Wednesday, 7 October 2015

”Sidee baan toban shaqo u abuuraa?”



”Sidee baan toban shaqo u abuuraa?”


Shirkii horumarinta dhallinyarada iyo haweenka Afrika ee Nairobi ku qabsoomay waxa lagaga hadlayay in wax wada qabsiga iyo unkidda ganacsiyadu ay yihiin arrimaha lagaga bixi karo shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhallinyaradda Afrika. Waxaa laga dooday in lacagta ugu badan ee maal gelin lagu samayn karaa ay tahay, ta ay bulshadu isku darsato. Ka fikir immisa dhallinyar ah ayaad taqaan oo aad ka heli karto $100 ama $200? haddii ay isku tagaan 100 dhallinyar ah oo midkii ba haysto $200 hantidoodu waxay noqonaysaa $20,000 bishii, miyaanay bilaabi Karin ganacsi meel dhexaad ka ah dalkeenna Somaliland? haddii shuruucda wax isku darsi iyo heshiisyo cad la galo – is-aaminaad iyo wax-wada-qabsina loo guntado. Eeg inta shaqada haysa immisaa gaadhi $3000 ah wadata – miyaan ganacsi iyo waxsoosaar loo baddeli Karin oo shaqo abuur u samaysa dhallinyaro badan dhallintaasina u noqonayn ganacsi wax soo saar leh.


Shirkaasi, waxaa guulaheeda lagu soo bandhigay gabadh u dhalatay dalka Uganda oo bilawday olole guulaystay oo ay ugu magac dartay “Hal Doollar Bishii” (ONE DOLLAR A MONTH), gabadhaasi waxay diiwaan galisay haween cadadkoodu yahay HAL MILYAN (1,000,000) oo haween ah oo ku nool Uganda. Waxa heshiis lagu noqday in GABADH waliba ay bishii bixiso $1 (Hal Doollar). oo wadarta guud noqonaysa bishii $1,000,000 (Hal Milyan oo Doollar), Sanadkiina noqonaysa $12,000,000 (Laba iyo toban Milyan oo dollar ka Maraykanka ah). Gabadhaasi waxay isbeddel layaable ku samaysay bulshadii ay ka tirsanayd iyadoo maalgalinno u samaysay haweenkii ururiyay lacagta cadadkaasi le’eg. Hadda waxay raadinaysaa in ay xuquuq caalami ah u hesho ololaheedaasi, oo fikirkeeda iyo xuquuqdeeda ay yeelato meel kasta oo laga bilaabo ololahaas ay ugu magac dartay “HAL DOOLAR BISHII.”


Dhallinyaro, fikirkani waa mid aynu qaadan karno. Inkasta oo uu yahay fikir shakhsi kale leeyahay, haddana waa mid aynu ka faaiidaysan karno oo aynu ka dhex bilaabi karno bulshadeenna dhexdeeda. Caqabado kasta oo innaga hor imanaya na aynu hal-adayg iyo dhiirranaan ku dhaafno.


Intee in le’eg ayaad habeenkii iyo maalintii isticmaashaa oo kharash ah? miyaanad toddobaadkii $1 iska jari Karin si aad uga qayb noqoto olole aad bilawdo oo aad Hal Doollar toddobaadkii kaga ururiso bulshada aad ka tirsan tahay?


Qorshahan waxa aad ka bilaabi kartaa bulshada aad meel wax ku wada barataaan, kooxda aad kubbadda wada ciyaartaan iwm. Si aad wax ugu qabato, miyaanad dhallinyarta aad lacagtaasi ka ururisay maal galin cajiib ah ugu samayn Karin? Ogow buurtu ba waa quruurux isu tagay. Ganacsigu ma laha waddooyin dhow oo markaaba aad ku heli karto macaash. Waddada guusha ganacsigu waa samir iyo sugnaansho.


Ka warran haddii aad arrintan ka bilawdo fasalka goobta waxbarasho ee aad ka tirsan tahay? Deegaan ka aad deggan tahay, kooxda aad wada shaqaysaan ama aad diiwaan galiso dhallinyar badan oo fikir ahaan midaysan? saamayn badan iyo isbeddel muuqda ayaad samayn kartaa. Maxay kuu niyad-jabinanayaan hadallada iyo iska caabinaha kaa hor imanayaa? “Kanna waa uu soo shaqo tegay” iyo dhaliilaha la midka ahi yaanay ku niyad jabin.


Dunidan aynu ku nool nahay ragbaa casrigan soo gaadhsiiyay. Dhallinyartii Nabi Muxamad SCW garab taagnayd yay ahaayeen? Duni Juhalo ah ayay ka dhigeen dunidan qiimaha leh ee aynu ku noolnahay. Diinteenna suubban hormuud dhallinyar ah oo Rasuulkeenna Muxamed SCW garab taagnayd ayaa ina soo gaadhsiiyay, kaalinteeda in aynu qaadano sow ma ahan. Maxaynu cid wax uga sugi iyo hay’ado hadba mashaariic maal galineed siinaya kooxo iyaguba marka hore ladnaa? in aynu dhiirrano miyaanay ahayn, oo aynu maskaxdeenna iyo fikirkeenna hawl galinno? Wax waliba cabsi ayuu leeyahay ogowse wax waliba meel ayuu ka bilaabmaa. Noloshu waxay u baahan tahay ku-dhac, dhiirranaan iyo wajihidda waxyaabaha ku cabsi galinaya ee guulaha aad arkayso ka sokeeya– la arkee in aad guul widh-widhiso, noqo hormuud ha lagu daba galeee!


Ugu dambayn waxaynu u baahannahay in aynu fikirkeenna ah “Sidee baan shaqo u helaa” ku beddelno “Sidee baan toban shaqo u abuuuraa”


www.Hajicami.blogspot.com


E-mail: Samater2013@gmail.com


Skype: Abdiasiis47


FB: Abdiasiis Jama Haji Cami


Hargeisa Somaliland



 

No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...