Skip to main content

Kulan Dhoollatus Ah Oo Ay Xubnaha Beellaha HARTI Ugu Jira Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ku Yeesheen Hargeysa Iyo Mawqif Ay Cuddudooda Ugu Hiilliyeeen Guddoomiye Muse Bihi.



Kulan Dhoollatus Ah Oo Ay  Xubnaha Beellaha HARTI Ugu Jira Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ku Yeesheen Hargeysa Iyo Mawqif Ay Cuddudooda Ugu Hiilliyeeen Guddoomiye Muse Bihi.

  

Hargeysa (Hubaal)- Kulan xubnaha beellaha Harti (Dhul-bahante iyo Warsengali) ugu jira golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku yeesheen magaalada Hargeysa ayaa ay  dhoolatus ku muujiyeen mawqifkooda ku wajahan musharraxa madaxweyne ee ay codkooda iyo cududooda ku taageeri doonaan marka uu qabsoomo shirka golaha dhexe ee xisbigaasi, oo la quudarraynayo in uu horraanta bisha soo socota ka qabsoomo magaalada Hargeysa. Aqlabiyadda ergooyinka Beellaha Harti ugu jira golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa Kulan Kulan isugu jira shaqo iyo  is xog waraysi oo ay Maanta ku yeesheen Hotelka Lake Asal ee magaalada Hargeysa, kana qayb galeen  soddon ergay oo ka tirsan golaha dhexe oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, maareeyayaal iyo agaasimayaal hay’ado dawladda ka mid ah madax ka ah iyo weliba siyaasiyiin miisaan culus, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo kasoo jeedda Beelahaasi  waxa ay si midaysan isugu raaceen in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Guddoomiyaha Xisbigaasi Md, Muuse Biixi Cabdi Oo isagu tartan ugu jira musharraxnimada Madaxweynaha ee shirka golaha dhexe. Kulankaas oo ahaa mid warbaahintu dibad joog ka ahayd marka laga reebo sawirro guud oo madasha laga qaaday, balse sida xubno ka qaybgalay xaqiijiyeen,. Waxa  madashaasi magacyadooda laga xaadiriyey  magacyada soddon xubnood oo kulanka goob joog ka ahaa, kuwaasi oo ka midaysnaa ajandaha shirkooda iyo taageerada musharrax Muuse Biixi.
Warku intaa ku daray in dhinacyadu isku xog-waraysteen iskuna raaceen dhammaantood  in  ay ka go’an tahay taageerrida iyo inay dhisaan murrashaxnimada Muuse Biixi Cabdi ee xisbiga KULMIYE gudihiisa Madaxweynaha Axmed Siilaanyo kadib, iyadoo halkaasi la isku waydaarsaday hugo-tusaalayn taariikh ku salaysan iyo dardaaran la is faray sidii looga midho-dhalin lahaa in doorashada Guddoomiye Muuse ee murrashaxnimada madaxweynenimo ee tartanka shirka Golaha Dhexe ee xisbiga.
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho) oo isagu warbaahinta lahadlay markii kulanka laga soo dareeray ayaa tafaasiil ka bixiyey nuxurka uu daarnaa iyo waxyaabihii laga wada hadlay “Halkan waxaa ku qadaynaayey oo kulan ku lahaa xubanaha Golaha dhexe ee beesha Harti, ee Warasangali iyo Dhulbahante ugu jira Xisbiga KULMIYE, inta ugu mudan  ee codka lahayd 30 xubnood oo golaha dhexe ah, Wasiirradii, Xildhibaanadii, Agaasimayaal Guud, cid naga maqnayd ma jirto, waxaanu isugu nimid in aanu muujino taageeradda aanu u hayno, Murashaxnimada Jagada Madaxweynenimo ee Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.”  Sidaa ayuu yidhi Md. Indho, waxaanu intaaku daray  “ Maanta waxaanu halkan ka muujinaynaa in codkayaga muruqayaga iyo foodkayaga uu halkaa maro, oo ay sidaa isku raacsan yihiin Dhamaan xubnaha Beesha Harti ee Xisbiga KULMIYE.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

Liiska Xubnaha Golaha dhaxe ee Beesha Warsangali  ee Kulankaasi joogay
  1. Cali Jaamac Faarax (Buureed) Wasiirka Kaluumaysiga
  2. Cabdisalaan Maxamed Xasan. Wasiiru dawlaha W/ Biyaha
  3. Axmed Maxamuud Nuur. Wasiir ku xigeenka Deegaanka.
  4. Xil. Cali Maxamed Aadan (C. Bare)
  5. Xil. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
  6. . Sul, Muuse Jaamac Dalaf
  7. Cabdilaahi Maxamuud Suldaan Cabdisalaan
  8. Maxamed Abshir
  9. Ibraahim Ducaale Cawke
  10. Axmed Ismaciil Cali (Guray)
  11. Sahal Maxamed Jaamac
Liiska Xubnaha Golaha dhaxe ee Beesha Dhulbahante ee Kulankaasi joogay
  1. Baashe Cali Jaamac. Wasiirka Biyaha
  2. Xil. Maxamed Axmed Maxamuud (Dhakool)
  3. Aadan Cabdilaahi Cabdale. Agaasimaha W/ Diinta iyo awqaafta
  4. Xil. Gar. Maxamed Jaamac
  5. Xil. Cabdi Xaaji Hirad
  6. Nadiifo Maxamed Colujoog
  7. Jaamac Dheeg Cartan
  8. Axmed Maxamed Caraale
  9. Axmed Cabdilaahi Dhagool
  10. Axmed Maxamed Caraale (Daadeex)
  11. Cabdilaahi Maxamuud Guray
  12. Faarax Cali Ibraahim
  13. Ismaaciil Cali Ibraahim Gaas.

Skype: Abdiasiis Jama Haji Cami
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii