Magacyada Mas’uuliyiinta Ka Istaakh-furulaystay
Ballantii Ay Ku Galleen Banaynta Xilalka Ay Qaranka U Hayeen

Dhamaanba xubnahani waxa ay ka qaybgaleen shir
xubnaha iscasilay Habeen hore saqdii dhexe iskugu yimaaddeen, kaas lagu
gorfeeyey qaabkii ay xukuumadda uga tegi lahaayeen, isla-markaana isku
raaceen inay si siman xilalka ay hayaan ug dareeraan. Inkastoo is-casilaadda
lagu wada Ballansanaa, haddana xubnahani waxa ay eegeen dantooda gaarka
ah, waxana ay go’aansadeen inay xilalkooda iska sii haystaan, maadaama wali
wakhti u hadhsan yahay Xukuumadda. Xubnahani ka baaqday iscasilaaddu
dhammaantood ma aha qaar ku baaqsaday Ixtiraam iyo iyo sharaf ay
madaxweynaha u hayaan, balse waxa ay eegteen dantooda oo kali ah iyo inay sii
wataan malafsiga hantida qaranka ee ay masuulka ka yihiin. Hore waxa u luntay
kalsoonidii madaxweynuhu ku qabay xubnahan tirada yare e kasoo hadhay kooxdii
isku duubnayd ee uu wasiir Xirsi Hormoodka u ahaa, waxana la sugayaa tallaabada
uu madaxweynuhu ka qaadan doono, maadaama aanay jirin wax kalsooni ah oo ay
xukuumadda ka haystaan.
E-mail: Samater2013@gmaiol.com
Fb:
Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa
Somaliland
No comments:
Post a Comment