Skip to main content

Madaxweyne Siilaanyo Oo Aqbalay Is Casilaada Wasiirada, Taliyaha Ciidankana Amar Ku Siiyey Inaanay Fooda Soo Galin Karin Xafiisyada+Sababti Is Casilaada



Madaxweyne Siilaanyo Oo Aqbalay Is Casilaada Wasiirada, Taliyaha Ciidankana Amar Ku Siiyey Inaanay Fooda Soo Galin Karin Xafiisyada+Sababti Is Casilaada

 

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa taliyaha ciidanka booliska ku war geliyey in wasiirada iska casilay xukuumada aanay soo gali Karin xafiisyadooda ilaa inta xil wareejintu dhacayso.

Madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka Booliska oo uu kulan ku dhex maray qasriga madaxtooyadu ayuu madaxweynuhu ku war galiyey inaanay masuuliyiintaas iska casilay xilkii ay dawlada ka hayeen aanay soo gali Karin wasaaradihii ay masuulka ka ahaayeen.
Madaxweynaha somaliland waxa uu sheegay inuu ka aqbalayo iscasilaada ay xubnahaasi soo gaadhsiiyeen isla markaana uu diyaar u yahay inuu masuul kasta oo is casila ka aqbalo, sida ay shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen masuuliyiin goob joog ka ahaa. Is casilaadan masuuliyiinta ka tirsan xukuumada ayaa timid\

ka dib markii xalay lagu kala kacay kulan uu madaxweynuhu qasriga kula yeeshay xubnaha xisbiga Kulmiye kaga jira beeshiisa iyo xubno kale , kulankaas oo kaga codsaday garabka uu hogaminayey wasiir Xirsi inay taageeraan musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi, taas oo ay ku gacan saydheen.
 Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah masuulka u hadlayey garabka isbahaysiga musharaxiinta xisbiga Kulmiye iyo kooxda wasiirada ah oo ahaa masuulka kaliya ee ka jawaabay codsiga madaxweynaha ayaa si cad u madaxweyaha ugu sheegay inaanay arintaasi qaban, waxaanu ka dalbaday madaxweynaha in la siiyo mudo laba cisho oo ay kaga fikiraan soo jeedinta madaxweynaha, balse madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inay ka go,an tahay taageerada Muuse Biixi wax mudo ahna aanu siinayn ee ay aqbalaan, taas oo keentay in wasiirka madaxtooyada iyo xubnihii wehelinayey ay ka baxaan shirka.
Dhinaca kale wasiirka macdanta iyo Biyaha iyo wasiirka Duulista iyo Hawada oo ka mid ahaa garabka Muuse Biixi isla markaana goob joog ka ahaa kulankan ayaa aqbalay soo jeedinta madaxweynaha.
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

-

-


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii