Sunday, 18 October 2015

Gudoomiyihi Guddida Doorashooyinka Gobolka Sanaag, Xildhibaan Qamar Iyo Masuuliyiin Kale Oo Laga Afduubay Badhan


Gudoomiyihi Guddida Doorashooyinka Gobolka Sanaag, Xildhibaan Qamar Iyo Masuuliyiin Kale Oo Laga Afduubay Badhan


Gudoomiyihi iGuddida Doorashooyinka Gobolka Sanaag, Xildhibaan Qamar Iyo Masuuliyiin Kale Oo Laga Afduubay Badhan.


Hargeysa(HWN):-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxa deegaanka Hadaftimo iyo Yube dhexdooda laga afduubay xubno ka mid ah guddida doorashooyinka gobolka Sanaag.
Xubnaha la sheegay In la afduubay ayaa kala ah gudoomiyihii guddida doorashooyinka gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi, xildhibaan Qamar Taleex oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka  Ceerigaabo,  madax wacyi gelinta gobolka Sanaag ee diwaan gelinta Cumar Jaamac Faarax iyo shan xubnood oo kale oo wehelinayey.
Sida uu xaqiijiyey mid ka mid ah dadweynaha ku sugan magaalada Ceerigaabo oo Hadhwanaagnews la soo xidhiidhay waxa uu sheegay inuu masuuliyiintan  afduubay taliyaha ciidanka ee maamulka Puntland u qaabilsan  deegaanka Badhan kornayl Cabdilaahi Cumar Cashuur.
Xubnahan la af duubay ayaa la sheegay inay saakaka baxeen magaalada Ceerigaabo iyaga oo ku sii jeeday deegaanka Badhan, halkaas oo ay doonayeen inay ka soo fuliyaan wacyi gelin la xidhiidha qaadashada kaadhka codbixinta.
Xubgnahan la af duubay ayaa la sheegay in mudadii ay ku jireen safarkooda, Ciidamada Puntland ay ku sii rasaaseeyeen deegaanka Yube oo 30km u jirta Badhan.
Taliyaha watay ciidankan la sheegay inay afduubeen masuuliyintan Kornayla Cabdilaahi Cumar Cashuur oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino ayaanay noo suura gelin ka dib markii telefankiisa gacantu xidhmay, balse masuuliyiinta ayaa la sheegay inay ku xidhan yihiin deegaanka Badhan
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay xukuumada somaliland oo la xidhiidha afduubka masuuliyiintan ka kala tirsan guddida doorashooyinka ee gobolka Sanaag iyo masuuliyiinta wehelinaysay.
Wixii War Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com


Fb: Abdiasiis jama Haji cami
 Hargeisa Somaliland

No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...