Skip to main content

Sheekadii Dhexmartay Marwooyinka Aamina Weris Iyo Marwo Hudda Barkhad



Sheekadii Dhexmartay Marwooyinka Aamina Weris Iyo Marwo Hudda Barkhad


Waxay ahayd 27 Sep 2015, markii ay si lama filaan ah ugu kulmeen Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamed Jirde (Aamina Weris) iyo Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Hudda Barkhad, Madaarka Magaalada Hàrgeysa ee Egal International Airport.
Marwo Aamina Weris waxay là socotay seygeeda Madaxweynaha Somaliland Axmed oo kusii jeeday dalka Irelànd oo Casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka Ireland Michael D Higgins, bàlse Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisa, ayaa kusii hakanayay dàlka Imaraadka Carabta, halkà marwadii hore Hudda Barkhad là socotay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaaale Kaahin oo isaga iyo marwadiisu safar ugu baxayeen dàlka Imaraadka.
Labada Madaxweyne iyo marwooyinkooda oo ku kulmay Madaarka Hàrgeysa, waxa dhexmartay salaàn iyo bariido wanaagsan oo noqotay mid ay ka faa,idaysteen siyaasiyiin qardoofooyin siyaasadeed dhexmareen Madaxweynihi hore Daahir Rayaale oo ay hore saaxiibo dhow u ahaayeen Mr. Rayaaale, kuwaas oo laga xusi kàro Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ee xilligan Cali Maxamed Warancadde oo ka faa,idaystay fursadii Labada Madaxweyne Siilaanyo iyo Rayaaale isku bariidiyeen iyo salaantii dhexmartay, taas oo sababtay in Madaxweynihii hore Daahir iyo saaxiibkiisa ay soo wada shaqeeyeen Cali Warancadde oo qardoofooyin siyaasadeed hore isugu tuur-tuurtay is gacan qaadaan.
Hase yeeshee arrinta xiisaha gaarka ah lahayd, ayaa noqotay sheekadii dhexmartay Labada Marwo Aamina Weris oo ah Marwada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Marwo Hudda Barkhad oo ah Marwada Madaxweynihii hore ee uu tàlada dàlka kala wareegay Madaxweyne Siilàanyo shan sanàdood ka hor.
Marwo Aamina Weris, waxay Marwo Hudda u sheegtay halka uu safarkoodu ku jihaysanyahay iyo inay kusii hakanayaan Dubia oo maalmo joogi doonaan, balse ay ku waajahan yihiin Dalka Ireland oo Madaxweynaha Dalkaa ay casuumad ka heleen, waxayna u sheegtay in ay isku Jamaacad ahaayeen Odaygeeda Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynaha dalka Ireland Michael D Higgins, oo ay ka wada baxeen Jaamacadda Manchester University, isla markaana ay ku rajo weyntahay in xidhiidhka cusub ee Ireland wax weyn ka tarayo qadiyada Somaliland.

Marwo Hudda, ayaa ku tilmaantay arrintaa mid muddan in lagu farxo, waxayna u rajaysay guul. Markaa kadib waxay Aamina Weris oo sheekada la wareegtay u sheegtay in ay dedaalayaan oo albaab walba garaaceen mudadii ay shantaa sanadood xukunka hayeen, isla markaana wax baddan qabteen gudaha iyo dibaddaba, laakiin dedaalkooda iyo waxqabadkooda dadka mucaaradka ah si kale u fasiraan oo bulshada wax aan jirin loo sheegayo si loogu qariyo waxqabadka xukuumadda, iyadoo la leeyahay waxbay cuneen, waxbay qaateen iyo wax aan jirin oo been abuur ah, “walaal miyaanad arag habeen iyo maalin waxa la akhriyayo ee beenta ah, wax run ahba lama sheegayo, waxbaa la iibiyay, guryay iibsadeen, lacag bay dheceen Qoyska Siilaanyo iyo Aaminaa wax wada, Dekedii Berberaa la iibiyay, Madaaradii baa la iibiyay iyo kun wax oo aan jirin, beentaa ayaa shacbigii lagu afuufayaa” ayay tidhi Marwo Aamina oo si qiiraysan u hadashay.
Mawro Hudda, ayaa ku jaaabtay, iyadoo u muujinay naxariis iyo inay la dareemay waxa ay ka hadlay, “walaal Marwo Aamina waa wixii na haystay markaanu xukunka haynay Odaygaygu Albaab walba wuu garaacay, haddana waadigii oggaa wixii nalagu hayay habeen iyo maalin, waxaad is odhanaysaa malaha dadku wanaagba ma sheegaan, waxa habeen iyo maalin la odhan jiray Guryay ka dhisteen Dubia , Faransiiska, Masar, halkaas ayay lacag la mareen, waxaasay wadaan wixii aad ogayd ee malin walba jaraa’idada Hargeysa lagu qorayay, marka la yidhaahdo waar waxan xaggaa ka keenteena afkaa gacanta la gelinayay oo la lahaa xoriyadii saxaafada ayaa la cabudhiyay, waa xukun digtaytar ah.”
Mar kale ayay Marwo Hudda raacisay, “weliba walal anigu waabaan iskaga gaban jiray, maalin baan Cusbitaalka Gebilay dhagax dhigay, wixii iga qabsaday waad ogayd, rag siyaasiyiin ah oo waaweyn oo xisbiyo hoggaamiya, ayaa afka iila kala baxay, adiguse walal Illaahay ha kula qabtee, waad iga dhiirantahay oo uma joojisid, waadigaa Cusbitalada furaya, wadooyinka dhagax dhigaya ee munaasibadaha ka qudbadaynaya waxay doodaan ha yidhaahdeene ha daalin inaad dadkaaga iyo dalkaaga u shaqayso Odaygaagana garab istaagto” ayay tidhi Marwo Hudda.
Marwo Aamina Weris oo u guuxday weedhaha Marwadii hore Hudda, ayaa tidhi, “Walaal waa sidaa waxay doonaan ha yidhaahdeene kama daalayno wixii aanu qaban karo, Axmedna isagaaba jecel oo ay ka go’antahay inuu wax muuqda ka taggo”
Marwo Hudda, ayaa u celisay Marwo Aamina Weris, “Walaal Aaminay, weliba adigu waxaad igaga nasiib wanaagsan tahay waxaad heshay Dumar mar walba ku garab taagan oo adiga iyo Axmed idinla soo halgamay oo weliba dumar wada dhisan ah, waxaana filayaa inay yihiin kuwo wax baddan idinla tabcay” ayay tidhi Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland.
Marwo Hudda, waad ku mahadsantahay walaal hadalkaa, laakiin sow ma ogid inay maalin iyo habeen dumarkaa iyo anigaba na eedaynayaan oo leeyihiin dalka waxa ka taliya Dumar, Todoba Dumar ah oo Aamina u madaxtahay, xataa rag waawayn oo siyaasiyiin ah, ayaa ku hadaaqay “Guurtida Bilaa shaarubaha ah, ayaa dalka maamusha”, iyagoo aniga iyo Dumarkaa noo jeeda, markaa walaal habeen iyo maalin waa la eedaynayaa dumarkaa oo aan qabo inay ragga ka karti baddan yihiin” ayay tidhi Marwo Aamin Weris, waxayna raacisay walaal weliba berigii saxaafadu ma ahayn sidan weliba ee miyaanad arag saxaafadan waalan ee weerarka habeen iyo maalin nagu haysa?
Marwo Hudda, “walaal saxaafadu awalba saas ayay ahayd anagaba oo beentaa ayuun baa laga akhriyi jiray, idinku waxaaba nagu dhantaan waa la fahmaysaan. Laakiin anba waan dareemayaa in xiligayagii ay ka xuntahay sida ay tahay maanta ee waxaa ha dhegeysan ee ummadiina iyo dalkiina u shaqeeya intaa joogtaan” ayay tidhi Marwo Hudda, waxayna labada Marwo si laab furan isugu nabad gelyeeyeen halkaa, iyagoo isu rajeeyay guul, markaa kaddib Marwo Aamina Weris oo ka codsatay inay marka ay soo labtaan kulmaan oo ay is waraysan doonaan, nabadgelyo iyo nabaaadiino iyo safar Guul ah, ayay isu rajeeyeen labada Marwo Aamina Weris oo ah Marwada Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Marwo Hudda oo ah Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
Fiiro gaar ah: Sheekadan maaha mid xaqiiqdii dhexmartay labada Marwo xiligii ay safarka ku wada kulmeen wefdiga Madaxweynaha iyo qoyska Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, oo ku beegnayd, 27 Sep 2015, balse waa sheeko madadaalo mala awaal ah oo aan xidhiidh la lahayn wax siyaasad ah, isla markaana suxufiga qoray sheekadan oo ah, Arraale M. Jama uga jeedo siyaasad iyo dacaayad midna ee waa sheeko madadaalo lagu sawirayo muuqaalka uu yeelan lahaa kulan ay labada Marwo Fursad isu helaan inay ku wada sheekaystaan.




Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii