Skip to main content

Magacyada Wasiirro Isha Dabaya OO Salabe U Qaatay Dhaxal-wareejinta Ammaanadii Qaranka, Shaqadii Qarankana Ka Door-biday Hurinta Khilaaf Gacan Ku Rimis Ah



Magacyada Wasiirro Isha Dabaya OO Salabe U Qaatay Dhaxal-wareejinta Ammaanadii Qaranka, Shaqadii Qarankana Ka Door-biday Hurinta Khilaaf Gacan Ku Rimis Ah




Waxa Mus-dambeed u ah oo Talada Kasoo Qaataan Sheekh Xaallad Gagab Ah Ku Jira Oo U Cumaamadan Han Madaxnimo
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirro tiro badan oo katirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ku Hawllan mijo-xaabinta iyo madaluffinta Xisbiga ay katirsan yihiin ee Kulmiye, kuwaas oo madaxweynahana u muujiya inay kula midaysan yihiin Horumarka uu doonayo inuu dalka Ku hoggaamiyo.
Xubnahan katirsan Golaha Wasiirrada, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey u ban baxay kala daadinta Xisbiga Talada haya oo dhawaan u ballansan shirweynihiisii shanaad ee Golaha dhexe, waxana iyagoo ka talo qaadanaya Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ay go’aansadeen inay  burburinta Xisbiga Kulmiye Door weyn ka qaataan xilli ay xilalkii Qaranka ugu muhiimsanaa u hayaan Madaxweyne Siilaanyo oo isagu ahaa Aasaasihii dhidibada u taagan Xisbigan.

·  Wasiiru-dawlaha wasaaradda madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees
·  Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta  Md.  Cabdirisaaq Khaliif Axmed
·  Wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta Md. Cali Cabdi Saa’iq
·  Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
·  Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan
·  Wasiirka wasaaradda Dib u dejinta Md. Cali Saciid Reygal
  1. Wasiir ku xigeenka wasaaradda dib u dejinta Marwo Nimco Xuseen Qawedhan
  2. Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal [Sakaaro]
  3. Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)
  4. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga Ah Md. Bashiir Cabdi Xariir
  5. Wasiirka Wasaarada Caddaaladda Md. Xuseen axmed Caydiid
Xubnahan Wasiirrada ah oo madaxweynaha tusa weji wada-shaqayneed iyo daacadnimo, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey lugaha kula jirey khilaaf Gacan-ku-rimis ah oo Xisbiga Kulmiye garabyo is haya looga dhigayo, waxana iyagoo Mudane Samaale Talooyinkiisa raacaya ay Geed dheer iyo mid gaabanba u saaran yihiin sidii uu xisbigu u burburi lahaa, isla-markaana Tacabkii madaxweyne Siilaanyo oo Muddada dheer soo jirey looga dhigi lahaa Hal bacaad lagu lisay.
Wasiirradan oo dhammaantood ka arradan yihiin Han madaxtinimo, isla-markaana xambaarsan Fikir iyo aragtiyo siyaasiyiin kale oo aan iyaga ahayn, ayaa shirar-doceedyo ma dhalays ah Hutellada waaweyn ee Caasimadda isaga dab qaadayey ayaamihii ugu dambeeyey, waxana wali aan u suurtogelin shirqoollo tiro badan oo ay Taariikhda suuban ee Madaxweynaha qaranka ku wiiqayaan.
Wadaadka Talada Wasiirradani ku Hawlgalaan soo jaan gooya oo ah Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ahna Musharrax Madaxweyne oo Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah, Ayaan marnaba ka damqan qoonta iyo taariikh xumada lagu shaambadaynayo taxanihii waxqabad iyo kii horumarineed ee Madaxweyne Siilaanyo oo ay wakhti badan siyaasadda saaxiib isku dhaw kusoo wada ahaayeen, waxase kaliya u cad inay gaadhaan Hankooda ah in Xisbiga ay Burburinayaan Haddii aan loo yeelin Dalabyo aan cilmi ku dhisnayn oo ay Badka hore usoo dhigeen.
Maanta oo sabti ah ayaa Kooxdan uu hoggaamiyo Ex. Wasiir Samaale waxa ay Hutel Mansoor ku leeyiin Qado-sharaf loo qabanayo xubno Bulshada ka mid ah oo tiradooda lagu sheegay 200-xubnood, iyadoo casuumaddaasna uu sameeyey Cabdicasiis Samaale, waxana Dadka lala  kulmi doona lagu adkayn doonaa inay qabtooda ka qaataan Burburinta Xisbiga Kulmiye, maadaama ay ka dhex waayeen Wixii ay ka filayeen oo taageero ahayd.
Wasiirrada shirqoolka Kulmiye ku Hawllan oo  aan ka qarsanayn Madaxweynihii shaqada u igmaday, isla-markaana tacabkiisa geliyey Xisbiga  ay baabi’inayaan, ayaa Yoolkoodu yahay in dhibaatadooda la wada arko, intaas kadibna ladqabo loogu oggolaado shuruudaha jaban ee ay lasoo shir tageen oo haatan diidmo xoogan kala kulmay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo haatan Halkii madaxweynaha fadhiya.
Fidmada ay Kooxda Tacabka Madaxweynaha kusoo duushay Wadaan, ayaa sidoo kale wax aka warqaba shacabka samaha jecel ee Dimuqraaddiyada hadhsada, waxase ay madaxweynaha ka filayaan inuu tallaabo ka qaado marka uu soo dhamaysto safarkiisa dibadda, maadaama oo ay  mijo-xaabinayaan dedaalkiisii dheeraa ee taariikhiga ahaa.
Ma aha wax taariikhda Somaliland iyo midda umadda Dimuqraaddiyada ku caano maasha soo martay in Wasiirro xilal hayaa si cad ugu badheedhaan Duminta iyo kala dhantaalidda Tacabka Madaweynihii xilka u igmaday oo Xay ah, balse waa wax haatan cusub oo u baahan in la raadiyo xalkii lagu furdaamin lahaa iyo daawadii lagula dagaallami lahaa Cudurkan Heeryocunnimada ah.
Dhinaca kale waxa si habsami ah u socda Hawlaha shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxana awooddiisa distoorka Xisbigu siiyey ku maamulaya Guddoomiyaha Xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi, halka kooxdani wali dibad-wareeg ku yihiin Huteelada Waaweyn ee Caasimadda.


www.hajicami.blogspot.com
E-mail; samater2013@gmail.com


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii