Xildhibaan Kijaandhe Oo
Booqasho Kaar-jebin Ah Ku Tegey Xarunta KULMIYE Iyo Hadallo Canaan Ka Yaab Ah
Oo Uu Ku Muujiyey Kenni-adaygiisa
Kormeerkii Diiwaangelinta, Kulankii
Hoggaanka Xisbiga Iyo Dareenkii Kijaandhe

“Waxaan ku lahaa shaqo khalad ah ayaad haysaan oo idinkoo
Muuse Biixi u ololaynaya ayaad haddana dhexdhexaad iska dhigaysaan oo leedihiin
xisbiga ayaanu u shaqaynaynaa, markaasi intaas ayaan uga tagay,” ayuu yidhi
musharax Kijaandhe. Xildhibaan Kijaandhe ayaa la waydiiyay inuu soo dabcay oo
uu garabka Muuse u xaglinayo waxaanu ku jawaabay “ Maya maya maya, anigu Kaadh
ma qaadan, mabda’ayguna waa halkiisii,” waxaanu intaasi raaciyay inay taladiisa
kaga jawaabeen inay wada hadli doonaan “ waxay yidhaahdeen waynu wada
hadlaynaa.” Isagoo ka sii hadlaya dooda uu la hortagay garabka Muuse taabacsan
waxa uu yidhi “Waxaan ku idhi dhexdhexaad ma tihidin, xisbiga ha inaga
xumaynina, ha kala jabinina, ha kala qaybinina ee faraha ka qaada. Waxay
yidhaahdeen “intaas uun baanu haynaa hawl oo kaadhadhka uun baanu
bixinaynaa,” dabeed waxaan idhi sidee dhexdhexaad u tihiin idinkoo Muuse Biixi
U Ololaynaya oo xaflad kasta oo uu leeyahay tagaya, taydiina aan iman, tii Maxamed
Biixi Yoonis-na iman, oo xafladda Cabdicasiis Samaale iman sidee baad hawl
dhexdhexaada u haysaan ayaan ku idhi,” ayuu yidhi Mr Kijaandhe. Garabka
Musharaxiinta isbahaystay ayaa u muuqda in lagaga xoog batay xarunta xisbiga
maadaama hogaanka xisbiga afar ka mid ahi yihiin garabka Kulmiye, kuwaasi oo
kala ah Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Madaxweyne xigeenka, Xoghayaha guud iyo
xubinta xilku ka dhammaaday ee golaha dhexe
hogaaminaya.
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland
No comments:
Post a Comment