Monday, 19 October 2015

Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In La Wareejiyay Haamihii Kaydkan Shidaalka Berbera. –



Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In La Wareejiyay Haamihii Kaydkan Shidaalka Berbera. – 




Hargaysa(HWN)Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Muuse Qaasim, ayaa maanta rasmi ahaan shaaca uga qaaday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera Oo Muran adag ka taagnaa Baryahan Danbe Si rasmi ah loo wareejiyay.
Muuse Qaasin ayaa Cadeeyay in Shirkada lagu wareejiyay ay dhan yihiin lix Shirkadood kuwaas oo gaar loo leeyahay,si bareefad ahna hawlahooda u wadan doona.
Wasiirka oo war kooban siiyay BBC, wuxuu sheegay in shirkadahan lixda ah oo horeba u keeni jiray shidaalka Somaliland, ay wasaaradda ganacsigu ka kireysay haamaha shidaalka ee Berbera muddo labaatan sano ah.
Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. Faah-faahi kale ma bixin wasiirka ganacsigu.
Xafladda shalay ka dhacday magaalada Berbera ee keydka haamaha shidaalka lagu wareejinaayay ganacsatada, ayaa loo diiday saxaafadda, waxaana magaalada Berbera la geeyay ciidan dheeraad ah.
Sida laga warqabo, hore, ayaa baarllamaanka Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, oo aan tartan furan u soo marin.
Dadka Deegaanka ayaa ka biyo diiday wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera,Balse xukuumada iyo masuuliyiinta Deegaankasi ka Soo jeedaa Dhagba Jalaq umaysiin.


Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland.






No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...