- Maxaa Keenay In Muuse Biixi Ku
Guulaysto Arrin Kasta Oo Siyaasi Ah Oo KULMIYE Dhexdiisa Yimaad?
“Dib U Milicso Loollan Aan Waxba Laysula Hadhin Oo Sanadihii 2003, 2006, 2007, 2008, 2010, 2012, 2014 iyo sanadkan aynu ku jirno ee 2015-ka Dhex maray Muuse Biixi Iyo Saaxiibadiisa Siyaasadda, kuwaas oo Uu Aakhirkii Isagu Intaba Libta Haleelay.
Muuse Biixi Cabdi,
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Kulmiye, waxa lagu bartay si kastoo ay u dhib
badan tahay in uu ugu dambaynta ku guulaysto arrin kasta oo siyaasi ah oo
yimaad KULMIYE dhexdiisa. Mujaahidnimadiisii hore ee Muuse waxa la sheegaa in
ay ugu darsantay mujaahidnimo KULMIYE dhexdiisa ah kadib markii uu muddo 12
sanno ah si aan nasasho lahayn uga soo gudbay ugu yaraan sideed caqabadood oo
waaweyn oo mid kastaba looga baqayey in ay isaga dhulka dhigto.
Khuburada
daraasaysa hoggaaminta iyo arrimaha guusha la xidhiidha waxa ay tibaaxaan in
qof kasta oo marar badan guulaystay ay jirto sabab macquul ah iyo tayooyin
keenay in uu guulahaas ku gaadho. Guushuna sideedaba maaha hadiyad taalla
meel dhaw oo la laaci karo laakiin waa arrin u baahan shaqo adag, adkaysi aan
damqasho lahayn iyo tayo hoggaamineed oo sarraysa. Halgamaagii caanka ahaa ee
Martin Luther King waxa la guntay xikmad dhaxal-gal ah odhanaysa “Ninka ragga
ah ugu dambaynta waxa lagu qiimeeyaa maaha halkii uu istaagay wakhtigii raaxada
iyo xasiloonida, laakiin waxa lagu qiimeeyey halkii uu istaagay wakhtigii caqabadaha
iyo loollanka.”
KULMIYE waxa la aasaasay dabayaaqadii sannadkii 2002-dii. Laga soo bilaabo
wakhtigaas, dadka intiisa badani waxay ogyihiin in uu yahay xisbi dood badan
iyo khilaaf badani ka soo dhex jiray kuwaas oo ilaa maantaas ka dhex socda. Waxase
KULMIYE u sahashay in uu dhibaatooyinkii soo food-saaray ka soo gudbo in
aan lagu kala tegin khilaafaadkaas ee aakhirka marka lagu kala guulaysto
ay inta laga guulaystaa raacdo fikirka guulaystay. Waana taas baadisoocda uu
kaga duwan yahay axsaabta kale ee qaranka oo ay dhif tahay inta la isku
qabsadaa ama lagu dhex murmaa.
Loollannadii
gudaha ee xisbiga ka soo dhacay isla markaana khilaafaadka dhaliyey inta badan
Muuse dhinac ayuu ka ahaa, dhiniciisa ayaanay libintu raacaysay. Su’aalaha
muhiimka ahi waxa weeyi, maxaa u sahlay guulahaas? Mase ku guulaysan doonaa
loollanka hadda bilaabmay oo ah kan ugu muhiimsan mustaqbalkiisa, kaas oo
ah in uu hantiyo murashaxnimada KULMIYE si uu ugu tartami karo madaxweyninimada
qaranka?.
Si jawaabaha
su’aalaha kor ku xusani ay innoogu fududaadaan, bal aynu milicsano halka uu
Muuse istaagay caqabad kasta oo siyaasi ah oo KULMIYE dhexdiisa ku soo
waajahday iyo natiijooyinkii uga soo baxay.
1.
Sannadkii 2003-dii wax yar uun kadib
aasaaskii KULMIYE, waxa la isku qabtay murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka oo ay
ku tartamayeen rag ay ka mid ahaayeen, Dr Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, Cabdi
Xasan Buuni, Xildhibaan Gaagaale iyo Cabdiraxmaan Aw Cali oo ciyaarta ugu
dambayntii ku soo biiray, waxana watay Muuse Biixi. Murashaxnimada madaxweynaha
iyada la iskuma haysan oo waxay cidlo u taallay madaxweynaha hadda
Axmed-Siilaanyo wakhtigaasna ahaa guddoomiyaha xisbiyga. Loollankan waxa ka
dhashay khilaafkii koowaad ee xisbigu wajaho. Dood dheer iyo tartan adag oo
cidiyaha la iskula tagay kadib waxa guulaystay saaxiibkii uu watay Muuse Biixi
oo ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faaraxa.
2.
Sannadkii 2006-dii waxa xisbiga ka
dhex qarxay loollan adag oo xubno xisbiga ka mid ahi ku doonayeen in Siilaanyo
laga beddelo murasharaxa madaxweynenimada xisbiga. Ragga arrinkan aaminsanaa
isla markaana riixayey way badnaayeen waxana laga xusi karaa xildhibaan
Madaxamed Cumar-Xaashi iyo Axmed Xuseen Ciise. Hase ahaatee waxa fikirkan ka
hor yimid Muuse Biixi oo aaminsanaa in Siilaanyo la siiyo fursad labaad isla
markaana u arkayey in uu yahay murashaxa kaliya ee duruufihii wakhtigaas jiray
marka la eego guul u keeni karayey Kulmiye. Ugu dambayntii miisaanku wuxu u
ciiray dhinicii Muuse Biixi, Siilaanyo-na wuxu hantay murashaxnimadii xisbiga,
taas oo markii dambena keentay in loo doorto madaxweynaha qaranka.
