Xaalkayagiinu waa Ninba meel ku Asqow!
Waa weedh kasoo baxday mid ka mid ah xubnaha
isteerinka u haya ololaha Maxamed,Samaale, Kijaandhe ugu jiro loolanka musharaxnimada kulmiye.
Xaallkeenu waa nin ba meel ku asqow!!!!. Waa cadaymaha inoogu filan
Bisayl-aanta siyaasadeed iyo socod baradka hafashada iyada oo aan melba la isla
gaadhin . mihnadkastaa waxay leedahay barasho, aqoon iyo xirfada kuu sahlaysa
inaad dhib kasta oo kaa hortimaad si fudud aa uga talaabsato, haddise aanad
aqoon u lahayn mihnada siyaasada iyo xayndaabkeeda waxaad noqonsaysaa mid mar
walba ku dhex hafta …… wax waliba barasho leh waxaanad ku dambayn doontaa uun …. Xaalkeenu
waa ninba meel ku asqow.
Maxamed, Samaale ,Kijaandhe waxaan kula
talin laha Inaad han yeelato waa
wanaagsan laakiin mar walba waxaa muhiim ah inaad dib isku qiimayso oo aad dib
u qiimayso cida aad jeceshahay inaad la tartanto halka waxaa kaaga soo baxaya
muqaal ah inaad saxantahay iyo inaad gudcur gudaysid….. bal hadday goori goor
tahay ee taladaa qaata oo dib isu noqda
Waxaan ku soo afmeerayaa, ummadi waliba taariikh ayay
leedahay inay ku xisaabtanto weeyi in dib la isku qiimeeyo waa
lagama maarmaan in la isku ixtiraamana waa daruuri. Sidaasaa dalku horumar ku
gaadhi karaa oo aynu horumar ku wada gaadhi…. Maxamed,Samaale ,
kijaandhow bal dib isugu noqda asqadaa bilowga ahi intayna idinla sii durkin
Mana fiicna inaad aflagaadaysaan
madaxwaynaha oo tidhaahdaan dhinac ayuu
la safnaa
Waxaa kale oo halkaas kaaga soo baxaaya in
wasiiradda manta shaqadoodii iska casilay inanay qaranka iyo umada reer
somaaliland aanay u shaqaynayn oo ay
dano gaara lahaayeen
Waxa ay qaran ka ugu masuul ahaayeen
wasaarado waxaanay ku tusaysaa inaanay Nimankani qaranka u shaqaynayn ee ay
dano gaara lahaayeen ,waxaa waliba u
dheerayd dhalanteed beenta iyo amaan beerlaxawsiya oo ay u hayeen madaxwaynaha.
E-mail: Samater2013@gmail.com
Hargeisa Somaliland
Comments
Post a Comment