Sunday, 3 March 2019

Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-Furay Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran

Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-Furay Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran


Darar-weyne-03-03-2019-()–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka carbiska dhallinta ee shaqo qaran oo kamid ah tiirarkii halbawlaha u ahaa ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE bulshada la galay waqtiyadii ololaha.
Munaasibadda Daah-furka barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay deegaanka Darar-weyne oo hangarro waaweyn oo qalabaysan looga dhisay dhallinyarada barnaamijkan ku guulaysatay, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka golaha wakiillada, saddex kamid ah madaxweyne ku xigeenadii dalka soo maray, hoggaanka axsaabta qaranka, talliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, hormuudka jaamacadda Hargeysa, xubno kamid ah golaha wasiirrada, safiirka dalka jabuuti u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, dhallinyarada ku gudo jirta barnaamijka carbiska ah ee shaqo qaran.
Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu kormeeray hangarrada jiifka, cuntada iyo kuwa waxbarashada ee xukuumaddu u diyaarisay dhallinyarada ku jirta barnaamijka carbiska shaqo qaran, halkaas oo lagu diyaariyey dhammaanba wixii ay u baahnaayeen muddada ay halkaasi ku jiri doonaan.
Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran, mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addin) oo munaasibadda daah-furka barnaamijka carbiska shaqo qaran ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu barnaamijkani soo maray iyo sida ay uga fikireen sidii uu barnaamijkani u noqon lahaa mid mustaqbalka fog loo aayo oo midho wanaagsani kasoo bixi karaan, waxana uu tilmaamay inuu ka mid yahay himilooyinkii madaxweynaha qaranka oo haatan la hirgeliyey, waxana uu yidhi, “Maanta waa maalin weyn oo taariikhda qaranka kamid noqotay oo ay inoo hirgashay himilo uu madaxweynaheennu horseed inoogu ahaa oo aynnu hananay hammigii fogaa, soona noolaysay curfigii ahaa maxaad taqaan oo saaxadda ka saaray ayaad taqaan. Waa maalin aynnu haloosiyeyno hayaanka horumarka dhallinyarteenna.”
Agaasimuhu waxa uu shaaciyey inuu barnaamijkani kamid ahaa qorsheyaashii uu xisbiga KULMIYE dhallinyarada reer Somaliland u ballan-qaaday xilliyadii ololaha oo haatan fulintiisii bilaabantay, “Barnaamujka shaqo qaran waxa uu ka dhashay hindisihii iyo hal-abuurkii madaxweynaha ee ku aaddanaa horumarinta iyo jihaynta dhallinyarada Somaliland, taas ayuuna kaga mid noqday himilooyinkii ugu mudnaa ee uu xisbiga KULMIYE u ballan-qaaday dhallinta Somaliland xilligii doorashada,” ayuu yidhi agaasime Maxamed Xuseen Faarax.
Kayse Cige Cali iyo Hodan Jirde Maax oo kamid ah dhallinyarada ku guulaysatay barnaamujka carbiska shaqo qaran oo hadal kooban madasha ka jeediyey, ayaa ballan qaaday inay hawshaas sidii ay ahayd uga soo bixi doonaan, kuna qanacsan yihiin sida ay hawshu ugu socoto, iyaga oo si gaar ah ugu mahadnaqay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo munaasibadda ka hadlay, ayaa da’yarta barnaamijka carbiska shaqo qaran ku dhiirrigeliyey inay ka midho dhaliyaan dedaalka iyo waqtiga la geliyey, isla markaana lafahooda iyo qarankoodaba uga faa’iideeyaan.
Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa muujiyey sida ay xisbi ahaan ula dhacsan yihiin barnaamijka shaqo qaran ee lagu carbinayo dhallinyarada jaamacadaha dalka kasoo baxday, waxana uu dhallinyarada barnaamijka ku jirta kula dardaarmay inay maanka ku hayaan abaalka iyo dedaalka uu qaranku geliyey, una dhabar -adaygaan caqabadaha kaga yimaadda ka midho dhallinta hammigooda.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna dhankiisa barnaamijka shaqo qaran ku tilmaamay tallaabo da’yarta faa’iido badan u leh, kana baajin karta tahriibkii iyo niyadjabkii soo wajihi jirey, waxana uu caddeeyey inay si buuxda u garab taagan yihiin hirgelinta barnaamijkan iyo ka midho-dhalintiisaba.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna soo dhaweeyey mashruuca shaqo qaran ee da’yarta dalka looga faa’iidaynayo, waxana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay u samraan muddada uu tababarku socdo oo aanay dhib u arkin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey cid kasta oo ka qaybgashay hirgelinta barnaamijkan iyo ka midho dhalintiisa, isaga oo guul ku tilmaamay inuu mashruucani hirgalay iyada oo aanay jirin gacan dibadeed oo ina caawisay, isla markaana uu tusaale wanaagsan u yahay in isu-tagga bulshada lagu gaadhi karo guulo waaweyn oo taariikhi ah.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in qorshaha qaranku yahay sidii uu barnaamijkani u noqon lahaa mid mustaqbalka sii socda, taasina ay u baahan tahay iskaashi bulshada oo dhan ah, “Qorshaheennu waa inuu barnaamijkani noqdo mid waligii jira oo qaranku ka dhismo oo uu noqdo mid qaranka la socda oo aannu noqonin mid halkaas ku ekaada oo hoggaaminta dalka iyo ragga siyaasadda hoggaamin doonaa ka dhismaan oo ay diblomaasiyiintu ka dhismaan oo ay hablaha dhakhtarrada ah ee ugu waaweyni ka dhismaan, taasina waxa ay ku imanaysaa qaranka oo dhan oo iska kaashada oo la arko muhiimadda uu leeyahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa si kooban dhallinyarada ugu sharraxay ujeeddooyinka barnaamijka shaqo qaran laga doonayo iyo sida ay muhiimka u tahay in danta guud xil la iska saaraan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxad halkan ku baranaysaan oo la doonayaa inaad erayga ah ANIGA ka baxdaan oo aad ku beddeshaan INNAGA, markaas uun baynu wax noqon karnaa, markaad innaga tihaahdaana waxay noqonaysaa inaad mar walba eegto maxaad ummadda u qabataa.”
Ujeeddada barnaamijka carbiska shaqo qaran laga leeyahay ayaa waxa kamid ah, dhiirrigelinta dhallinyarada iyo kor u qaaddida dhaqanka mutadawacnimada iyo iskafaalo-qaadka bulsheed , sugidda caddaaladda iyo u sinnaanta bulshada ee fursadaha shaqada, tababarka iyo shaqo-gelidda, waxana loogu talo galay dhallinyarada muwaadiniinta ah ee kasoo qalinjabisa jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda, ka qaybgalkiisuna waa ikhtiyaari

Wednesday, 10 January 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Gaar ah La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa() Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga.
Kulankan oo xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha gudaha iyo dibadda Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Sacad Cali Shire, waxaana ay labada dhinac kulankooda diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay, isla markaana loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.
Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta faah-faahin ka siiyey wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaana uu tilmaamay inay labada dhinac kulankooda ku lafo-gureen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada midoobay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wefti ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa , ayaa halkan inoogu yimi, waxaana isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaaba la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha shaqada iyo is-kaashiga jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Somaliland, waxyaabaha ay ka wada-hadleen waxa kamid ah arrimo la xidhiidha siyaasadda, dimuqraaddiyadda, nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo mucaawimada, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, waxaana aanu rajaynaynaa in xidhiidhkii wanaagsanaa ee wada-shaqaynta ahaa ee aynu la lahayn Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa uu halkaas kasii socon doono.”
Eargayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada-hadleen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo ujeeddada uu dalka u yimi, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “ Halkan waxan u imi inaan kulan la qaato madaxweynaha cusub, waxaana aanu kulan heersare ah ka yeelanay meelaha ay muhiimadda gaarka ah siinayso xukuumadda cusubi iyo sidii aan shacabweynaha reer Somaliland ugu hambalyeyn lahaa madaxweynaha cusub ee ay doorteen sanadkii hore, isla markaana aan muhiimad gaar ah siiyo qorsheyaasha xukuumadda cusub, sida ammaanka, ka hortagga abaaraha, shaqo-abuurka loo samaynayo da’yarta, xoojinta caafimaadka iyo waxbarashada, madaxweynahana waxaan u sheegay inay qaramada midoobay diyaar ula tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahayd wixii caqabado ah ee jira

Sunday, 29 May 2016

Somaliland - Run Aan Weli La Isu Sheegin.

Somaliland - Run Aan Weli La Isu Sheegin.

Muddo iminka qiyaastii laga joogo 3 sandood, ayaa waxa fariin email ah ii soo dirtey gabadh joogta magaalada London, waxaana ay igu tidhi, fadlan tilifoonkaaga ii soo dir, inan kula hadlo ayaan doonayaaye. Waa gabadh firfircoon oo aad uugu halganta horumarinta Soomaaliland. Waxa an xilligaa joogey magaalada Sanca. Nambarkii tilifoonkeyga ayaan u direy gabadhii. Waxa ay gabadhaasi daba socotey maqaal an qorey oo warbaahinta ku soo baxey oo qeyb ka ahaa taxanayaal an kaga hadlayo mustaqbalka Soomaaliland. Gabadhii tilifoon ayey ii soo dirtey oo waxa ay i weydiisey, sababta an uugu maleeyey in Soomaaliland mareyso dariiq qaldan marka ay timaaddo ictiraaf raadinta iyo gooni isu taagga. Waan u jawaabey intii aqoonteydu aheyd. Gabadhiina arimaha qaarkood wey igu diidey.