3.
Sannadkii 2007-da waxa loollan adagi
ka dhacay jagada guddoomiye-xigeenka xisbiga KULMIYE oo rag badani isu soo
sharaxeen, waxa raggaas ugu cuslaa Mujaahid Dhagaweyne oo ay Muuse saaxiib iyo
rafiiq dheer ku wada ahaayeen halgankii iyo siyaasadaba. Tartan adag kadib,
aakhirkii waxa guddoomiye-xigeenka koowaad loo doortay Muuse Biixi Cabdi.
4.
Sannadkii 2008 waxa uu Muuse Biixi
soo jeediyey in haddii Siilaanyo loo doorto murashaxa madaxweynaha uu isaguna
dhaxlo hoggaaminta Xisbiga KULMIYE haddii Siilaanyo guulaysto iyo haddii uu
guul-darayso labadaba. Aad ayaa loogu kala jabay arrintaas, xisbiga Kulmiye-na
wuxu qarka u saarmay dildillaac. Waxa xusuus madan in Muuse Biixi oo ahaa
guddoomiye-xigeenka koowaad iyo Kayse Xasan Cige (AHN) oo ahaa xoghayihii
xisbigu ay Hargeysa ku hadheen markii shirku furmayey laakiin ergaydii
KULMIYE ay isla qaateen in ay shirka hakiyaan ilaa la xalinayey qodobbo Muuse
Biixi danaynayey. Ugu dambayntii waxa shirkii la furay kadib markii la
garwaaqsaday dalabyadii Muuse si sharci ahna loo ansixiyey in uu hanto
hoggaaminta xisbiga doorashada madaxweynaha kadib.
5.
Sannadkii 2010-kii markii madaxweyne
Siilaanyo la wareegay talada dalka waxa dhacday in Muuse Biixi uu dalbaday in
lagu wareejiyo guddoomiyanimadii Xisbiga sidii ballanku ahaa. Dagaal badan ayaa
lagala horyimid oo rag badan oo xisbiga ka mid ah ayaa arrintaas ka dagaallamay
gudo iyo dibadba, hase ahaatee dedaal adag oo Muuse ku bixiyey fulinta
heshiiskaas kadib, Madaxweyne Siilaanyo guddoomiyenimadii xisbiga wuu ku
wareejiyey Muuse Biixi.
6.
Sannadkii 2012-kii waxa la furay
tartankii axsaabta badan. In badan oo reer KULMIYE ah oo qaarkood awoodo badani
gacanta ugu jireen waxa ay rabeen in xisbiga KULMIYE saaxadda laga saaro. Waxa
samaysmay ururro ay dabada ka wadaan rag dawladda ku jiray sida ururkii Nasiye.
Ujeeddadu waxa ay ahayd maadaama ururradii la furay aynu samayno xisbi cusub oo
Muuse ka maqan yahay Kulmiyena aynu sallaanka ka tuurno. Isku-daygaasi wuxu
ahaa halis soo foodsaartay KULMIYE wuuse fashilmay kadib markii Muuse biixi
geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu KULMIYE u haysan lahaa dadkiisii
iyo kalsoonidiisii.
7.
Sannadkii 2014-kii waxa aad u
xoogaystay loollan aad u adkaa oo dhex maray Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale
kaas oo ku saabsanaa guddoomiyenimada Xisbiga. Kani wuxu ahaa loollankii ugu
adkaa ee soo mara taariikhda Kulmiye. Xubnihii ugu awoodda badnaa xukuumadda
ayaa isku xulufaystay sidii ay Muuse sallaanka ugu tuuri lahaayeen una saari
lahaayeen Samaale. Lacag iyo awood dawladeed oo heer walba ah ayaa la
adeegsaday. Wax kasta oo la isla soo maray aakhirkii natiijadu waxa ay noqotay
in guddoomiyenimadii xisbiga Muuse u hadho.
8.
Sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka,
waxa in badan lagu murmay in aynu Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE qabano inta
aanu sannadkani dhammaan iyo in la qabto sannaka dambe ee 2016 aakhirkiisa.
Muuse wuxuu dooddiisa waxa ay ku salaynayd in Xisbigu u baahan yahay in uu ka
soo kabto khilaafkii iyo burburkii ka dhacay dagaalladii dhexdiisa isla markaana
wakhti u hure sidii loogu guulaysan lahaa doorashada March 2017-ka. Doodda ka
soo horjeedda oo ay hormood ka haayeen xubnaha doonaya in ay u tartamaan
murashaxnimada xisbigu waxa ay ahayd in xisbiga dib loogu dhigo, laakiin ma ay
keenin sababo adag oo madaxweynuhu ku qanci karo. Ugu dambayn, sida la og
yahay, waxa la qaatay qorshihi Muuse Biixi ee ahaan in shirku qabsoomo 10-ka
November 2015-kii.
Akhrsite,
ma u malaynsaa guulahaas guddoomiyeha xisbigu ku soo gaadhay halka uu maanta
taagan yahay in ay ahaayeen nasiib iyo wax iska dhacay? Ma u malaynaysaa in
Muuse Biixi isaga oo caqabadaas oo dhan kaga soo gudbay hoggaamin iyo adkaysi
isla markaana hadda gacanta ku haya hoggaankii xisbiga, xukuumaddana lagu xanto
in ay dhiniciisa u janjeedho, uu ka guulaysan kari waayi doono laba murashax oo
midina jar ka sii laalaado ka kalena hadda uun soo baraarugay? Jawaabaha adiga
ayaan kuu daayey.
E-mail:
Samater2013@gmail.com
Fb:
Abdiasiis jama Haji cami
Hargeisa
somaliland
Comments
Post a Comment