheegay in uu qoorta kala jebinaya cidda khadka cas dhaafta.
Fariinta aan u dirayo garabka iska casilay xukuumadduna waxaa ay tahay run
ahaan inaanay jirin cid wadankan nabadgelyadiisa uu uga baqayo in ay wax
yeesho, sidaas darteed wax hanjabaad meesha keeni karaaba ma jiro”.
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somalland
No comments:
Post a Comment