“Nin Waliba Inuu Hoosta
Ka Olalaysto Looma Diidana, Aniguna Maan Odhan KAAH Isugu Keen Keena’e Waa Inta
Olaluhu I Farayo Uun”
Saylici Oo Shaaciyey Inuu Mar Kale U
Sharraxan Yahay Kursiga Madaxweyne Ku Xigeenka
“Ninkii Doonaya Inaynu Abuurno
Garoon Loo Siman Yahay Taasi Wayn Naga Go’an tahay, Xisbiguna
Maadaama Oo Uu ………”

“anigay igu yidhaahdeen madaxweyne Adiguba maanta
waxad leedahay qado, aniga maantaa ii kow ah baan ku idhi, haddii aan
leeyahayna maan odhan kaah iskugu keen keena’e waa intii ololahu u farayeyoo
nin waliba inuu hoosta ka ololaysto looma diidana, waana ka wada hadalnay oo
intayadii xukuumadda ahayd waxa aynu nahay Labeentii dalkaynu nahaye inaga
daaya waxa inagu keenaya qabsanaanta laba xisbina ma nihini xisbi kaliya ayeynu
nahay” ayuu yidhi Mudane Saylici. Mudane Saylici oo hadalkiisa sii wata,
ayaa sheegay inay ka go’an tahay abuurista Goob lagu tartamo oo musharrixiintu
u siman tahay, waxana uu yidhi, “Ninkii doonaya inaynu abuurno garoon ama
Meel loo siman yahay taasi wayn naga go’an tahay, Xisbiguna
maadaama oo uu xisbi xaakim yahay in wax la jujuubaa meesha ma taallo” Madaxweyne-ku-xigeenku
waxa uu si weyn uga Mahad naqay Dadkii uu casuumadda u sameeyey, kuwaas oo uu
sheegay inuu ka Guddoomay soo jeedimo la xidhiidha sidii uu mar labaad jagada
madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ugu soo istaagi lahaa, “Odayaasha iyo
haweenka sharafta leh aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, waana idinka guddoomay
mar haddii aad tidhaahdeen waanu ku dooranaynaa” ayuu yidhi Mudane Saylici.
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici wali ma uu caddaynin cidda uu
musharrax ku xigeen u noqonayo, balse Shaxda siyaasadeed iyo sida uu wax u wado
ayaa muujinaysa inuu si weyn ugu dhaw yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, kaas oo u sharraxan Jagada madaxweynenimo ee
Xisbiga Kulmiye. Waxa sii kacaysa Xaraaradda Loollan ee xisbiga Kulmiye
dhexdiisa, waxana maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya Tirada
musharrixiinta Jagooyinka kala sareeya ee Xisbigaas, balse dhawaaqa Madaxweyne
ku-xigeenka, ayaa xiiso gaar ah u yeelaya Baratanka dhexyaalla Baarqabadda
Xisbiga Kulmiye hoggaanka u haya.
E-mail; Samater2013@gmail.com
Fb:
Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa
Somaliland
No comments:
Post a Comment