Saturday, 17 October 2015

Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Oo Bilawday Bixinta Kaadhadhka Xubnaha Golaha Dhexe + Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay



Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Oo Bilawday Bixinta Kaadhadhka Xubnaha Golaha Dhexe + Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay.



Hargeysa – Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in maanta si rasmi ah uu u bilaabmay bixinta kaadhadhka xubnaha Golaha dhexe ee uu dhawaan shirku u furmi doono.In kasta oo uu jiro Khilaaf ka dhashay qaabka loo maaraynayo qaybinta kaadhadhka xubnaha golaha dhexe, hadana guddoomiye ku xigeenka Kulmiye ayaa warbaahinta u sheegay in ay qaybinayaan kaadhadhka waxaanu yidhi “Saaka Oo sabti ah xarunta xisbiga waxa ka bilaabmay samayntii kaadhadhka xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ee Bisha November 10-da ka qayb galaya shirka, in kasta oo ay dadku siyaabo kala duwan u dhigeen, waxa keliya ee la samaynayaa waxa weeyaan sida laga war hayo marka kasta oo shir la qabanayo waxa dadka shirka ka qayb galaya loo sameeyaa aqoonsi, waxa keliya ee iminka la samaynayaa waxa weeyaan xubnaha golaha dhexe oo liiskoodu halkan yaalo in loo sameeyo kaadhkii aqoonsiga xubinta golaha dhexe uu ku galayo shirka bisha tobankeeda.
Liiskan Golaha dhexe berigii dhaweyto xoogaa buuq ah baa ka dhashay, waa tii guurtidu arrintayada soo dhex gashay .
Liiskayaga Golaha Dhexe waxa saxeexay guddoomiyihii shirka golaha dhexe oo cadami ah iyo lix xubnood oo la waday, waxa uu yaalaa liiskaasi maxakamada sare ee Somaliland, waxa kale oo uu yaalaa komishanka xafiiska gudida diiwaan gelinta ururada iyo asxaabta, hadii loo baahdo waxa aanu ka codsan doonaa hay’adaha dastuuriga ahi in ay shirkayaga goob joog ka noqdaan” ayuu yidhi



Fb:Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland



No comments:

Post a Comment

Maxaa laga filan karaa Golaha Amaanka Bari Qadiyadda Aqoonsiga Isreal ee Somaliland!

  Marka la eego aqoonsiga Israel ee Somaliland iyo xidhiidhka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Israel iyo Maraykanka, waxaa laga filan kara...