Skip to main content

WAR DEG-DEG AH: Dawladdii, Dawladda Ka Hoos Dhisnayd Oo Duntay + Tobbaneeyo Wasiir Oo Iska Casiley Xilkii Ay Ka Hayeen Xukuumadda.



WAR DEG-DEG AH: Dawladdii, Dawladda Ka Hoos Dhisnayd Oo Duntay + Tobbaneeyo Wasiir Oo Iska Casiley Xilkii Ay Ka Hayeen Xukuumadda.



Hargeysa(Hubaal) – Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Shaqadda Cabdi Awdaahir Cali, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, Wasiir xigeen dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir ka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, iyo  Wasiir Xigeenka deegaanka Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay inay iska casileen xilalka ay qaranka u hayeen.

Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka. Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Waxaan iskacasley xilkii aan kahayey Xukuumada M/weyne Siilaanyo ee ahaa wasiir kuxigeenka wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada,” ayuu yidhi Wasiir Xigeen Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.
Iscasilaadda xubnahan ayaa lala xidhiidhinayaa  loolanka Kulmiye. waxa la sheegay in madaxweyne Siilaanyo cadaadis kus aaray wasiiraddiisa inay taageeraan musharax Muuse Biixi Cabdi, maadaama ay wasiirada iyo masuuliyiinta xukumadda badhkood raacsan yihiin wasiir Maxamed Biixi Yoonis.


Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland


Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a ...

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii...

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE 29 ASKARI OO MADAXWEYNEYAAL KASOO NOQDAY WADAMADDA UGU AWOODA BADAN DUNIDA

SOOYAALKA TAARIIKHEED EE 29 ASKARI OO MADAXWEYNEYAAL KASOO NOQDAY WADAmada UGU AWOODA BADAN DUNIDA. Ciidan-nimadu   Ma Wax Lagu Faannaa Mise Waa Wax Laga Faanno?. raar ama Hor-dhac Ku sinnaan muddo haatan laga joogo illaa 5000 [shan kun] oo sannadood ayaa sooyaal taban ay mahadh-dhadu kasoo werisay taariikhda uu ina-nebi aadan ku lahaa kownkan, taas oo milicsiga raadadkeedu qaarad illaa qaarad dunida oo dhan xog waran wanaagsan laga daalacan karo. Taariikhahan haddii aad u dhab-bo gasho waxaa ay xogo kaaga iftiiminayaan qaab dhismeedka nololeed ee bulshooyinkaas noolaan jiray, noloshoodu sida ay ahayd, cuntadoodu waxa ay ahayd, qaabka qoysaskoodu u dhisnaayeen, maamul ahaan iyo is kaashi ahaan sida uu nidaamkoodu ahaa.  Waxa kale oo taariikhahaas ku suntan sida uu ammaankoodu ahaan jiray iyo asbaabaha dhalin jiray colaadaha  ay geli jireen. Dhammaan bulshooyinka noolaa wakhtiyadaa hore oo ay ka mid ahaayeen (faraaciintii, Romankii, Giriigii, dawladihii Kiris...