. Xiligaasi gabadhu ila soo hadashey, waxa an qori jirey qeybo ka mid ah buug yar oo an qori jirey oo magaciisu ahaa‪#‎ICTIRAAF_Raadinta_Wax_Aan_La_Garaneyn. Qoraaladeydaa waxa an ku sheegi jirey sida aaney u caddeyn ictiraafka ay Soomaaliland raadineyso, halka ay ka raadineyso, cidda heysa, iyo cidda raadineysa laftooda aqoonta ay waxan u leeyihiin iyo shuruudaha ku xidhan ee la rabo in la buuxiyo si loo helo. Boqolaal qoraalo iyo email-o ah ayaa la ii soo direy xiligii an qoraaladaa sameyn jirey oo intooda badani ay igu bogaadinayaan oo ay ii sheegeen sida ay uuga faa’iideysteen qoraalkeyga. Sidoo kale waxa jirey tiro dad ah oo igu diidanaa fikirkeyga. Qaarkood waxa ay i lahaayeen “waar Istaaqfuruleyso”, waayo qoraalkeyga ayaan ku sheegey in dariiqa ay Soomaaliland heyso ee ictiraaf raadintu uu iska soo xidhmayo oo uu khasaare ku danbeynayo, aniga oo ku doodayaa, inaaney jirinba barnaamij cad oo ictiraaf lagu raadinayo, laga soo bilaabo 1991 ilaa maanta. Qoraaladii ictiraafka ku saabsanaa waan iska joojiyey berigaasi oo waxa an is idhi yey dadka qaarkii tashuush ama niyad jab ku noqon ee haki.
3. Xafladdii caleemasaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ee bisha May 7-deedii ka dhacdey magaala madaxda jabuuti, waxa ka qeybgaley madax badan oo wadamo kala duwan ka socdey. Madaxdaa waxa ka mid ahaa, madaxweynaha Soomaaliya iyo madax ka socotey dawlad goboleedyo Soomaaliya ka mida. Waxa iyana xafladaasi ka qeyb galey, madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafdi uu hoggaaminayo. Markii ay warbaahintu soo bandhigtey sawiradii xafladda, waxa dhashey buuq aad u weyn oo ay bulshada Soomaaliland ku saluugeen, meesha uu fadhiyey Madaxweynohoodu. Halka madaxdii kale ee addunku ka kala socotey ay meel wada fadhiyeen. Anigu waxa an ka mid ahaa dadka arintaasi dhibsadey. Balse, sababta an u dhibsadey wey ka duwaneyd ta dadka kale oo dhan. Halka dadka badankiisu ay diidanaayeen meesha Madaxweyne Siilaanyo la fadhiisiyey, anigu waxa ay la yaabanaa sida shacabka Soomaaliland khabar maafiska u yahay ee uu u heysto fikir ka duwan ka siyaasiyiintu heysato. Saluugaa an saluugsanahay war la’aan umaddu waa mid ii soo taxnaa ilaa 1991.
. 4. Aqoonsiga ay Soomaaliland raadineyso iyo gooni isu taaguba waa arin malaasan oo aan sgarax cad laheyn una baahnaa in inta hoos loo sii daadago la jilciyo oo la iftiimiyo halka iminka la marayo iyo halka loo socdaba. Balse waxa an arkey in heshiis lagu yahay an sidaa an wax u wadno ku socono, waxna yaan la iska weydiin. Taasaa keentey inan qoraalkeygan iyo qaar kale danbeba kaga hadlo arintaasi, gaar ahaan ictiraafka iyo dawladnimadeena, weliba marka ay timaaddo gooni isu taagga iyo xidhiidhka Soomaaliya. Haddaad aragto arin ka hadalkeeda la isdiidsiiyo ama la
 dhibsado, waa laba mid uun oo ah ama arinkaaba qaldan oo la diidayaa in la isku taataabto, ama dadkan arinka wada ayaaban garaneyn waxan ay wadaan oo maba sharxi karaan. Tey doonto ha noqotee, wixii aan sharax waafi ah laga heysan, ee aan la qeexi kareyn ee aan ummaddu isku mawqif ka taagneyn, waxbaa ka qaldan.
5. Waa arin soo jireen ah oo an 25 sanadood ee la soo dhaafayey ku dhaqmeyney oo ah in siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha Soomaaliland ay indhaha dadka uun eegaan oo ay u fiirsadaan dhinaca ay dadku eegayaa. Xagii loo bato ee ay arkaan in dadku wada eegayo ayuunbey iyana farta uugu fiiqaan oo ay yidhaahadaan sidaasaa sax ah. Kamaba qasna! Ra’yi iyaga u gaar ah malaha. Arin adag iney dadka u sheegaanna diyaar uuma aha. Khasaaraha uugu weyn ee an sii arkayaa maaha inaan Soomaaliland la aqoonsan doonin. Taasi xanuunkeeda ayey leedahay haddii ay dhacdo, balse waa wax laga gudbi karo oo loo gudbi karo hab kale oo ay Soomaaliland guul ku gaadhi karto. Khasaaraha uugu weyn ee ii muuqda ee dhici kara haddaan laga taxadirin, waa shicibka iyo hoggaamiyayaasha oo kala xidhiidh furtay, oo qolaba ku socoto ajande u gaar ah oo ka duwan ka qolada kale ku socoto. Arintaasina maaha wax cusub ee waa dhaqan soo jirey oo an in badan soo aragney. Marka laga reebo xiligii ay SNM dagaalka ku jirtey oo aheyd xilli umaddii markaa taageersaneyd jabhadda iyo hoggaankeeda ay mid ahaayeen. Mudaddii kale ee ama ka horeysey ama ka danbeysey, markasta laba dhinac ayaa loo kala socdey.
6. Wixii hore marka laga yimaaddo, waa maxey waxa ka qaldamey Soomaaliland marka ay timaaddo Ictriaafka iyo xidhiidhka Soomaaliya guud ahaanba? Horta Soomaaliland marna mey sameysan siyaasad cad oo ku waajahan raadinta aqoonsi buuxa oo ay caalamka ka hesho. Waxa lagu socdey uun hadba fikirka Madaxweynaha xiligaa jooga iyo Wasiirkiisa Arimaha Dibedda. Xitaa fikirka noocaas ihi, marna muu adeegsan 4-ta dariiqo ee caalimaga ah ee dal aqoonsiga ku helo. Marna mey dhicin in dawlad Soomaaliland joogtaa ay si cad oo cilmiyeysan ay dadka u soo hordhigto dariiqa ay u mareyso aqoonsi ay hesho. Waxa talada lagu wadey uun, qaab yar oo indho sarcaad ah oo dadka uun lagaga farxiyo, balse aan mug hoose oo loo dhaadhaco laheyn. Wafdi meel tegey oo ka sheekeeyey sida loo soo dhaweeyey oo calanka Soomaaliland-na la ag dhigey oo lagu sawirey. Ka bacdina wabaahintu sheegtey oo woxooga lagu farxey. Siyaasadda Arimaha Dibedda ee la sheegaaba indho sarcaadkaas oo haddii af qayaxan lagu sheego noqneysa BEEN ayaa wax lagu wadey.

7. Dhowr sanadood ka hor markii ay furmeen wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland, waxa ay dawladda Soomaaliland ku celcelisey in wada hadalku ku saabsanyahay sidii loo noqon lahaa laba dawladood oo jaar ah oo is aqoonsan, wixii iskaga jirana loo dhameysan lahaa. Waa hadal wanaagsan oo dad badani wey ku farxeen. Balse wuxu ahaa hadal aan run aheyn. Ajandaha shirka kumey jirin laba dawaladood oo simani oo is aqoonsan. Kumaney jirin in labada dhan is aqoonsadaan. Dawladda Turkiga oo dhexdhexaadineyseyna barnaamijka uugumey jirin iminkana uuguma jirto in laga wada hadlo sidii laba dawladood loo kala noqon lahaa ee la isu aqoonsan lahaa. Waxan loo shirayo ee ay dawlado kale u daneynayaan waa in Soomaaliya la isku noqdo. Marka ad ogolaato in cid ad is heysaan la idin dhexdhexaadiyo, waxa ad si cad u ogolaatey inad mawqifkaaga wax ka kacdo, dhinaca kalena wax ka kaco. Hadalka ah waxa an shirka la tegeynaa inaan jiritaanka Soomaaliland laga gorgortami karin, runta uu ka fogyahay. Haddii aan arinkaa laga gorgortami Karin, shirkaba maad tagteen. Aqbalka ad aqbashey in la idin dhexdhexaadiyo ayaa ah inad ogoshahay in mawqifkaagana la falaqeeyo oo wax laga bedeli karo, mawqifka dhinaca kalena wax laga bedeli karo. Haddii kale oo aanad taa diyaar u aheyn, mabaad tagteen shirka. Su’aasha isweydiinta lihi waxa ay tahay, Soomaaliya dhinaceeda wax badan ayey ka kici kartaa mawqifkeeda si ay u raaligeliso Soomaaliland. Shicibka Soomaaliya iyo dawladooduna mawqifyada wey ku wada socdaan. Waxaana ay ka simanyihiin inaan Soomaaliland go’in balse la eego wixii kale ee lagu

 qancin karo. Marnaba ma dhaceyso in dawlad Soomaaliya ka dhalataa ogolaaneyso in Soomaaliland go’do. Markey sidaa tahay, muxuu yahay mawqifka dawladda Soomaaliland iyo waxa ay ka kici kartaa, ee shicibkeeduna raalida kaga yahay?

. Shirarkii Turkigu Soomaaliland iyo Soomaaliya ku dhexdhexaadinayey waxa la sheegey iney iminka dib u furmayaan. Shirkaasi muhiimadiisu waa in Soomaaliya iyo Soomaaliland isku soo noqdaan oo ay nidaam cusub oo dawladnimo ku heshiiyaan. Dawladda Soomaaliya waxa ay la imaneysaa iney tahay dawladdii sharciga aheyd ee dalka oo dhan ka talineysey, Soomaaliland na tahay gobol ka mida oo wax tirsanaya, oo ay diyaar u yihiin iney dhageystaan wixii ay tirsanayaan oo ay tixgeliyaan. Soomaaliya waxa ay Soomaaliland u sheegeysaa iney soo galaan oo ay u hoggaansamaan dawladda sharciga ah ee Muqdisho ka jirta. Soomaaliland waxa shirka la tegeysaa iney tahay dawlad madax banan oo aan hoos iman Soomaaliya. Marka dhexdhexaadini timaado, labadaa mawqif waxa loo yaqaan “Goolaaftan” waana halka hadalku ka bilaabmo. Inta badana mawqifkaa waa la iskala gudbaa. Dhan kastaa waxa uu miiska soo dhigaa wax dhinaca kale ku dhiiriya inu mawqifkiisa ka soo debco. Dhinaca Soomaaliya waxa ay heystaan fursado badan oo ay mawqifkooda ka soo kici karaan oo ay meel dhex iman karaan. Waxa aanan garan, waxa ay Soomaaliland shirka la tagtey ee ay iminkana la tegeyso ay ka gorgortami karto, marka laga yimaaddo goolaaftanka. Muxuu noqon karaa waxa aan gooni isu taagga aheyn ee ay Soomaaliland miiska dhigi doonta? Haddii ay tahay iney la tegeyaan inaan gooni isu taagga laga wada hadli Karin, an hubana inaaney marna dhaceyn in dawlad Soomaaliya ka dhalataa aqoonsan doonto Soomaaliland, mabey shireen ee labadooda mawqif waraaqo ama warbaahinta ayuunbey iskugu gudbin lahaayeen. Sababta ay u doorteen in la dhexdhexaadiyo oo ay shiraan oo ay wada hadlaan, waa mid muujineysa ina la rabo in la isu soo dhawaado.

9. Arinku maaha Soomaaliya yaan la is raacin iyo hala israaco. Taasi waa mudnaanta labaad xageyga. Mudnaanteyda koowaad waa in marxalad kasta oo lagu jiro gacanta sare ad lahaataa oo iyada oo laga sii tashadey oo la cilmiyeeyey oo shicibka iyo dawladdu ay midyihiin lagu dhaqaaqo. Waxa an aad uuga xumaadey, muddo dheer oo horena an uuga xumaa, sida dawladaha ka dhasha Soomaaliland iyo hoggaamiyayaashoodu aaney wacyiga shacabkooda kor uugu qaadin oo aaney la socodsiin xaqiiqda ka jirta iyo siyaasadaha ku gedaaman dalkooda. Taasina waxa ay keentey in shicibka Soomaaliland heysto hal sawir iyo hal fikir oo ku saabsan dalkooda iyo mustaqbalkooda. Iyada oo la ogyahay inaanu jirin wax ictiraaf la yidhaa oo meel lagu ogyahay, ayaa hadana aan marna umadda loo bisleyn in aqoonsi la waayi karo iyo haddii la waayo dariiqyada kale ee inoo furan. Dawlad kasta oo Soomaaliland ka jirtaa waxa ay xilka wareejisaa iyada oo faaneysa oo weliba ku faaneysa iney ay ka hawl gashey raadin ictiraafka. Dawladda cusub ee timaadaana waxa ay ballan qaadaa iney dalka aqoonsi u keeni doonto.

0. Horta weli ma la isweydiiyey, haddii aqoonsi la waayo maxaa dhici kara? Siyaasigu isaga oo og inaanu aqoonsi meelna ku ogeyn, ayaa hadana aanu marna isku deyeyn in laga hadlo arintaasi. Su’aalaha noocas ah marka la isweydiiyo ee la rogrogo, waxa dhici karta in la helo xal kale oo dalkani ku gaadho himiladiisa. Balse sida ay iminka u eegtahay, mustaqbalkii oo dhan waxa lagu xidhey in ictiraaf la helo, iyada oo hadana aan la garaneyn inu iman doon iyo in kale. Ugu danbeyntana arinta ictiraafku waxa uu ku qarxayaa dawladda u danbeysa oo aniga malaheyga noqoneysa in dawladda dhalata 2017 iney noqon doonto dawladda la wada saari doono eedda wixii hagrasho iyo hoosaasin ahaa ee ay sameeyeen dawladihii soo jirey tan iyo 1991-kii. Dawladaasi waxa hor iman doonta xaqiiq ah inaan wax aqoonsi la yidhaa oo hawl laga galey ama la soo dhadhaweeyey aanu jirin. Waxa hor iman doonta dawlad goboleeedyada Soomaaliya oo isu soo dhawaadey oo Federaalka la xoojiyey. Dawladda dhalata 2017, waxa hor iman doona, xaqiiq ah inaan aqoonsi meel yaala ama soo dhadhowi jirin, iyo xaqiiq ah inaan ummadda Soomaaliland aaney xisaabtaba uugu jirin inu mastaqbalku noqon karo wax ka duwan madax bannaani buuxda

Taasi waxa ay keeni kartaa tafaraaruq iyo kala jab. Waxa kale oo ay keeni kartaa, inaan xataa haddii Soomaaliya la wada hadlo, inaan loo gorgortami Karin si adag.


1.    Dawladda Soomaaliland ka dhalandoonta 2017, waxa soo waajihi doonta xaqiiq 25 sanadood la iska soo indho tirayey oo la is diidsiinayey iney jirto. Waa xaqiiqda ah inaaney jirin wax ictiraaf la yidhaa oo laga shaqeeyey oo soo dhow. Wey dhici kartaa in la helo, balse waxa Iyana dhici inaan la helin, haddii aaney Soomaaliya, Jabaauuti iyo Itoobiya midkood Soomaaliland aqoonsan. Dawladihii Soomaaliland soo marey oo dhami waxa ay kaga nasiib fiicnaan doonaan dawladda 2017 dhalan doonta, waxa ay dhamaantood fursad u heleen iney faan iska madhan midba midda kale ku wareejiso iyada ku warameysa in caalamkii inoo soo jeestey oo aqoonsigii fiyaaradda taaganyahay. Waa huuhaa aan waxba ka jirin oo dawladba dawladda ka danbeysa si jumlad ah uuga iibiso. Waxa muhiim ah in dawladda dhalan doontaa 2017, xisbiga ay doonto haka timaadee, iney arintaa niyadda ku sii heyso isuna diyaariso.
2.     Dawladda dhalandoonta 2017, waxa hor iman doona, ummad aan waxba loo sheegin oo aan la bisleyn oo aan wacyigooda siyaasadeed iyo ka wadaniyadda la kobcin. Waxa ka hor imandoonaa dawladdaasi, umad aan run badan loo sheegin oo aan lala socodsiin halka kolba xaal marayo, aan lagana qeybgelin talada mustaqbalkooda. Umadda noocas ihi waa mid aan si sahlan wax u rogrogi Karin. Waa ummad xaqiiq badan laga qariyey oo 25 sanadood loo sheegayey waxa ay jecelyihiin oo qudha. Dawladda dhalan doonta 2017 waxa hortaal iney ka diyaar garowdo oo la timaaddo barnaamij cad oo ay ku wadeyso siyaasadeeda arimaha dibedda gar ahaan siyaasadeda ku waajahan Soomaaliya.

