Monday, 12 October 2015

War Deg Deg Ah:Gurigii Taliyaha Qaybta Awdal Oo La Gubay,Ciyaarihii Maanta Ka Dhici Lahaa Oo Amaan Daro U Qabsoomi Waayey Iyo Xaalada Borama Oo Rabshado Hadheeyeen.


War Deg Deg Ah:Gurigii Taliyaha Qaybta Awdal Oo La Gubay,Ciyaarihii Maanta Ka Dhici Lahaa Oo Amaan Daro U Qabsoomi Waayey Iyo Xaalada Borama Oo Rabshado Hadheeyeen


Borama(Qarni)Waxaa dab la qabad siiyey oo la gubay guriga Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Awdal General Araweelo uu ku lahaa Magaalada Boorama waxaana qaybo ka mid ah Magaalada Ka Socda Banaanbaxyo
Rabshado wata oo lagaga soo horjeedo dilkii shalay ka dhacay Garoonka Xaaji Daahir Cilmi Stadium.

dhanka kale Meydka wiilkii yaraa ee shalay lagu dilay garoonka Xaaji Daahir Cilmi Staduim ayaa la isku diiday in la aaso ka dib markii beesha uu ka soo jeedaa wiilkaasi yari ku doodeen in sharciga loo hor keeno askarigii dilay sida ay sheegayaa waraka ka soo baxay Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal.

Dhinaca kale waxa baaqatay ciyaartii maanta xulalka gobolada Hawd iyo Buuhoodle Dhexmari lahayd taasi oo u qabsoomi wayday xaalada amaan xumo ee magalada Borama,waxaana hada qaybo magalada ka mid ah ka socda rabshad.



Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland

Xulka Marood-jeex Oo Laga Reebay Tartanka Ciyaaraha Gobolladda Iyo Go’aamo Culus Oo Xidhiidhka Kubadda Cagtu Uu Xalay Soo Saaray



Xulka Marood-jeex Oo Laga Reebay Tartanka Ciyaaraha Gobolladda Iyo Go’aamo Culus Oo Xidhiidhka Kubadda Cagtu Uu Xalay Soo Saaray


