Wednesday, 14 October 2015

Hillary Clinton Oo Bandhig Siyaasadeed Wanaagsan Ka Muujisay Dooddii Xalay –



Hillary Clinton Oo Bandhig Siyaasadeed Wanaagsan Ka Muujisay Dooddii Xalay –
 

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton, ayaa la rumeysan yahay inay bandhig siyaasadeed wanaagsan ka muujisay dooddii xalay ee musharaxiinta xisbiga Dimuqraadiga, waxaana dadka siyaasadda taxliiliya ay sheegayaan in taasi ay kusii adkeyn karto madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden, inuu xilli dambe soo galo loolanka 2016-ka.
Biden ayaa waxaa la filayaa inuu maalmo gudahood go’aan kaga gaaro inuu tartanka kusoo biirayo iyo in kale. Tallaabadaas waxa ay isku shaandheyn doontaa loolanka xisbiga dimuqraadiga dhexdiisa ah, halkaasi oo Clinton ay la xarbineysay inay iska riixdo fadeexadda email-ka iyo loolan adag oo lama filaan ah oo kaga imanaya dhinaca senator Bernie Sanders oo laga soo doorto gobolka Vermont.Sanders iyo Clinton ayaa ahaa diiradda kowaad ee dooddii dimuqraadiga ee habeennimadii talaadada.
Clinton ma aysan muujin wax niyad jab ah, waxa ay weerartay Sanders, waxayna u muuqatay inay jug xooggan ku gaarsiisey arrimo ay ka mid yihiin xakameynta hubka iyo siyaasadda dhaqaalaha.
“Gacanta ay ku heysay arrimaha, way deganeyd waxaana ka muuqatay kalsooni, si wanaagsan ayayna diiradda u saareysay arrimaha” waxaa sidaas VOA u sheegay Craig Varoga oo ah Istaraatiijiiste dimuqraadi ah.
Bandhig siyaasadeedkaas wanaagsan ee xalay ay dooda ka sameysay darted, rajada laga qabay in Biden uu tartanka soo galo way sii yaraatay, sida ay lee yihiin siyaasad taxliiliyayaasha.



Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland
-




Tuesday, 13 October 2015

Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Diyaarad Ku Dhacday Deegaanka Carbiska Ee U Dhaw Magaalada Afgooye (Dhagayso


Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Diyaarad Ku Dhacday Deegaanka Carbiska Ee U Dhaw Magaalada Afgooye (Dhagayso)


Maareeyaha Hay'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaaxid Sheekh Cumar, ayaa sheegay in diyaaradda ay sidday cunto
Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya diyaarad la sheegay in laga lee yahay dalka Masar oo xalay ku dhacday agagaarka deegaanka Carbiska ee u dhow magaalada Afgooye, kadib markii ay u suurto geli weyday inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Lix qof oo la socday diyaaradda ayaa badbaaday balse waxyeello xooggan ayaa gaartay diyaaradda, kadib markii uu duuliyaha sameeyey dejin deg deg ah.
Maareeyaha Hay'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaaxid Sheekh Cumar, ayaa sheegay in diyaaradda ay sidday cunto qaboojisan (Frozen Food), oo ciidamada Amisom ay lee yihiin.
Maareeyaha oo ay wareysatay Sahra Ciidle Nuur, ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey sidii ay wax u dhaceen.


Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

Ujeedada War-gelin Ku Socota Ergooyinka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE



Ujeedada War-gelin Ku Socota Ergooyinka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE;



Hargeisa-(HWN)- Qoraal wargelin ah oo maanta ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee xisbiga ww xisbul xaakimka Kulmiye, oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa lagu sheegay laga bilaabo 17-ka bishan aynu ku jirno ee Octobar, in la bilaabi doono diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kal-fadhiga shanaad ee golaha dhexe ee xisbiga, waxaanu qoraalkani ku wargeliyay xubnaha golaha ee xisbiga inay keenaan macluumaadka looga baahan yahay.
Qoraalkan wargelinta ah oo nuqul ka mid ahi goor dhawayd soo gaadhay xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews, ee Hargeysa, waxa uu u dhignnaa sidan,
''Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inta joogta magaalada Hargeysa gudaheeda, waxa si xishamad iyo qadarin leh
-
oogu wargelinayaa in laga bilaabo 17/10/2015, maalinta Sabtida, xarunta dhexe ee xisbiga laga bilaabayo diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kalfadhiga 5aad ee Golaha Dhexe.
Sidaas darteed, waxa laga rabaa in xubin kastaa keento laba sawir ama ay sawirka iskaga qaadaan xarunta xisbiga.'' ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warsaxaafadeedkan qoraalka ah.


Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

Dagaalka Bariga Dhexe iyo Saamaynta Dhaqaale ee Geeska Afrika

  Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida marka laga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha. Xiisadaha iyo dagaal...