Sunday, 25 October 2015

Marodijeh International University oo ardaydii cusbayd ka qaaday imtixaanaadkii lagu galayay Jaamacadda






 

Arday kor u dhaafaya 300 ooarday ayaa maanta u fadhiistayimtixaanaadkiiqabuulkaeeJaamacaddacaalamiga ah eeMarodijeh International University, ardaydaasiookasooqalinjabiyaydugsiydasareeedalka.
MaamulkaJaamacaddaMarodijeh International University ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in ay qaataan ardaydaugu tayada fiican ee kazoo baxay dugsiyadda sare ee dalkasi loo soo saaro jiil isbedel la mahadiyo u horseedabulshada Somaliland islamarkaana kadhexmuuqan kara tartamada caalamiga ah eewaxbarashada,maamulkaJaamacaddaooarintaasikahadlayaayaawuxuuyidhi “300 ee arday waxaanu kaqaadnay imtixaano heer caalami ah oo lagu hubinayo tayadooda aqooneed ee dhinaca luqada Ingiriisida iyo Xisaabta, Jaamacaddu waxay qaadan doonta ardayda ku gudubta darajooyinka sare ee imtixaanaadkaasi islamarkaana ay aqoontoodusarayso”.
Maamulka Jaamacadda  Marodijeh International University oo arrimahaasi ka siihadlayaayaawuxuusheegay in qorshahooduyahaysidii ay u soosaari lahaayeen jiil ay kamuuqato akhlaaqiyaad wanaagsan iyo astaamaha suubaneediinteena Islaamkusi ay horsed ugunoqdaan bulshada Somaliland.
Maamulka Jaamacadda Marodijeh International University ooka hadlayay waxyaabaha ay baranayaan ardayda soocodsatay Jaamacadda ayaa wuxuu sheegay “Ardaydaaanu manta kaqaadnay imtixaanaadka kala duwani waxay soo dalbadeen kuliyadaha Development Studies, Public Health, Business Administration, ICT, Engineering iyo Agriculture, barnaamijyadaasioosoconayamuddo 3 sanno ah markalagareebo Engineering-kaoo 4 sanno ah”.
Maamulkab Jaamacadda Marodijeh International University oo la hadlayay ardayda shaqaysa wakhtiya caadigaha ah ee waxbarasho waxay ay sheegeen“Waxanu sidoo kale la socodsiinaynaa shaqaalaha mashquulka ah eeshaqeeya wakhtiyadda Galinka  hore iyo galinka  dambe in Jaamacadda Marodijeh International University ay bilaabayso barnaamijko Fiidkii ah (Evening Classes) loogu talogalay dadka mashquulka ah iyo barnaamijyo la baranayo dhamaadka weega (Week Ends) oo ah Khamiis iyo Jimce, barnaamijyadaasi waxa ka mid ah Development Studies, Business Administration iyo Journalism”.
Gabo-gabadi Maamulka Jaamacadda oo kahadlayay sababtaaas-aaska Jaamacadda keentay ayaa wuxuu yidhi “Marodijeh International University waxay kutimi baahida loo qabo waxbrasho tayadeedu sarayso oo qaabaysa ardayda dalka ay kaalin uga qaataan horumarka ka socda dalka loo soo saari lahaa jiilkaa ka qayb qaata cidhibtirka dhibaatooyinka haysta dhalinyaradda ee dhanka tahriibka iyo shaqo la’aanta”
www.haji cami.blogspot.com

Fb: AbdIasiis jama Haji Cami

No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...