“Ma JiraanTaageereyaal Garoonka Soo Galay, Waxayse Ahaayeen Tababarihii, Koonfindhe iyo ciyaartoygii xulka Maroodi-jeex oo dhan”
Hargeysa (Hubaal)- Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ayaa xalay  xulka kubadda cagta ee Maroodi-jeex ka reebay tartanka ciyaaraha gobolladda ka dib markii ay gacan u qaadeen garoorihii dhexe ee ciyaarta iyo xubno ka mid ah xidhiidhka, waxaana saddexdii dhibcood ee ciyaartii galabta dhex martay Awdal iyo Maroodi-jeex la siiyay xulka Awdal. Ciyaartan oo qeybtii hore ku gab0-gabowday hal iyo eber ay ku hoggaaminaysay xulka kubadda cagta ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa qeybtii labaad markii la iskugu soo noqday waxa rikoodhe loo dhigay xulka Gobolka Awdal, waxase diiday oo la dagaalamay garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay  xulka gobolka maroodi-jeex arrintaasi oo sababtay inay rabshado hadheeyay garoonka.  Xoghayaha Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Sacad Maxamed Shire, ayaa Gudgudenews.com oo aanu warkan kasoo xiganay ugau warramay arrintan waxaana uu sheegay in saddexdii  dhibcood ee ciyaartii maanta la siiyay xulka Gobolka Awdal, isla markaana wareega labaad ee ciyaaraha laga reebay xulkii Maroodi-jeex oo uu xusay inay  gacan u qaadeen garsoorihii dhexe ee ciyaarta iyo xubno ka mid ah xidhiidhka kubadda cagta, waxaanu tilmaamay in qaarkood ay soo gaadh siiyeen dhaawacyo kala duwan.
“Go’aanka aanu qaadanay waxa weeye in markii garsoorihii koowaad  iyo calan wallihii koowaad ay rikoodhe ku qabteen xulka Maroodi-jeex  ay ciyaartoygii diideen in lagu laago oo ay dagaal gacan ka hadal ah kala horyimaadeen oo ay qaarkoodna dhaawacyo muuqda u geysteen,  ka dib waxaanu go’aan ka soo saaray  dhacadadii galabta markii aanu sugaynay xulka Maroodi-jeex wakhtigii ciyaarta ka dhinaa. markaa Go’aanka xidhiidhka kubadda cagtu soo saaray waxa weeye in aanu saddexdii dhibcood ee ciyaartii maanta [shalay] dhex maraysay Awdal iyo Maroodi-jeex lagu wareejiyo gobolka Awdal, sidaasna gobolka Awdal kaga mid noqdo gobolladda u soo baxay wareega labaad,”Ayuu yidhi Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland. Sacad Maxamed Shire waxa kale oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ciyaarta dambe ka joojinay inuu ciyaaro oo ganaaxnay Ciyaartoyga magaciisu yahay Fadxi Muuse Maxamed oo ka mid ah ciyaartoyga gobolka Awdal, oo isaguna garsooraha laad la dhacay. waxaanu xidhiidhka kubadda cagtu ka joojiyeen inuu ka qeyb-galo wareega labaad ee ciyaaraha gobolladda ee Hargeysa lagu qaban doono.” Xoghayaha  Xidhiidhka Kubadda cagta oo aanu weydiinay cida rabshadaha sameeyay inay ahaayeen ciyaartoy iyo inay taageereyaal ahaayeen, waxa uu  yidhi “Ma Jiraan wax taageereyaal ah oo garoonka soo galay, waxay ahaayeen Tababarihii, Koonfindhe iyo ciyaartoygii xulka Maroodi-jeex oo dhan.” Sacad Maxamed Shirre oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ganaaxan culusi uu wax ka bedali doono gal-daloolooyinkii hore uga jiray garoomadda ciyaaraha, waxaanu yidhi “Xidhiidh ahaan horeba way jiri-jirtay inaanu go’aamo soo saarno, haddii gobollada kale dhaqan noocan oo kale ah sameeyaanna waanu ganaaxi doonaa. waliba ciyaartoyga  maroodi-jeex markay tagaan Hargeysa go’aamo dheeraad ah oo la xidhidiha falkii maanta ayaa laga qaadan doonaa.”



