Skip to main content

Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran Ee Mihnadaha Caafimaadka Oo Amaro Adag Ku Soo Rogay Shaqaalaha Caafimaadka



Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran Ee Mihnadaha Caafimaadka Oo Amaro Adag Ku Soo Rogay Shaqaalaha Caafimaadka.


Hargaysa:-Guddoomiyaha Guddida  Qaran ee Mihnadlaaasha  Caafimaadka somaliland Dr Ahmed Xaashi Oday   oo Maanta Shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in shaqada Gudidani  tahay in ay hubiyaan Mihnadlayaasha Caafimaadka,Xarumaha Caafimaad iyo kulliyadaha lagu barto,si dadku uga baaqsadaan Dhakhaatiir Aan Xirfado lahayn,Bulshaduna u hesho Caafimaad Tayo leh.
Komiishanku waxa uu Shaqaale ahaan u diwaan galiyay 2150 shaqaale Caafimaad Ah oo iskugu jira Muwaadiniin iyo Ajaanib,halka uu Ruqsado Shaqo  uu siiyay 51 Qof oo Sifo sharci ah ku shaqeeya,waxaana uu ugu baqay Shaqaalaha Caafimaad ka een iska Diwaan Galin Guddida  in Ay is Diwaan Galiyaan Hadii Kalena Sharciga  la Marin Doono.

naan la furi Karin kuliyada lagu baranayo caafimaadka iyo jaamacad iyaga oo aan ogolaansho ka haysan guddida mihnadlayaasha caafimaadka, waxaanu ka waramay awoodaha  ay gudiddani u leedahay inay ruqsad siiso ama kala noqoto xarun Caafimaad waxaanu yidhi “ Guddidu Waxay   Awood U leedahay  in uu galo goob kasta oo Caafimaad si ay u hubiyaan in shaqadeeda iyo dhaqaalaheedu waafaqsan yihiin Xeerka Mihnadaha Caafimaadka, inuu ashax Mariyo Hawl Wadeennada iyo goobaha Caafimaadka mid gaar ah iyo Mid guudba ama Mihnad-layaasha caafimaadku Go’aan ka gaadhi karaan, Guddidu waxa uu awood Sharci u leeyahay ogolaansho siinta iyo ka qaadista goobaha adeegyada wax-barashada iyo Barnaamijyada Caafimaadka Bixiya.
Guddoomiyaha Guddida Qaran ee Mihnadaha Caafimaadka somaliland oo Hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.”inuu Ruqsada siiyo Kalana Noqon Karo Dhamaan Mihnadlayaasha Caafimaadka isaga oo waafajinaya Shuruucda u dajisan arintan,Komiishanku waxa uu qarankan uga masuul yahay ansaxinta xuduudaha ay ka hawl gali karaan mihnadlayaasha caafimaadku,Daba Galka iyo dib u eegista  heerka tayo ee diiwaan-galinta Rukhsada siinta,ku shaqaysiga,tacliinta hab-dhaqanka Mihnadlayaasha,joogtaynta Hawl Gudasho ku dhisan aqoon iyo karti iyo ilaalin Agab Adeegyo Caafimaad.
Dr Ahmed Xaashi Oday  Guddoomiyaha Guddida(NHPC) Ayaa ka waramay guulaha uu gaadhay Komiishanku inta uu xilka hayay,isaga ku soo qaatay inta Qof ee uu Ruqsada Caafimaad Siiyay iyo Inta Shaqaale ee u suuro gashay inuu diwaan Galiyo.
“Komiishanka waxa ilaa hada u suuro gashay inuu diwaan Galiyo 2150 Qof oo shaqaale caafimaad ah oo isugu jira muwaadiniin iyo ajihaniba,waxa uu komiishanku ruqsad shaqo siiyay 51 qof kuwaas oo ah kuwa kaliya ee sifo sharci ku shaqeeya,komiishanka waxa u suurto gashay inuu qiimayn ku sameeyo 5 jaamacadood oo dhiga cilmiga caafimaadka iyo 12 cusbitaal kuwaas oo ku kala yaal Gobolada Dalka.
waxa uu kula dardaarmay una soo jeediyay dadka ku hawlna in ay furtaan furashada jaamacadaha dhiga caafimaadka iyo Kuliyado caafimaadka lagu barto in ay marka hore iska soo diwaan galiyaan Komiishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka ka hor intaanay Furin,isaga oo Cusbitaalada iyo Outpatientda faray in ay iska Soo diwaan Galiyaan komiishanka.
Geesta kale Dr Ahmed Xaashi Oday ayaa dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Caafimaadka Ee Ajihanibka ah ee ka hawl gala Somaliland fariin u diray waxaana uu yidhi.”Somaliland waxa ku sugan Dhakhaatiir iyo shaqaale Caafimaad oo ajihanib ah kuwaas oo ka hawl gala Xarumaha Caafimaad ee Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland,kuwaas oo Tiradoodu aad u badan tahay,qaar ka mid ahi may soo gudbin Waraaqahoodii iyo shahaadooyinkii caafimaad ee ay siteen,waxaana lagoou baaqay iyo Cadayntooda Caafimaad ku soo gudbiyaan,Muddo ku siman Saddex Bilood oo ku eeg 31 December 2015ka,cidii Soo gudbin wayda Talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi Doonaa.

Skype: Abdiasiis47
Fb: Abdiasiis jama Haji cami
Hargeisa Somaliland


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii