Sunday, 11 October 2015

Boorama:-Rabshado Ka Dhashay Ciyaartii Dhex Maraysay Awdal Iyo Maroodi Jeex, Ciyaartii Oo La Joojiyey Hal Qof Oo Dhintay Iyo Mid Kale Oo Dhaawac Ah. –


Boorama:-Rabshado Ka Dhashay Ciyaartii Dhex Maraysay Awdal Iyo Maroodi Jeex, Ciyaartii Oo La Joojiyey Hal Qof Oo Dhintay Iyo Mid Kale Oo Dhaawac Ah. 


Boorama :-xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxa haatan ka socda rabshado ka dhashay ciyaar aad u kululayd oo dhex maraysay gobolada Awdal Iyo Maroodi Jeex.
Sida uu  soo sheegayo wariyaha Hadhwanaagnews ee magaalada Boorama Maxamed Bili Bili  rabshadahan ayaa dhashay qaybtii labaad ee ciyaarta iyada oo xulka gobolka Maroodi Jeex ay ciyaarta ku hogaaminayaan hal gool,  iyada oo rabshahadaasina yimaadeen ka dib markii garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayey uu laad rikoodhe ah u qabtay xulka gobolka Awdal taas oo ay ka biyo diideen ciyaaryahanada xulka gobolka Maroodi Jeex.
Rabshadahan ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday hal qof  isla markaana uu dhaawacmay hal qof, iyada goor dhaw la rajayno in la ogaado khasaaraha ka dhashay intuu leeg yahay. Sidoo kale waxaguud ahaanba la joojiyey ciyaartii dhex maraysay gobolada Awdal Iyo Maroodi Jeex, iyada oo la rajaynayo inay xidhiidhka kubada cagtuna ay go,aanka gaadhaan ciyaartaas aan wakhtigeedii dhamaan ee la joojiyey
Ciidamada amaanka ayaa la soo sheegayaa inay ku hawlan yihiin sugida amniga magaalada Boorama, isla markaana ka hor tagaya inay rabshaduhu sii daba dheeraadan.


Skype: Abdiasiis47
Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland


No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...