Sunday, 11 October 2015

War Degdeg ah:-Guddoomiye ku-xigeenka labaad Xisbiga WADDANI Ee Magaaladda Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay.



War Degdeg ah:-Guddoomiye ku-xigeenka labaad Xisbiga WADDANI Ee Magaaladda Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay.


Gabiley(HWN)-Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Wadani Eng Muuse Cabdilaahi Nuur(Muuse-Suweyn), ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo aan ilaa iyo hada la garaneyn sababta Xadhigiisa loo cuskadey.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Eng Muuse Cabdilaahi Nuur(Muuse-Suweyn), oo hada ku xidhan Saldhiga Ciidanka Booliska Gabiley ayaa, hadhwanaagnews u xaqiijiyay in aan xadhigiisa loo marin Sifa sharci ah islamarkaana, aan loo keenin waaran Maxkamadeed iyo amar uyeedhis ah (Saman), midna haseyeeshee, lagu wargaliyay in Saldhiga Ciidanka Booliska lagu weydiinayo Su,aalo kadibna loo sheegay in uu Xidhan yahay, Waxaanu si kooban u sheegay in aanu garaneyn sababta xadhigiisa kaliftey.
-
aliyaha Qeybta Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley oo la sheegay in uu bixiyay amarka,Xadhiga lagu taxaabay Gudoomiyaha Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Wadani Eng Muuse-Suweyn oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino sababta loo xidhay iyo cida amarka bixisay Xadhiga laakiin nooma ay suurtagalin telefoonkiisa oo Xidhnaa Awgeed, waxaanay wararka xanshashaqa ah ee Gudaha Magaalada Gabiley naga soo gaadhayaa, tibaaxeen in Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Shiine bixiyay amarka Xadhiga Masuulkan katirsan Xisbiga Wadani.

Eng Muuse Cabdilaahi Nuur(Muuse-Suweyn),Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa, si rasmi ah u degan Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley, waana masuulka kaliya ee Xisbiyada Mucaaridka ah gaar ahaan Wadani had iyo jeer Gabiley ka hadla wacyiga taagan, isagoo Gabiley ku leh qasri weyn oo Xisbiga Wadani ku qabsadaan Shirarkooda.

Skype: Abdiasiis47
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami



No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...