“Waxaan Ku Faraxsanahay In Reer
Booramihii Nabada Igu Dar-daari Jiray Aan Maanta”
Wasiir Saleebaan xaglo-toosiye
Waad
I Garanaysaan Oo Xago-toosiyaan Ahay, Waxaan Ku Imi Gogoshii Uu Madaxweynuhu
Dhigay”

Reer Borama waxan leeyahay waxad tihii tusaalihii
Nabadda iyo horumarka Somaliland, Waxana aan waxgaradka Reer Borama uga
codsanayaa inaanay dadkooda dib u celin oo aanay Nabadda lagaga daydo
Burburkeeda horseedin, Waanan ku faraxsanahay in Reer Booramihii Shalay
Nabadda igu Dardaari jirey inaan Maanta Anigu ku waaniyo.” Ayuu yidhi Wasiir
Xaglo-toosiye. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in Nabadda
Somaliland taallaa tahay lama taabtaan, isagoo ammaan weynna dusha u saaray
madaxweyne Siilaanyo,waxana uu yidhi,“Midnimada iyo nabadda Somaliland waa
muqaddas, madaxweynuhuna waxa uu ku baaqay Nabad gogolna waa dhigay, waana
madaxweyne wax garad ah oo jecel inuu dadka iskku wado, waanad igaranaysaan oo
xago-toosiyaan ahayoo waxan ku imi Gogoshii uu madaxweynuhu dhigay.” Dhinaca
kale waxa uu Wasiir Xaglo-toosiye ka Hadlay dhibaatada siyaasi cali
khaliif ka wado Deegaannada Bariga Somaliland, waxana uu ugu baaqay inuu
nabadda ka qayb qaato,“Cali Khaliif Waa Madaxweynaha Somaliland Saaxiibkii,
waana nin weyn oo oday ahe ha yimaaddo oo dadkiisa wax ha u qabto Gogosha
nabaddana waanu dhignay, laakiin waa ilaalinaynaa cidna ka oggolaan mayno inay
nabadda wax yeelaan.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
E-mail;
Samater2013@gmail.com
Fb:
Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa
Somaliland
No comments:
Post a Comment