Ama ictiraaf hala helo ama yaan la heline, waxa muhiim ah INAAN DAGNAAN MAR LABAAD LAGUGU QABAN!!!!! Iyada oo weli ay haboontahay in ictiraaf dalka loo raadiyo oo si cilmiyeysan loo raadiyo, ayaa hadana lagu talo gelayaa in la waayi karo oo ay khasab noqoto in dhinac kale looga wareego. Ictiraafku maaha hadaf ee waa dariiq ama istiraatejiyad loo maro horumarka iyo jiritaan dalka. Hadaba hadduu hadafku yahay horumar iyo inad ahaato dal jira, waxa jira dariiqooyin kale oo sidaa lagu noqon karo. shantan talo ayaan siin lahaa dawladda dhalan doonta 2017-ka
. Waa in la sameeyaa nidaam dhaqaale oo casri ah oo koritaankiisu xawli ku socdo. Miisaaniyadda iminka Soomaaliland leedahay iyo dhaqaalaheedu maaha wax lala shir tago karo oo la la odhan karo dawlad ayaanu nahay jirta. Xataa haddii la toban laabo miisaaniyaddan an ku faanna maaha wax naf leh. Dhaqaalaha waxa abuura ganacsiga iyo wax soo saarka. Labadaasina sida hadda ay u socdaan waa iska shuqulkii bacadlaha oo kale oo horumar badan keeni maayaan. Addunka ma jiro dal ama dhismay ama horumar dhaqaale gaadhey iyada oo aan la maalgelin. Taasi waxa ay khasab ka dhigeysaa in la doono maalgelin weyn oo shirkado iyo dawlado inagula shuraakoobaan. Waa khasab in bangiyo yimaadaan oo ay maalgeliyaan dhismaha dhaqaalaha. Waxa iyana khasab ah in shirkado shisheeye yimaadaan oo ay maal gashadaan dalka shaqana abuuraan. Waa ineynu ka baxnaa xeydaankan yare e dhaqaale ee an inagu u heysano waxa weyn balse waxa jira aan aheyn. Maamulka dekedaha, maamulka gegooyinka diyaaradaha, nidaamka casriyeynta adeegyada dawladda iyo bulshada, ka faa’iideysiga kheyraadka badda, gaadiidka circa iyo dhulkaba, suuqgeynta xoolaha, waa arimaha u baahan in cid kale inala soo gasho oo wax inala qabsato. Arimahani waa kuwa lala kaashan karo shirkado shisheeye oo inala kiciya dhaqaalaha. Sidan yare e

an wax u wadanaa, yawmal qiyaamaha ayaa inoo dhacaya iyada oo aan meel la gaadhin. Waxa an wax ku wadnaa waa cashuur yar oo kooban iyo dal aan wax soo saar badan lahey, dhalinyaradiisu aaney shaqo heyn, ganacsigiisu yahay weli wax yar oo degta lagy qaado. Si kasta oo olole cashuur ururin ah loo qaado, waxba soo kordhi maayaan.


1.    Wacyiga qofka Soomaaliland degen waa aragti kooban oo aan dhaafsiisneyn in Soomaaliya la kala go’ay oo an nahay dawlad madax bannaan. Mujtamaceenno waxa uu u badanyahay dad qaladu ku badantahay oo iyagu uun isasoo urursada oo aan ku dhiiran iney horumar iyo wax wada qabsi cid kale la sameeyaan. Inaga oo hadda qaladaasi inagu badantahay oo dadka kale oo dhan iska soo ururina ayaa hadana wadaniyaddu inagu yartahay, inta faanka mooyaane. Waa muhiin in la sameeyo abaabul bulsho oo umadda loo abuuro higsi cusub oo yar iyo weyn la wada eegto oo loo shaqeeyo. Waa in hoggaamka dalka iyo shicibku isku xidhmaan oo aan lakala xidhiidh furan sida ay iminka wax yihiin. Waa in wadaniyadda laga soo bilaabaa manhajka iskuulka iyo shaqaalaha dawladda iyo shicibka. Qiiro wadaniyadeed waa in la abuuraa oo ay qeyb ka noqotaa nolosha dadka iyada oo aan colaad iyo naxli loo gelineyn umadaha kale.

1.     Waa muhiim in kor loo qaado tayada tacliinta lagu dhigto dugsiyada iyo jaamacadaha si 10 sanadood ee soo socda ay u soo baxaan dhalinyaro aqoon iyo xirfad leh. Tacliinta jaamacadaha lagu dhiganayaa waa iney noqotaa mid dhalinyarada ku soo ababisa iney shaqo abuuraan, ganacsi abuuraan, fikir soo kordhiyaan oo aaney noqon bug bug sita oo shaqo doon ah. Dhalinyarada waa in lagu dhiirigeliyaa iney casriyeeyaan shaqooyinka iyo ganacsiga iminkba jira ee cawlan oo ay inta ay aqoon adeegsadaan ay ka dhigaan shaqo sharaf leh oo manaafacaad badan.
1.    . Waa muhiim in la xoojiyo tayada ciidanka xoogga dalka iyada oo lagu sar goosanayo iney diufaaci karaan haddii dhinacyada jaarka ihi daandaansi bilaabaan. Casriyeynta wax aka kow ah in ciidan 7% uu noqdo dad da’doodu ka yartahay 30 jir oo ah da’ada uu qofku uugu dhiiranyahay haddii dagaal yimaaddo. Da’dan wey ee ciidanka iminka ku badan ee qootalyawmka uun uugu jira waa in la keena farsamo kale oo lagag wareejinayo ciidanka. Hubka iyo xeeladaha dagaalka laftooda waa in la casriyeeyaa iyada oo lala kaashanayo khubaro ciidanka tababara oo laga soo kireysan karo dawladihii Soofiyatigii burburey sida Serbia, Bosnia, tajikisktan oo ah dalal ay joogaan khubaro milatari oo aqoon badan leh oo raqiis ah.

1.    . Siyaasiga maanta hoggaanka ku jira intooda badan fikirkooda iyo aragtidoodu wey Khaa’istey (Expire). Fikradahooda iyo ficilkooduba waa in yar oo ay kala wada naqisheen oo aan ku fadhiyin aragti dheer eek u fadhida uun in kolba hawsha maalintaa taalla uun lagu mashquulo. Uu ku yaryahay intooda leh heegsi fog oo ay dalka u hoggaamiyaan. Waxa Iyana ku yar dareenka mutadawacnida ee ah iney nafta u huraan oo aan saacado badan geliyaan iney dalka u shaqeeyaan. Dhaqanka siyaasiga jooga oo la mid ah uun kii 25 sanadood ee la soo dhaafey lagu dhaqmayey, waxba kama tari karo himilada iyo higsiga aya damaca jiilka cusub ee soo Kacey ee wax bartey ee doonayaa iney dunida wax la qeybsadaan. Sidaa darted waa muhiim in xilalka siyaasadeed ee mustaqbalka gacanta laga geliyo dhalinyarada. Dhalinyaradu iyaga ayaa mustaqbalka iska leh, taasaana waajib ka dhigeysa iney talada gacanta loo geliyo. Dhalainyaradau waxa kale oo ay ku dhiiran kartaa iney keenaan is bedel oo ay khatar qaataan. Midi mid laga maarmi waayo mooyee, xilalka muhiimka ka waa in loo dhiibaa da’da dhexe iyo dhalinyarada inta u dhexeysa 25 – 45 jir.


Maalinta la soo wada fadhiisto miiska wada hadal, ama Soomaali halala wada hadlayo ama xabashi halala hadlayo amaba Jabuuti halala hadlayee, la odhan maayo kee ayaa la isctiraafsanyahay. Waxa hadalkiisu meel marayaa hadba dhinicii dhaqaale sareeya, ee ummaddiisu ay abaabulantahay, ee dhalinyaradiisu aqoon leedahay, ee leh ciidan xoog badan oo aan daandaansi lagula degdegi Karin. Marka ad intaa leedahay kalsooni ayaan miiska wada hadalka ku fadhiisaneysaa. Haddey intaasi kaa maqantahay ama aqoonsi hayso ama ha haysanoo, daciif cuqdadi ku jirto ayaad oo aan tixgelin badan la siineyn ayaad tahay.
Alla Mahad Leh
Maxamed Cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
qorane.bile@gmail.com












Sunday, 22 May 2016

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da ilaa duhurkana wey shaqeeyaan. Waxaa shaqo socota, marna arrin lacag la yidhaa sheekada muu soo geleyn. Sidaasi oo ay tahay, hadana shaqaalaha dawladda waa la xukumi jirey, oo amar ayaa la isasiin jirey.
Dawlad waxa an maanta u naqaanaa, Xafiis, Mas’uul qurux badan, Daar qurux badan, Gaadhi, Amar la kala qaato, Mushahar la bixiyo, Warqad la Saxeexo, askar madaxda ilaalisa. 1991 ilaa 1994, mey jirin daar dawladi leedahay oo xafiis ku habboon, mushahar muu jirin, darajo ciidan mey jirin, baabuur mas’uul fuulaa muu badneyn. Iyada oo aaney jirin waxa an maanta dawladnimada ku tilmaamsanno oo dhami, ayaa haddana la ahaa dawlad cid walba ka xoog badan oo isku kalsoon. Dawladnimadu gebigeeduba waxa ay aheyd niyadda iyo kalsoonida. Ciidamadii Mareykanka ee ka soo degey Muqdisho 1992-gii, iyo ciidankii kale ee dawladaha kale ka socdey ayaa in badan la isku deyey iney Soomaaliland yimaadeen oo ay xafiis ka furtaan Hargeisa. Dawladdii xiligaa Soomaaliland ka jiretey ayaa diidey arintaasi. Markii loogu hanjabey in ciidankaasi xoog ku iman doono Soomaaliland, waxa uu madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali uugu jawaabey, inaanu xoogga mareykan shaqeyn doonin ee xoog lagala hortagi doono.

Magaalada Hargeisa oo an degeenaa xiligaa dalka la soo galey, aqal beetalmey hagaagsan lihi kumuu oolin. Marka meel la isku yimaado ee la qayilayo, biyo badan lama cabbi jirin, waayo qofku wuxu iska ilaalinaya iney kaadi qabato. Qofka ay kaadi qabato uu iska xajisanaya, marka ay ku adkaatana inta uu jaadkiisa qaato ayuu dadka kale macasalaameynayaa, waayo meesha uugu dhow ee loo kaadi tagaa waa dooxa. Kol hadduu qofku dooxa tagana, soo noqon maayo ee gurigiisii ayuu iskaga sii carraabaya. Dadka ladani wiigii hal mar ayey meydhan jireen, waayo biyo socdaa may jirin oo wax la cabbo ayaaban la heyn.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), AHUN, wax lacag iyo maal kale oo uu wax ku maamulo muu heynin. Waxa uu wadan jirey gaadhi “FORD” ah oo uu ammaaneysiiyey nin la odhan jirey Maxamed Jaamac Bootaan (Indha Case), waayo gaadhigii madaxweynaha, dhaliyaro jabhad aheyd ayaa ka afduubtey oo qaadatey. Gaadhi labaad oo ammaano ah oo uu lahaa Maxamed Baarjeex, waxa madaxweynaha laga qaadey qiyaastii dhammaadkii 1992-gii
oo ciidan jabhadda ahaa ayaa suuqa dhexdiisa kaga qaadey oo ka dejiyey, isna uu iskaga lugeeyey illaa gurigiisii. Xiligaa madaxweynaha gaadhiga laga qaadey waxa ay aheyd fiid, madaxweynuhuna waxa uu yimid xafiiskayaga si uu tilifoon uuga dirto, waayo madaxtooyada dalka laga xukumaa tilifoonba mey laheyn, magaaladana waxa ka jirtey hal shirkad oo tilifoon laga dirto oo daqiiqddii la bixiyo $18. Madaxweynuhu wuxu lahaa hal askari oo ilaalo u ah oo ahaa inan dhalinyaro ah oo cabdirisaaq la odhan jirey oo keli ah. Inta bandanna, waabu iskaga tegi jirey oo keligii ayaa gaadhiga kexeyan jirey.
Madaxtooyada jamhuuriyadda laga xukumana, biyoole dameer wata ayaa u dhaamin jirey. Madaxweynaha waxa cuntada u Karin jirey isla ninkii Janaraal Moorgan wax u Karin jirey oo la odhan jirey Baafo. Marka laga reebo Maaweel Hotel, Madaxtooyada iyo Idaacadda Radiyo Hargeysa ayaa wax jaanareetar leydhka u shida lahaa. Iyaguna saacado go’an ayuunbaa la shidi jirey. Shidaalka lagu shubo janareetarada madaxtooyada iyo janareetarka Raadiyo Hargeysa, waxa laga soo ururin jirey dhalinyaradayada shaqeysa ee magaalada joogta oo bilba qof ayaa laga qaadi jirey foosto shidaal ah.
Guryaha magaalada ka dhisan midhmidh mooyaane wey dunsanaayeen oo bilaa jiingad ayey ahaayeen, reer kastaana gurigoodii ayuu ka ag dhistey BEBE oo ah, aqal qoryo iyo baco iyo kartoono laga sameeyey. Reerka koonteenar hela waxa ay ahaayeen sidii oo ay fooq degenyihiin oo kale. Wasaaradaha dawladda badankooda reero ayaa wada degenaa, iskuuladu la mid oo guryo ayey wada ahaayeen reero degenyihiin. Jaamadda Hargeysa waxa ay aheyd xaafad ay deggenyihiin 90 qoys. Qofka reer magaalka ah ee magaalada yimaadda 1991 waxa uu seexan jirey ama barandhaha madaxtooyada ama meel ka mida deyka madaxtooyada gudihiisa. Dhakhtarka Hargeisa laftiisa, gaar ahaan waadhadhka lacagta reero ayaa degenaa. Kiniisadda gaalada ee Hargeysa ka dhisan lafteeda qoysas ayaa degennaa oo kiniisadda dhex seexan jirey. Waxa dadka u darneyd uun meel la huluusho oo caruurtana dhaxanta lagaga celiyo. Hoggaamiyayaasha maanta dalka hawlwadeenada ka ah, qaar badan oo an aqaanaa waxa ay ku jireen guryahaa Bebega ah iyo guryo dusha laga saarey bacdii buluugga aheyd ee qaxootiga. Dhalinyarada maanta joogta ee jaamiciyiinta ahna, in badan waxa ay ku dhashey koonteynaro iyo Bebeyo iyo guryo daaqadaha kartoon lagu awdey.
Wasiiradii joogey dalka gaar ahaan kuwa aan Hargeisa guryaha ku laheyn, badankoodu waxa ay degenaayeen Maaweel hotel oo an aniguna degenaa. Waxa jirtey mar ay hotelka ila degenaayeen 11 wasiir. Waa makhsino yaryar oo aan laba mitir ka weyneyn. Wasiirada ila degenaan jirey waxan ka xusuusta Ina Xaabsade, Deeqa Colujoog, Ibraahin Ciid, Saleeban Gaal, Abdillahi Mohamed Ducale, Cabdi Dhiboo (taliyaha Bileyska) Fagadhe. Intii dhimatey Alla Ha u naxariistee.
anad guurdadii koowaad ee dabbaaldegga 18 May 1992, waxa an ku dabbaaldegney magaalada Hargeisa gaar ahaan, xafiiska loo yaqaanno gobolka. Barandaha xafiiska ayuu isasoo taagey madaxweynaha iyo dhowr wasiir iyo odayaal la socdey oo ay dadka kala hadleen. Habeenimadii dad aan iyana sidaa u badneyn, ayaa xaflad kaga qeyb galay madaxtooyada. Dhowr qof mooyee, kuraasi lagu fadhiistaa meesha mey oolin. Wax sharaab ahna lama cabbayo, cuntana hadalkeed daa.
Nin wasiir ahaa oo an saaxiib aheyn oo la odhan jirey Adan Saxar (AHUN) ayaan ku idhi, waadigan oo nin daacad ahna waad tahay, sideed noloshaada u kafeysaa ileyn lacag ma qaadatide. Xiligaasi weliba waa markii Madaxweyne Cigaal (AHUN) xilka qabtey. Waxa uu igu yidhi habeenkii marka dadku hurdo ayaan masruufkeyga soo saara. Wasiirku waxa uu sameyn jirey Nambarada baabbuurta oo halhal ayuu gacanta uugu qori jirey. Mey jirin mishiinadan iminka Nambarka baaburta sameeyaa. Wasiirku inta uu soo googoosto jiingad ayuu gaadhi kasta nambarkiisa gacanta uugu qori jirey oo uu ka soo saari jirey biilkiisa. Habeenkiina waa ranjiile, aroortiina waa wasiir. Dadku xalaal quutayaal ayey ahaayeen. Qofka xoolo dawladeed iyo xoolo shakhsi kale leeyahay muu hungureyn jirin. Deydeyga la odhan jirey dadka ayey dhacaayaana, waxa uugu badan ee ay raadin jireen wuxu ahaa “maalin dagaal” oo ah wax uu maalintaa uun cuno. Qofkaa raadinayey waxa uu maalintaa cuno, ayaa weliba loo heystey tuug iimaan la’ oo wax dhaca.
Midhmidh mooyee, iskuuladu wey wada dunsanayeen, caruurtana waxa wax lagu bari jirey geed hoostii iyo gidaarada iskuuladaa dunsan, iyada oo caruurto ku fadhiisata daasadaha caana NIDO ama sanduuqa rasaasta lagu keeno oo laga soo urursan jirey xeryaha ciidanka. Ardeyga daasadda caana NIDO ah oo madhan helaa, waxba kamey maqneyn. Ardeyda iyo macalinkuba waxa ay la wareegi jireen cadceedda. Marka ay cadceedu cabbaar socotaba ardeydu wey la durkayaan daasadaha ay ku fadhiyaan oo waxa ay ku dhawaanayaan hadba dhinaca uu hadhku u wareego. Ardeydii ad laba sacadood horteed ka tagtey iyaga oo fadhiya oo koonfur eegaya ayuunbaad barqadii ama duhurkii u imaneysaa iyaga oo dhinac kale u jeedda. Sabuuradana xadhig ayaa ku xidhan oo geedba ayey ka laalaadaa oo kolba dhinaca ay ardeydu u wareegto ayuu macalinku u wareejiyaa. Iskuulada dulsanna, gelinka horena dhinaca galbeedka xiga ee hadhku jiro ayaa gidaarka laga maraa, kuwa gelinka danbe dhigtaana, dhinaca kale ee hadhku jiro ayey fadhiistaan. Noloshaa cadceedda lala wareegayo ayaa dadku wax ku soo bartey. Marka la rawaxo, ardeygu daasaddaa uu ku fadhiyo ayuunbuu buugaagtiisa ku dhex ridan jirey, xadhig yar oo sidde ahna oo hooyadii uugu sameyseyna garanbka ayuu sudhan jirey. Halka iminka aroortii caruurta laga leeyahay shandadaad qaado oo iskuulka tag, xiligaa marka 3 midh oo laxooxa inanka ama inanta la siiyo, daasadaada qaado ayaa la odhan jirey. Daasadaasi waxa ay aheyd hubka uugu weyn ee lagu soo dagaal galey. Macalinkuna sabuuradda gidaarka sudhan ayuu qataa oo uu gurigiisa la tagaa.
 hadduu iskuulku dhamaado, cidna dhulka wax kama yaalaan. Ama roob ha da’o, ama riyo ha soo galaan, iskuulkiiba waa meel cidlo ah. Taasi waxa ay ku tuseysaa, in tacliintu aaney aheyn daarta iskuulka oo la dhiso oo la qurxiyo iyo kuraasi qurux badan oo lagu fadhiisto iyo basas caruurta lagu qaado toona. Wax kastaa waa niyadda. Haddii la helo macalin niyad wanaagsan u haya shaqada, wax kale oo dhan waa laga maarmi karaa. Caruurtii wax ku soo baratey cadceedaa lala wareegayo, qaar ayaa maanta wasiiro ah. Qaar ayaa Borofisooro ah oo jaamacado wax ka dhiga, qaar ayaa Dhakhtaro ah, qaar ayaa macalimiin ah, qaar ayaa hoggaamiyayaasha ciidanka ah. Ragga iyo dumarkaasi maanta kartidooda iyo wax qabadkooda toona kama muuqato iney daasado wax ku soo barteen iyo iney cadceedda la wareegi jireen toona.
