Tuesday, 13 October 2015

Ujeedada War-gelin Ku Socota Ergooyinka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE



Ujeedada War-gelin Ku Socota Ergooyinka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE;



Hargeisa-(HWN)- Qoraal wargelin ah oo maanta ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee xisbiga ww xisbul xaakimka Kulmiye, oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa lagu sheegay laga bilaabo 17-ka bishan aynu ku jirno ee Octobar, in la bilaabi doono diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kal-fadhiga shanaad ee golaha dhexe ee xisbiga, waxaanu qoraalkani ku wargeliyay xubnaha golaha ee xisbiga inay keenaan macluumaadka looga baahan yahay.
Qoraalkan wargelinta ah oo nuqul ka mid ahi goor dhawayd soo gaadhay xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews, ee Hargeysa, waxa uu u dhignnaa sidan,
''Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inta joogta magaalada Hargeysa gudaheeda, waxa si xishamad iyo qadarin leh
-
oogu wargelinayaa in laga bilaabo 17/10/2015, maalinta Sabtida, xarunta dhexe ee xisbiga laga bilaabayo diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kalfadhiga 5aad ee Golaha Dhexe.
Sidaas darteed, waxa laga rabaa in xubin kastaa keento laba sawir ama ay sawirka iskaga qaadaan xarunta xisbiga.'' ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warsaxaafadeedkan qoraalka ah.


Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

No comments:

Post a Comment

Maxaa laga filan karaa Golaha Amaanka Bari Qadiyadda Aqoonsiga Isreal ee Somaliland!

  Marka la eego aqoonsiga Israel ee Somaliland iyo xidhiidhka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Israel iyo Maraykanka, waxaa laga filan kara...