Skip to main content

Baarqabkii Kulmiye Oo Madaarka Ku Kala Xajiimooday



Baarqabkii Kulmiye Oo Madaarka Ku Kala Xajiimooday.


Madaxweyne Siilaanyo oo ay soo dhaweyeen garabyada xisbiga Kulmiye u kala jabay ayaa salaanta madaxweynaha saf dheer u galay, taasina waxay muujinaysay sida xurgufutu uga dhaxayso masuuliyiinta Kulmiye.
Mudane, Siilaanyo ayaa sheegay in wadanku dimquraadi yahay, isla markaana qof kastaaba xaq u leeyahay inuu muujiyo hankiisa, taas oo fariin u noqotay labada garab ee xisbiga Kulmiye.
Safka dheer ee ka dambeeya rooga cac ee maaxweynuhu maro marka uu salaanta qaadaanyo waxaa soo buux dhaafiyey masuuliyiin kala duwan oo xukuumada madaxweyne Siilaanyo xilal kala duwan ka haya, kuwaas tan iyo markii Siilaanyo dalka ka dhoofay u kala fadhiyey laba garab, isla markaana aan is arki Karin ayaa saaka ku kulmay rooga cas ee lagu sharfo madaxweyne
Madaxweyne xigeenka Somaliland, gudoomiyaha Kulmiye, gudoomiye xigeenka kowaad ee golaha wakiilada, gudoomiye xigeenka saddexaad ee Kulmiye, wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan garabyada kala duwan ee labada dhinac ayaa midba midka kale jidhka iska galinaayey.
Saaka waxaad moday in loo kala baratamaayo gacan qaadka madaxweyne, taas oo dhuula tus u ah taageerayasha labada garab ee Kulmiye, waxaana ka dhex muuqday masuuliyiinta Kulmiye dhexdiisa iska caabin iyo dareeno kala fog oo ay kala qaateen iyaga dhexdoodu.
Way kala fogaadeen, laakin markii dambe waxaa isku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka oo safka baal ka soo galay, kaas oo ay aad isugu dhawaayeen Muuse Biixi Cabdi, laakin kamay fogayn saaxiibadiisa kale, waxaana isku dhinac maray Cabdiraxmaan Talyanle, Maxamed Biixi Yoonis iyo xulafadooda.
Salaan aanay ka muuqaan gacaltooyo ayey dirqi iskula haleen, wayse kala boodeen sida birlabtu u kala boodo marka laba dhinac oo aan is lahayn laysku liso.

www.hajicami.blogspot.com
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland



Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii