Wednesday, 7 October 2015

Filasho Togan!



Filasho Togan!

 


Bulsho deegaan wada daganayd ayaa la kulan tay abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo ay sababeen dib u dhac ku yimi Raxmaadkii Eebe oo aan wakhtigiisii curan . Abaarahaasi waxay sababeen warwar iyo khatar soo wajahda dallagii iyo xoolihii bulshada. Xaaladu markii ay sii xumaatay – waayuhuna ku si adkaadeen bulshadii ayaa imaamkii culimaddu iclaamiyay roob doon iyo Alle (swt) barri Eebe lagaga baryayo in uu raxmaadkiisa u soo dajiyo.
Bulshadii waxay isugu soo baxday barxadii banaanayd ee deegaanka. Imaamkii bulshadu markii uu fuulay mimbarkii uu ka jeedinayay wacdigii iyo khudbadii uu bulshada kula dar-daarmayay wuxuu arkay wiil yar oo 11 sanno jir ah oo farxad iyo rayn rayn ka muuqato wajigiisa agtiisana ay taalo DALLAAYAD kuwa roobka laga qaato ahi.
Imaanka iyo filashada cajiibka ah ee ilmahaasi yar darteed ayuu farxad ilmeeyay Imaamkii. Ma uusan jirin qof kale oo sitay Dallaayad bulshadii madasha isugu timi.
Dhamaan bulshadu waxay goobta u yimaadeen in ay Illaahay waydiistaan roob iyo raxmaad, laakiin, inanka yari wuxu goobta yimi isagoo FILAYA in Illaahay ajiibi doono codsigooda – wuxuu soo qaatay Dallaayadiisii uu wakhtiga Roobka isticmaali jiray.
Si la mid ah sida inankaasi yari uu u diyaarsaday Dalaayadiisii si uu u helo doonistiisii, waa in aynu isku diyaarinaa jawaabta waydiisashadeena Eebbe (swt). Marka Illaahay carabkaagaa waafajiyo in aad wax waydiisato ogow in Illaahay rabbo in uu ku siiyo.
Cumar bin Khadaab Illaahay Raali ha ka ahaadee wuxuu yidhi “Kama warwaro jawaabta ducadayda, waxaanse ka war waraa in aan ducaysto. Waxaan ogahay haddii Ilaahay igu gargaaro in aan ducaysto, in ay jawaabta Eebbe iman doonto”
Tixgalin

Skype:Abdiasiis47
FB:Abdiasiis Jam a Haji Cami


No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...