Waxa laga yaabaa qofka aan xiligaa dalka joogin ee akhriya maqaalkeygan iyo waxan an soo taxay, inu isyidhaa meeshu meel lagu ba’ay ayey aheyd. Balse xaqiiqdu waxa ay aheyd, dadkii xiligaa joogey iney aad u niyad fiicnaayeen, si fiicanna ay u garanayeen waxa ay u soo dagaalameen iyo waxa ay doonayaanba. Muu jirin qof sawirka mustaqbalku ka maqanyahay. Dadka xiligaa joogey higsigoodu wuxu ahaa marxaladda maanta la marayo oo ah iney dalkooda dhistaan, iyagu is xukumaan, xorna ahaadaan. Inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin cusub oo aan lagaba sii fikirin oo iminka uun lagu baraarugey, hadana waxa an rumeysanahay in himiladii ay umaddu laheyd 25 sanadood horteed lahaayeen ay rumowdey. Hablaha iyo inamada maanta dabbaaldegayaa, waxa wejigooda ka muuqata nafaqo fiican iyo iney caafimaad iyo raaxo lagu soo koriyey. Halka ad iminka ka arkeyso indho cadcad, dhabano qurux badan, dhar nadiif ah, iyo jidh buuxa, 25 sanadood horteed marka dadku meel isku yimaaddo waxa kuu muuqanayey waji urursan, indho cascas iyo ilko cadcad oo qofka ka soo horeeya. Ibedelkaasi waxa keeney koritaanka aqoonta, iyo dhaqaalaha iyo nolosha oo kor u kacdey. Caruurtii 25 sanadood gacanta la hayey ee laga ilaalinayey iney ku qaraxdo 2-da malyuun oo miinada ah ee dalka ku aasnaa, waa kuwa maanta ka dabbaaldegeya boqolaalka magaalo ee adduunka hareerihiisa. Waa dhalinyaradii wax ku soo baratey geedaha hoostooda iyo iskuulada dunsan. Qaarkood cloosha hooyadood ayey ku jireen markii dalka lagu soo noqdey oo guryahaa BEBEYADA ah iyo koonteenarada ayey ku dhex dhasheen. Dadka dabbaaldegaya markaan eegey nafaqada ka muuqata iyo dharka ay xidhanyihiin iyo tilifoonada iyo kamaradaha ay isticmaalayaan, iyo baabuurta ay wataan iyo internetka ay adeegsanayaan, ee an barbar dhigo 25 sanadood horteed halkii anu ku dabbaaldegney 18 May, maskaxdu isma barbardhigi karto, waayo waa laba wax oo aan isu dhaweyn.
Riyadaa rumowdey kumeyn iman dhibaato la’aan. Heer kasta oo la soo marey iyo wakhti kasta oo la joogey waxa jirey dhibaatooyin badan. Dhibaatooyinkaana waxa laga soo gudbey dhabar adeyg iyo hoggaamiyayaal bulsho oo talada qabtey. Sideedaba dadka in yar ayaa guusha aragta marka guusha la sameynayo. Dadka intiisa badani waxa ay gartaan uun marka 
ay dhaafto ee uu wakhti ka soo wareego. Alla Ha U Naxariistee madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigaal waa shakhsiga loogu hadalheynta badanyahay marka laga hadlayo dhisidda nidaamka dawladda. Sidaasooy tahay, madaxweyne Cigaal waxa uu ahaa shakhsiga loogu mucaridad badnaa ee dhankasta dhibaato looga geystey markii uu xilka hayey. Geyd adeygnimo iyo dawladnimada oo uu u lahaa aqoon wanaagsan mooyee, qof kale uu ku waalan lahaa. Mudadii uu dalka hoggaaminayey, waa xiligii la dhisayey heykalka hey’adaha dawladda sida wasaaradaha, waa xiligii la sameeyey in shaqaaluhu mushahar qaato, waa xiligii la daabacey lacagta Soomaaliland, waa xiligii, jabhadda la qarameeyey ee laga dhigey Ciidanka Qaranka, waa xiligii Calanka maanta taagan la sameeyey, waa xilligii la sameeyey baasaboorka Soomaaliland. Waa xiligii wasiiradu u eekaadeed madax dawladeed. Mudadii uu waxaasi oo dhan qabanayey, maalin iyo habeen waa la caayayey, waa lala dagaalamayey, joornaalada dalka ka soo baxayaa aroor kasta waxbey ka sheegayeen. Maantana, umadda inteeda badani waxa ay rumeysantahay inu ahaa halyey, hoggaamiye iyo indheer garad dadka ka horeeya. Khudbadihiisa ayaa marka ad maanta dhageysato ad ka arkeysaa inu dadka meesha joogeyba ka horeeyey. Hoggaamiyayaasha dawladda iyo kuwa xisbiyada iyo kuwa bulshadana sidaa ayuunbaa maanta loo caayayaa. Qof wax wanaagsan laga sheegayaa kuma jiro. Rag badan iyo dumar badan oo maanta hoggaamiyayaal ah ama bulshada magac ku leh oo intaa la dhaliilayo ama la caayayo, waa kuwa taariikhdu marka ay dhintaan ku tilmaami doonto iney ahaayeen dad wanaagsan.
Guulahaa badan ee 25 sanadood ee la soo dhaafey la gaadhey, waxa ay soo faruureen dhibaatooyin hor leh oo waajib ay tahay in la furdaamiyo. 25 sanadood ee la soo dhaafey ummadda iyo hoggaamiyayaasheedu wey garanayeen waxa ay doonayaan. Waxa lagu hawlanaa in dalka dib loo dhiso, in si jiilka soo korayaa u helaan mustaqbal wanaagsan tacliin la baro, in la abuuro Ciidan Qaran oo dalka difaaca iyo Bileys nabadgelyada ilaaliya. Intaa iyo in badan oo kaleba waa la sameeyey. Arinta uugu weyn ee u baahan in laga fikiraa waa iyada oo la sameeyo aragti umadeed oo la higsado 10 sanadood iyo 25 sanadood ee soo socda. Arigtida noocaas ihi iminka wey maqantahay oo ma jiro HIGSI QARAN oo la isla ogyahay. Dadka maanta nool 60% waxa ay dhashen 1991 iyo wixii ka danbeeyey, waa dad ka warhaya halka caalamku marayo. Waxa loo baahanyahay in siyaasiyiinta hoggaanka lexejecladu ka heysaa ay la yimaadaan fikir cusub oo ay Soomaaliland kaga dhigayaan dawlad caalamka la tartanta. Aragtidii hore ee umadda lagu soo dhaqayey oo ay ka mid ahaayeen: (1) Annagu Dawlad madax banana ayaanu nahay oo Soomaaliya kama mid nihin; (2) Nabadda hala ilaaliyo oo hala wada noolaado; (3) Magaalooyinkeena dumay halla dhisto; (4) Caruurta haloo furo iskuulo, kuwa waaweyna jaamacado ha galaan; (5) Maamul iyo kala danbeyn iyo dawladnimo hala sameeyo; (6) Dalka hala difaaco oo ciidan adag hala dhiso. Qodobadan iyo kuwa kale ee la midka ahba waa kuwa dalka iyo umaddu 25 sanadood horumarka ku soo gaadhey. Guulahaasi laftooda ayaa dhaliyey dhibaatooyin cusub oo aan laga sii tashan.
 Guusha 10 kii sanadood ee la soo dhaafey laga gaadhey waxbarashada, ayaa waxa ay dhalisey iney soo baxaan kumanaan dhalinyaro waxbaratey ah oo aqoon wanaagsan leh, balse dhan ay u dhaqaaqaan aan garaneyn ama aaney jirinba. Waa dhibatada ay guushaa hore keentey. Waxa loo baahanyahay in lala yimaaddo aragto siyaasadeed iyo dhaqaale oo mideysan oo shicib iyo dawladba la higsado. Waa muhiim in lala xisaabtamo siyaasiyiinta gaar ahaan Xisbiyada Qaranka iyo musharaxiintoodaba oo si adag loo weydiiyo, aragtidooda Soomaaliland 10 sanadood dabadeed, iyo 20 sanadood dabadeed. Dhalinyarada maanta joogtaa nabadda hala ilaaiyo iyo guurtida oo laga sheekeeyaa wax macne ah oo ay u sameyneysaa ma jirto. Nabadgelyada waxa dhaliya dhaqaale xumada, shaqo la’aanta, iyo rajo la’aanta. Waa iney timaadaa aragti cusub oo rajo gelisa ummadda. Arimihii 10 sanadood iyo 20 sanadood horteed lagu soo caano maaley, sida nabadda iyo guurtida iyo Xamar ma dooneyno, iminka waa “Expire” oo ma shaqeynayaan.
Abuuridda himilooyinka cusub waxa keenti karta dhisidda dawlad adag oo nidaam iyo kala danbeyn leh oo nidaam dhaqan-dhaqaale leh abuurta. Dawlad kasta oo cusub oo timaadda kal danbe haddii Alla yidhaa waxa ay u baahantahay in niyadda ku heyso saddex qodob oo kala ah, (1) in guulaha ilaa hadda la gaadhey aan la yareysan ama la caayin ama la xaqirin ee la garowsado in dalakani ku taaganyahay maalgelin, iyo maskaxgelin, iyo muruqgelin lagu sameeyey 25 sanadood ee la soo dhaafey. Dhaqanka ah in dawladdii timaadaaba ay quudhsato wixii kuwii ka horeeyey sameeyey ama ay garan marto waxa ay ina dhaxasheeneysaa khasaare bada. (2) Dawlad kasta oo cusub oo timaadaa waa iney aasaas ka dhigataa guulahaa hore ee la gaadhey oo aaney tuurin. (2) waxa muhiim ah in dawladda cusub ee timaadaa ay cashar ka barataa qaladaad maamul iyo hoggaamin ee jira amah ore u jirey oo ay isku deydaa iney si cilmiyeysan u saxdo. (3) 1983 illaa 1991 hadafka ummaddu uu cadda, waxaanu ahaa in dalka laga sifeeto nidaamkii dawlldii markaa jirtey. Wuxuu ahaa mabda’ ka dagaalka ku jira iyo ka dalka gudihiisa jooga iyo ka qorbaha joogaa ay ka sinaayeen oo ay si fiican u wada fahamsanaayeen. 1991 illaa 2016, hadafku umaddu uu caddaa oo wuxu ahaa in dalka la dhisto, caruurta mustaqbal loo abuuro, dawlad madax bannaan la sameysto, nabad iyo xornimo lagu wada noolaado. Taasina waa la gaadhey. Waxa maanta maqan waxa hadafkeenu yahay 10 sanadood ee soosocda. Suuro gal maaha ineynu u socono sidii geed daad soo qaadey oo biyaha iska dul sabbeynaya. Balse waxa muhiim ah in maskax la isu geeyo oo la keeno aragti cusub oo umadda yar iyo weyn la higsado.
Alla Mahad leh

Maxamed cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
qorane.bile@gmail.com

Saturday, 19 March 2016

WARBAAHINTA CAALAMKA OO SAADAALISAY IN SOMALILAND 2017 MUJ.MUUSE BIIXI CABDI MADAXWAYNE KA NOQONAYO

WARBAAHINTA CAALAMKA OO SAADAALISAY IN SOMALILAND 2017 MUJ.MUUSE BIIXI CABDI MADAXWAYNE KA NOQONAYO
 Haji cami
Wargeyska caanka ah Africaintelligence ee ka faalooda arrimaha siyaasada Afrikada Bari ayaa, cadadkiisi maanta(18/03/2016) maqaal dheer kaga faaloodey saadaalinta Beesha Caalamka ee natiijada Doorashada Madaxweynaha Somaliland ee la filayo in ay dhacdo horaanta sannadka fooda inagu soo hayaa 2017.  Wargeyskan ayaa, faaladiisa ku sheegey in bilihii u dambey Murashax Muuse Biixi Cabdi toos ula wareegey hogaaminta Siyaasada Arrimaha Debbada Somaliland, waxaanu dhawaan socdaal xog wareysi ah ugu direy wadamada Deriska wafdi La Taliyaashiisa Arrimaha Debbada ah oo u hogaaminaayo La Taliyihiisa Gaarka ah, Dr. Maxammed Cabdilaahi Cumar, Wasiirkii Hore Arrimaha Debbada Somaliland. Wargeyska ayaa, sheegey in horaantii bishan uu wafdigaas la kulmey Xildhibaanada Congreska Mareykanka, Dana Rohrabacher iyo Chris Smith oo xubno ka ah Guddida Arrimaha Debbada Golaha Congreska Mareykanka «  Foreign Affaires Comity ». Wafdigan Somaliland ee Murashax Muuse Biixi Cabdi direy ayaa sidoo kale la kulmey Saraakiil Sar-Sare oo ka tirsan Xafiiska Arrimaha Debbada ee Midawga Yurub. Wafdigan Somaliland ayaa Xildhibaanada Congreska Maraykanka iyo Saraakiisha Reer Yurub uga xog waramey Siyaasada Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxoodu ku hogaamin doonaan Somaliland 5-ta sanno ee soo socota haddii ay Doraashada ku guuleystaan.
Dhanka kale, wargeyska ayaa, sheegey in Dawlada Federaalka Soomaaliya aad uga war-warsan tahey saadaasha Beesha Calaamka ee Doorashada Somaliland tiiyo wadahadaladii Somaliland-Soomaaliya haatan hakad ka yimi dhanka Somaliland soo galey. Walaaca Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya ayuu wargeysku ku tilmaamey mid la xidhiidha shaqsiyaadka Murashax Muuse Biixi Cabdi oo Dawlada Soomaaliya ogtahey halka uu ka taagan hayey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland. Dawlada Soomaaliya ayaa aaminsan in wadahadaladu adkaan doonaan haddii kursiga Somaliland looga arimiyo uu ku fadhiisto Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Si kasta ha ahaante Haddii saadaasha Beesha Caalamku rumowdey ayaa noqon doonta Guul weyn oo u soo hoyatey Somaliland iyo Shacabkeeda, waxaana arrintaas daliil u ah walaaca durba ka soo yeedhaaya Madaxda Dawlada taagta daran ee Soomaaliya.

Blogger: Haji Cami
Hargeisa Somaliland

Sunday, 17 January 2016

BEESHAYADA OO DHAMI HADDII AY U FOOTAYSO CIRRO, XISAABTA ILMAADEERNIMADU MA SOO SAARI KARTO EE WAXA UU U BAAHAN YAHAY CODKA BEELLAHA KALE EE JSL”

BEESHAYADA OO DHAMI HADDII AY U FOOTAYSO CIRRO, XISAABTA ILMAADEERNIMADU MA SOO SAARI KARTO EE WAXA UU U BAAHAN YAHAY CODKA BEELLAHA KALE EE JSL”

KULMIYE Dhexdiisa Mar Baa Jirtay La Igu Odhan Jiray Beeshaadu Waa Wada UDUB, Haddana Waa La Ogaa Codkii Aanu Helnay”
“Wasiirka Qudha Ee Sheegan Kara Ayaan Ahay Ceerigaabo, Sool, Burco, Oodweyne Iyo Hargeysa Oo Aan Yaraantaydii Ku Koray”
“Kaadirka Xisbiga Ah Si Sharaf Leh Ayaanu U Soo Dhawaynaynaa Laakiin Waxaan reer KULMIYE Leeyahay Berbera Miyuu Baraf Ka Di’i?….Wax Is Bahaysi La Yidhaahdaana Ma Jiro’e Waxaa Jira….”
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa ka warramay amuuro kala duwan oo ra’yul-caamka bulshadu wax iska weydiinayo oo ku saabsan aragtiyaha siyaasadeed ee ay kala aaminsan yihiin hogaanka xisbiga KULMIYE iyo garabka ka fallaagoobay xisbigu ee dibadmeerka ah, kuwaasi oo ku andacoonaya in aanay aaminsanayn natiijadii ka soo baxday shirkii golaha dhexe ee xisbigu ku qabsaday Hargeysa horaantii November ee kal hore,iyaga oo garabkani ku doodaya in dib loogu noqdo midhihii shirkaas, doodaas oo wasiirku ku tilmaamay kuwo aan haba yaraatee qiil loo helayn, isaga oo calaacal timo ka soo baxaan ku sifeeyey. Sidoo kale waxaa uu wasiir Caddaani ka hadlay su’aallo la iska weydiiyo kalsoonida uu shakhsi ahaaan ku qabo taageero uu xisbigiisu ka helo beesha uu ka soo jeedo, maadaama oo cod iyo cududba ay beeshaasi u janjeedho dhinaca xisbil-mucaaridka uu hoggaamiyo guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha WADDANI. Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badanba waxaa uu Wasiirka duulista hawaddu kaga jawaabay Waraysi isku dhafan oo uu siiyey barnaamijka toddobaadlaha ah ee Milicsiga Siyaasiga ee Weriye Feysal Maxamed Cabdi (Fadh-fhadle) ka baahiyo telefishanka Universal.
Waraysigaas ayaa wargeyska HUBAAL kasoo xigtay waslado kamid ah su’aalo iyo jawaabo is-dhamaystiraya kuwaas oo u badnaa kuwo ka turjumaya wacyigan siyaasadeed ee lagu jiro iyo kuwo la filayo in timaadada ay yimaadaan, waxaa kamid ahayd su’aal u dhignayd sidan: “Berigii dhawayd ee shirweynihii aaad baad uga dhex muuqatay gaar ahaan garabka Muuse Biixia, markaa qolooyinka isbahaysigu waxaa ay sheegayaan in aanay xisbigii ka go’in ee ay weli KULMIYE yihiin, laakiin ay doonayaan in doorashadii musharraxiinta xisbiga [ee lagu doortay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE] dib loogu celiyo, aragtidaas sidee ayaad adigu [Wasiir Caddaani ahaan] u arki lahayd?”. Ayuu Weriye Feysal Fadh-fadhle weydiiyey wasiirka duulista hawada, waxaana isaga oo Mr. Caddaan aad u qoslaya ku jwaabay, tiraab sarbeeban oo nuxurkeedu yahay inaanay marnaba suurto gelayn dib u doorashada musharraxiinta ee ay xubnahani ku andacoonayaan, waxaana uu yidhi “ Berbera miyuu Baraf ka di’i?. Cimillada adduunku waxaa ay inna tusaysaa in aanu baraf ka da’ayn Berbera oo ay tahay meel xeeb ah oo weligeed ay kulaylkaas ahaanayso oo hawadeedu aanay is bedelayn marka laga reebo intaas yar ee aynu ku qabawno ee aynu nidhaahno hawadii baa soo dhacday” sidaa ayuu yidhi wasiir Caddaani waxaana isaga oo sii tafsiiraya duurxulkiisa uu yidhi, “runtii waa wax lala yaabo [doodda Isbahaysigu]. Walaallahayga aanu isku xisbiga ahayn, ragna aanu isku wasiirrada ahayn, qaarna ay xildhibaannadii xisbiga ahaayeen, iyo kuwo kaadirkii xisbiga ahaaba. Waxaan leeyahay annagu ninkii xisbiga soo galaya loo diidi maayo waa xisbigiisii, si sharaf iyo qadarin lehna waanu u soo dhawaynaynaa, laakiin mid baan kaa ballanqaadayaa, [kaasi oo ah] inaanu shir dembe dhacayn, aduunyadana kama dhacdo, Jamhuuriyadda Somaliland-na ka dhici mayso, xisbigii KULMIYe Shirkiisii wuu qabsaday , shirguddoonkii iyo musharraxiintii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka baa lagu doortay . markaa waqtigeeda mooyee ragga doonaya in mar kale la qabto waa wax aan suurto galayn. Waxaanan leeyahay dadweynaha reer KULMIYe ee JSL ku nool wax is bahaysi la yidhaahdaa ma jiree KULMIYE waa Mid qudha, laba garabna ma jiraane waa garab qudha, garabkaasina waa ka halkaas isku doortay ee musharraxnimada u diyaar ah, waana kaas maanta horumarka Somaliland iyo guushaba gaadhsiiyey”.
Mar La weydiiyey Wasiir Su’aal kaftan u dhigan oo nuxurkeedu daarnaa kalsoonida uu wasiir ahaan ka haysto beesha uu kasoo jeedo maadaama oo musharraxa xisbiga WADDANI ahna ra’iisal baarlamaanka dalk a ay isku beel yihiin, halkaasna loollan adagi ka soo waajihi karo dhinaca ololaha iyo codadkaba, markaas maadaama oo aad adiguna ka tirsan tahay KULMIYE, maxaad ka odhanaysaa aragtida odhanaysa in taageeradii aad beesha ka heli lahayd ay yartay. Su’aashaas waxaa uu Wasiirka duulistu kaga jawaabay; “anigu maanta maalin aan ka taageero badannahay ma jirto, hadalkaas oo kalena wuu i soo maray oo mar baa jirtay xisbiga KULMIYE dhexdiisa la igu odhan jiray, beeshaadu UDUB bey wada tahay, hadanna cod badan baanu ka helnay berigaas, maantana in codkii berigaas aan beeshayda ka badsado mooyee ka yaraan meyno. Markaa waxaan leeyahay guddomiyaha Baarlamaanka oo aan Ixtiraam u hayo miidaanku wuu innoo furan yahay labadeennaba, xisaabta ilmaadeernimaduna waxaa ay tahay haddii beeshayada oo dhami aanu Cirro u footayno, dee ma soo saari karno oo Beellihii kale ee Somaliland oo dhan ayuu u baahan yahay, markaa dee horta beeshayada yaanu kula habsaamin ee ha ogaado in codku yaallo beellaha kale”. “ Mida kale anigu waxaan ahay Nin ballaadhan wasiirka qudha ee sheegan kara ayaan ahay Ceerigaabo, Burco, Sool, Daad-madheedh illaa Hargeysa oo aan yaraanteydii ku koray, markaa anigu ma ahi qof isku koobaya qoys qoys yar oo loo fadhiyee waan ka ballaadhannahay, Marka laga yimaado taasi, haddii aan kuu soo qaado Ceerigaabo kalsoonida aan kahaysto, maxaad u malayn iyadii oo maanta Loo Sameeyey Wadadii, Dekeddii Meydh uu Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay, Dugsigii caanka ahaa ee Dayaxa laftiisana la dhisay, dhakhtarkii Ceerigaabana saddex milyan oo Dollar lagu sameeyey, riigagiina meelo badan laga furay, dee Ceerigaabo way garanayaan Foodku meesha uu yaallo iyo xisbiga horumarkaas keenay, reer Togdheer, reer Sool iyo reer oodweyneba way garanayaan halka horumarku yaallo, markaa anigu waxaan maanta qabaa oo aan ku niyad samay oo aan haba yaraatee shaki igaga jirin in anigoo ku faanaya xisbiga KULMIYE gobol-alla-gobolka aan Somaliland tago aan foodka ka helayo. Inaadeerkay Cirrana waxaa uu leeyahay record [sooyaal], kaasi ayaana lagula xisaabtamayaa baarlamaanka intii uu joogay wixii uu qabtay.





XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”


-Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta.
Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay.
guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer.

waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey.
” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii aad i siiseen doorashadii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, oo ay xubnihii idiinku jiray codkooda i siiyeen, dhamaan reer togdheer waan idiinka mahad naqayaa”- ” golihii dhexe codkii way i siiyeen markaa waxay ka dhigantahay way ii codeeyeen reer togdheer oo dhami” ayuu sheegay Muuse.
Muuse Biixi Cabdi ayaa intaasi raaciyey “Dhalinyarooy soddon sannadood ka hor ayaa anigoo idinka idin leeg aan is barbar taagay Madaxweyne Siilaanyo markii uu ka soo horjeestay Siyaad barre, sidii ayaan u barbar taagnaa, maantana waakaas iskay barbar taagay ee Murrashaxa Madaxweyne ii doortay ee gacanta ii taagay. siyaasaddu markay mabda’ leedahay waa sidaas”.
isagoo sharraxaad ka bixinayey sooyaalkii Dhalinyarada reer Burco  iyo kaalintii ay xisbiga ku lahaayeen wuxuu yidhi ” Cali Mareexaan isagoo idinka idin leeg ayuu Xisbiga Kulmiye burco kaga biiray, wuxuu noqday Guddoomiye Gobol, maantana waa wasiir, waxa u hadhay waa madaxweyne, haddii uu tahriibi lahaa sidii qayrkii muu soo gaadheen halka. wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii aanu lahayn UDUB way tegaysaaye ha tahriibin walal, Xinif kuwaasuu ka mid ahaa Xirsi-gaa Maanta Siyaasiga weyn noqday dhalinyaradii markaa joogtaybuu ka mid ahaa, markaa haddaad xisbigaaga aaminto sidaasaa madax loogu noqdaa, oo magac iyo maamuus loogu helaa” ayuu Muuse Biixi yidhi.
Socdaalka Muuse Biixi Cabdi ku tegay Gobolka Togdheer, ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ugu baxo Gobollada dalka tan iyo markii loo doortay Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, waxaana ku wehelinaya ku-xigeenka iyo xubno kamida Gollaha Wasiirrada iyo Goleyaasha kale ee dawladda.






Dagaalka Bariga Dhexe iyo Saamaynta Dhaqaale ee Geeska Afrika

  Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida marka laga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha. Xiisadaha iyo dagaal...