Sunday, 11 October 2015

Sheekadii Dhexmartay Marwooyinka Aamina Weris Iyo Marwo Hudda Barkhad



Sheekadii Dhexmartay Marwooyinka Aamina Weris Iyo Marwo Hudda Barkhad


Waxay ahayd 27 Sep 2015, markii ay si lama filaan ah ugu kulmeen Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamed Jirde (Aamina Weris) iyo Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Hudda Barkhad, Madaarka Magaalada Hàrgeysa ee Egal International Airport.
Marwo Aamina Weris waxay là socotay seygeeda Madaxweynaha Somaliland Axmed oo kusii jeeday dalka Irelànd oo Casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka Ireland Michael D Higgins, bàlse Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisa, ayaa kusii hakanayay dàlka Imaraadka Carabta, halkà marwadii hore Hudda Barkhad là socotay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaaale Kaahin oo isaga iyo marwadiisu safar ugu baxayeen dàlka Imaraadka.
Labada Madaxweyne iyo marwooyinkooda oo ku kulmay Madaarka Hàrgeysa, waxa dhexmartay salaàn iyo bariido wanaagsan oo noqotay mid ay ka faa,idaysteen siyaasiyiin qardoofooyin siyaasadeed dhexmareen Madaxweynihi hore Daahir Rayaale oo ay hore saaxiibo dhow u ahaayeen Mr. Rayaaale, kuwaas oo laga xusi kàro Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ee xilligan Cali Maxamed Warancadde oo ka faa,idaystay fursadii Labada Madaxweyne Siilaanyo iyo Rayaaale isku bariidiyeen iyo salaantii dhexmartay, taas oo sababtay in Madaxweynihii hore Daahir iyo saaxiibkiisa ay soo wada shaqeeyeen Cali Warancadde oo qardoofooyin siyaasadeed hore isugu tuur-tuurtay is gacan qaadaan.
Hase yeeshee arrinta xiisaha gaarka ah lahayd, ayaa noqotay sheekadii dhexmartay Labada Marwo Aamina Weris oo ah Marwada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Marwo Hudda Barkhad oo ah Marwada Madaxweynihii hore ee uu tàlada dàlka kala wareegay Madaxweyne Siilàanyo shan sanàdood ka hor.
Marwo Aamina Weris, waxay Marwo Hudda u sheegtay halka uu safarkoodu ku jihaysanyahay iyo inay kusii hakanayaan Dubia oo maalmo joogi doonaan, balse ay ku waajahan yihiin Dalka Ireland oo Madaxweynaha Dalkaa ay casuumad ka heleen, waxayna u sheegtay in ay isku Jamaacad ahaayeen Odaygeeda Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynaha dalka Ireland Michael D Higgins, oo ay ka wada baxeen Jaamacadda Manchester University, isla markaana ay ku rajo weyntahay in xidhiidhka cusub ee Ireland wax weyn ka tarayo qadiyada Somaliland.

Marwo Hudda, ayaa ku tilmaantay arrintaa mid muddan in lagu farxo, waxayna u rajaysay guul. Markaa kadib waxay Aamina Weris oo sheekada la wareegtay u sheegtay in ay dedaalayaan oo albaab walba garaaceen mudadii ay shantaa sanadood xukunka hayeen, isla markaana wax baddan qabteen gudaha iyo dibaddaba, laakiin dedaalkooda iyo waxqabadkooda dadka mucaaradka ah si kale u fasiraan oo bulshada wax aan jirin loo sheegayo si loogu qariyo waxqabadka xukuumadda, iyadoo la leeyahay waxbay cuneen, waxbay qaateen iyo wax aan jirin oo been abuur ah, “walaal miyaanad arag habeen iyo maalin waxa la akhriyayo ee beenta ah, wax run ahba lama sheegayo, waxbaa la iibiyay, guryay iibsadeen, lacag bay dheceen Qoyska Siilaanyo iyo Aaminaa wax wada, Dekedii Berberaa la iibiyay, Madaaradii baa la iibiyay iyo kun wax oo aan jirin, beentaa ayaa shacbigii lagu afuufayaa” ayay tidhi Marwo Aamina oo si qiiraysan u hadashay.
Mawro Hudda, ayaa ku jaaabtay, iyadoo u muujinay naxariis iyo inay la dareemay waxa ay ka hadlay, “walaal Marwo Aamina waa wixii na haystay markaanu xukunka haynay Odaygaygu Albaab walba wuu garaacay, haddana waadigii oggaa wixii nalagu hayay habeen iyo maalin, waxaad is odhanaysaa malaha dadku wanaagba ma sheegaan, waxa habeen iyo maalin la odhan jiray Guryay ka dhisteen Dubia , Faransiiska, Masar, halkaas ayay lacag la mareen, waxaasay wadaan wixii aad ogayd ee malin walba jaraa’idada Hargeysa lagu qorayay, marka la yidhaahdo waar waxan xaggaa ka keenteena afkaa gacanta la gelinayay oo la lahaa xoriyadii saxaafada ayaa la cabudhiyay, waa xukun digtaytar ah.”
Mar kale ayay Marwo Hudda raacisay, “weliba walal anigu waabaan iskaga gaban jiray, maalin baan Cusbitaalka Gebilay dhagax dhigay, wixii iga qabsaday waad ogayd, rag siyaasiyiin ah oo waaweyn oo xisbiyo hoggaamiya, ayaa afka iila kala baxay, adiguse walal Illaahay ha kula qabtee, waad iga dhiirantahay oo uma joojisid, waadigaa Cusbitalada furaya, wadooyinka dhagax dhigaya ee munaasibadaha ka qudbadaynaya waxay doodaan ha yidhaahdeene ha daalin inaad dadkaaga iyo dalkaaga u shaqayso Odaygaagana garab istaagto” ayay tidhi Marwo Hudda.
Marwo Aamina Weris oo u guuxday weedhaha Marwadii hore Hudda, ayaa tidhi, “Walaal waa sidaa waxay doonaan ha yidhaahdeene kama daalayno wixii aanu qaban karo, Axmedna isagaaba jecel oo ay ka go’antahay inuu wax muuqda ka taggo”
Marwo Hudda, ayaa u celisay Marwo Aamina Weris, “Walaal Aaminay, weliba adigu waxaad igaga nasiib wanaagsan tahay waxaad heshay Dumar mar walba ku garab taagan oo adiga iyo Axmed idinla soo halgamay oo weliba dumar wada dhisan ah, waxaana filayaa inay yihiin kuwo wax baddan idinla tabcay” ayay tidhi Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland.
Marwo Hudda, waad ku mahadsantahay walaal hadalkaa, laakiin sow ma ogid inay maalin iyo habeen dumarkaa iyo anigaba na eedaynayaan oo leeyihiin dalka waxa ka taliya Dumar, Todoba Dumar ah oo Aamina u madaxtahay, xataa rag waawayn oo siyaasiyiin ah, ayaa ku hadaaqay “Guurtida Bilaa shaarubaha ah, ayaa dalka maamusha”, iyagoo aniga iyo Dumarkaa noo jeeda, markaa walaal habeen iyo maalin waa la eedaynayaa dumarkaa oo aan qabo inay ragga ka karti baddan yihiin” ayay tidhi Marwo Aamin Weris, waxayna raacisay walaal weliba berigii saxaafadu ma ahayn sidan weliba ee miyaanad arag saxaafadan waalan ee weerarka habeen iyo maalin nagu haysa?
Marwo Hudda, “walaal saxaafadu awalba saas ayay ahayd anagaba oo beentaa ayuun baa laga akhriyi jiray, idinku waxaaba nagu dhantaan waa la fahmaysaan. Laakiin anba waan dareemayaa in xiligayagii ay ka xuntahay sida ay tahay maanta ee waxaa ha dhegeysan ee ummadiina iyo dalkiina u shaqeeya intaa joogtaan” ayay tidhi Marwo Hudda, waxayna labada Marwo si laab furan isugu nabad gelyeeyeen halkaa, iyagoo isu rajeeyay guul, markaa kaddib Marwo Aamina Weris oo ka codsatay inay marka ay soo labtaan kulmaan oo ay is waraysan doonaan, nabadgelyo iyo nabaaadiino iyo safar Guul ah, ayay isu rajeeyeen labada Marwo Aamina Weris oo ah Marwada Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Marwo Hudda oo ah Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
Fiiro gaar ah: Sheekadan maaha mid xaqiiqdii dhexmartay labada Marwo xiligii ay safarka ku wada kulmeen wefdiga Madaxweynaha iyo qoyska Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, oo ku beegnayd, 27 Sep 2015, balse waa sheeko madadaalo mala awaal ah oo aan xidhiidh la lahayn wax siyaasad ah, isla markaana suxufiga qoray sheekadan oo ah, Arraale M. Jama uga jeedo siyaasad iyo dacaayad midna ee waa sheeko madadaalo lagu sawirayo muuqaalka uu yeelan lahaa kulan ay labada Marwo Fursad isu helaan inay ku wada sheekaystaan.




Dagaalka Bariga Dhexe iyo Saamaynta Dhaqaale ee Geeska Afrika

  Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida marka laga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha. Xiisadaha iyo dagaal...