Skip to main content

Yaa Sanadkan Ku Guuleysan Doona Abaalmarinta Nobel Prize?+Halkan Ka Akhri Liiska 10 Qof Ee Ugu Horeeya+Waxa Qof Waliba Ku Mutaystay!.



Yaa Sanadkan Ku Guuleysan Doona Abaalmarinta Nobel Prize?+Halkan Ka Akhri Liiska 10 Qof Ee Ugu Horeeya+Waxa Qof Waliba Ku Mutaystay!.


Oslo  Abaalmarinta nabadda ee caanka ah ee Nobel peace prize ee laga bixiyo dalka Norway ayaa waxaa lagu wadaa in ay guddiga Nobelka ay shaaca ka qaadaan cidda ku guuleysaneysa sanadkan 2015 , waxaana ay carrabka ku dhufan doonaan maalinta jimcaha nagu soo socota 11.00 duhurnimo xilliga Oslo.
Tobanka qof ee ana hoos idinkugu soo sheegi doono ayaa la hadal hayaa in midkood uu ku guuleysan doono, waxaana jecleystay in aan idiin sii hormariyo magacyada liiska tobankaan qof ee laga yaabo in ay nasiib u yeeshaan biladda Nobel Prize. Shaqsiyaadkaan ayaa waxaa ka mid ah dad caan ah iyo kuwo aan horay loo maqal, kuwaasoo ka shaqeeyay nabadda iyo horumarinteeda.
Waxaa ugu cad cad Raysul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel oo ku muteysatay magacaabista kadib markii ay sanadkan dhexda u xidhatay sidii ay ay dalkeeda u dajin laheyd qaxootiga Siiriya oo ay dagaalo xun soo qaxiyeen, Angela ayaa albaabadana u furtay dadkaasi, sidoo kalena Yurub ka dhaadhicisay in ay muhiim tahay in la caawiyo qaxootiga Siiriya iyadoo la eegeyn heshiiskii Dublin ee ahaa in qofka meeshuu cagta soo dhigay ee ugu horeysa Yurub uu magangalyo weydiiso loona celiyo qofkii ka soo taga. Merkel ayaa lagu amaanay in ay waji wanaagsan tustay dadka soo galaya dalkeeda oo weydiisanaya magangalyada iyadoo u ballanqaadday in aan marna laga celin doonin dadkaasi dalkeeda.
Baadariga ugu weyn diinta masiixiga Pope Francis ayaa asna wuxuu ku muteystay in uu liiska soo galo kadib wada hadalo uu Mareykanka la galay , taasoo ugu hadlayay in Mareykanka ka qeyb qaataan caawinta qaxootiga iyo in ay qeyb ka noqdaan xasilinta khilaafaadka bariga dhexe.
John Kerry, Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka iyo dhigiisa dalka Iran Mohamed Javad, oo iyaguna heshiis taarikhi ku gaadhay in la hakiyo awooda nukliyeerka dalka Iiraan iyo in si nabad loo dhameeyo khilaafkooda , taasoo adduunka ku amaanay maadaama hubkan Nukliyeerka uu halis ku ahaa nabadda adduunka ayna heshiis taariikhi ah ka gaadheen. waxaana laga yaaba in labadan siyaasi ay ay wadaagaan abaalmarinta sanadkan.
Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos iyo Hoggaamiyaha jabadda FARC Timoleón Jiménez oo iyagana dhameeyay khilaaf iyo dagaalo 40 sano qaatay, kadib markii ay heshiis kumeel gaadh ah dhigteen, waxaa door libaax ka qaatay heshiiskaasi hoggaamiyaha Cuba ee Raul Castro,. waxeey heshiis ku saxiixdeen magaalada Havana ee dalkaasi Cuba.
Edward Snowdan oo la shaqeyn jiray hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, isla markaana bixiyay sir ku saabsan qaabka sirdoonka Mareykanka ay u basaasaan adduunka, isagoo shaaciyay feylashii sirta ahaa ee CIA taasoo Snowden uu dhibaato kala kulmay sirdoonka Mareykanka uuna magangelyo ka helay dalka Ruuska. Snowdan wuxuu taageero ka heystaa dadka u dhaqdhaqaaqa xorriyada hadalka iyo xuquuqul insaanka, wuxuuna horay abaal marin caan ah ugu helay dalka Norway. Dad badan ayaa ayaa aaminsan in uu u qalmo abaal marintaan maadaama naftiisa halis u geliyay shaacinta siraha qarsoon iyo sidoo dadka caalamka wax halis ah ugu kashifiyay. Snowden ayaa laga yaabaa in uu hanto Nobelka sanadka.
Raif Badawi oo ah (qoraa) blogger u dhashay Sacuudi Carabiya kaasoo wax ka qori jiray xorriyadda iyo sidii sacuudiga uu isbedel ku gali lahaa, isagoo mucaaraday dowladda boqortooyada dalkaasi, qalinkana u qaatay waxyaabo mamnuuc ka ah dalkaasi, balse lagu xukumay 7 sano oo xarig ah iyo Kun jeydal. Badawi ayaa ayaa adduunka caan ka noqday kadib markii la ogaaday in uu iska xidhran yahay Jimca walbana la karbaasho, waxaa la filayaa in isna sanadkan laga lagu abaal mariyo Nobelka.
Waxaa kale jira shaqsiyaad kale oo caan ah, ka shaqeyntooda nabaddana ku muteysan karo in ay helaan jaa’izadaan qaaliga ah, sida Mussie Zerai oo ah baadari Eriterian ah oo kala shaqeeya Hay’adda qaxootiga adduunka UNHCR caawinta qaxootiga soo gaaraya xeebaha Talyaaniga, isagoo qeyb weyn ka qaata xeriirka dadka ku hadla afkiisa ee badda ku lunsan iyo talyaaniga, waxuu badbaadiyay muhaajiriin badan oo kusoo fool lahaa xeebaha talyaaniga.
Sidoo kale abaal marintaan ayaa laga yaaba in uu ku guuleysto Wargeyska kasoo baxa Ruushka ee Novaya Gazeta, wargeyskaan oo u wax ka qora xorriyada iyo xuquuqul insaanka dalka Ruushka una dooda dadka isbedeldoonka ayaa dhibaato badan kala kulmay dowladda Ruushka oo iyada u aragta mid carabkiisu dheer yahay.
Dhaqtarka u dhashay Kongo oo lagu magacaabo Dr. Denis Mukwege oo nafsadiisa halis u geliyay sidii haweenka dalkiisa ugu badbaadin lahaa kufsiga iyo qalalaasaha dalkaasi ka socda, ayaa isagana liiska sanado badan ku jiray, waxaana laga yaabaa inuu sanadkan qaato.


www.Hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
Skype: Abdiasiis47
FB:Abdiasiis jama Haji Cami




Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii