Skip to main content

Dhaxalka(Qabiilka) iyo isbeddelka(Horumarka)..Prof :Abdi Ali Jama



Dhaxalka(Qabiilka) iyo isbeddelka(Horumarka)..Prof :Abdi Ali Jama


Mar kasta waxa is barbarsocda oo loo baahan yahay in aynu isu miisaanno isbeddelka iyo dhaxalka ma- guuraanka. Waa laba iska soo horjeeda. Lamana joojin karo isbeddelka dhacaya . lama ogolaan karo in ma- guuraanka si degdeg ah looga diga rogto. Markaa sirtu waxa weeye sida la isugu dheelitirayo labadooda. Tusaale, nolosha iyo dhaqanka qabiilku waa asal ma guuraan ah oo aynu leenahay, dhinaca kale dawladnimada, sharcigeeda iyo habkeeduna waa isbeddelka aynu illaa lixdankii rabnay in aynu samayno.
Dhaqankeenu waa dhaxalkeenii. Inta bandanna waa lagu qasban yahay in la raaco. Hase yeseeshee marku ku daashado, isla markaana uu fursad siin waayo isbeddelkii loo baahnaa, su’aal baa imanaysa. Su’aashu waxa weeye: maxaa keenay in aan u xidhnaano dhaqanka dhaxalka ah, gaar ahaan kan bulshada ee ina daashaday? Ma fikirkeena ayaan sax ahayn mise weynaan fikiraynba?
Shaki kuma jiro in sababtu tahay sdia aynu u maamulay siyaasaddena, dhaqankeena iyo dhaqaalaheena oo aan lagu hagayn aragti dheelitiran oo dhan walba xeerinaysa, tiiyoo batilmaameedku yahay horumar, kaasi oo ah isbeddelka la rabo. Waxa muuqata in dhaqanka dhaxalka ah oo ay ugu horayso qabyaaladdu uu inoo jiidanayo si ka baxsan dadnimada iyo ilbaxnimada , taasoo aanay suuragal ahayn in lagu sii jiro.
Si kastaba ha ahaatee, waxa lagama maarmaan ah in la sameeyo isbeddelka loo baahana yahay oo aynu iska dhaafno fulaynimada aynu ka baqanayo isbeddelka, kaasi oo ah in hore loogu socdo sharciga iyo dawladnimada, lagana gudbo qoqobka qabiilka ama reernimada iyo siyaasadda adeegsata hannaankaas. Su’aasha u weyn ee madaxa dadkeena daalisay, gaar ahaan inta daacadda ka ah in laga baxo qabyaaladda waxa weeye: sidee baa looga baxayaa qabyaaladda? Dad badani waa bay ka quusteen in jawaab loo heli karo su’aashan, taasoo ay ku qanceen in qabyaaladdu tahay cudur aan dawo lahayn.
Anigu waxan qabaa sidaa aan kor ku soo sheegnay lidkeeda oo ah in xalka qabyaaladdu uu yahay mid fudud . Looma baahna in qabiilka ama qabyaaladda lafteedaba la karaahiyaysto ama la hiifo oo la haaraamo iyadoo dhinaca kalena aynu ognahay—waa yaabee--in dhammaanteen aynu isticmaalo iyada. Sidaasi iska daa in qabyaald ay wax ka tarto’e, dadnimadeenna iyo iimaankeena (Ethics and morals) ayaa bay halis ku tahay. Waana dariiqa loo maro burburka ummadaha. Waa marka ficilkaaga iyo carrabkaagu is kilaafo. Sidaasi waa sida ummaduhu ku duqeeyaan sida mishiinka gaadhigu u duqeeyo oo kale.
Ugu danbayntii , si looga baxo qabiilka iyo qabyaaladda waxa loo baahan yahay innaga oo aan is duqayn, saliiddana cunin in marka hore aynu garwaaqsanno in qabyaaladdu hayso hawl ama xil bulsho iyo mid siyaasadeed-ba, taasoo aanay suragal ahayn in la joojiyo illaa inta la helayo wixii lagu bedeli lahaa oo ah sharciyo dhaqan gal ah oo hay’adahoodii wata. Markaa waxa loo baahan yahay in si aayar aayar ah looga guuro hannaanka qabiilka tiiyoo la raacayo sharciyo lagu hagayo hab dhaqanka muwaadiniinta. Macnaha, waxa la soo saarayaa sharciyo lagu saxayo hab dhaqanka qabyaaladysan. Tan waxa ina faraya cilmiyada bulshada, kuwaasoo isku mashquuliya barashada dhaqanka dadka—Behavior science. Marka la rabo in dhaqan la saxo—Behavior—waxa loo adeegsadaa samaynta xeerar, taasina waxay u baahan tahay in la abuuro bii’adii xeerarka ku dhaqmi lahayd. Maxaa yeelay wey fududahay in xeerar la soo saaro, laakiin ma hawl yara in la dhaqan galiyo. Sida loo abuuro jawiga sharcigu ka dhaqan gali karo, waxaynu kaga hadli maqaal kale, haddii Allle idmo. Laakiin mid waa la hubaa oo ma aha sida aynu maanta u naalo.
 
www. hajicami.blogspot.com
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland






Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii