Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xaalada Kulmiye

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ugu horrayn ka hadlaya sida uu u arko loolanka ka dhex taagan xisbiga KULMIYE waxa uu yidhi “Xisbiga KULMIYE ee xukunka haya, waxaan jecelahay in Madaxweynuhu u yimaado, arrinta Kulmiyena sidii nidaamka ah xeerka xisbigooda ay raacaan.”
“Waxa
kale oo aan jecelahay
in aan tahniyadeedo dawladda Itoobiya oo tallaabo ka qaaday Wabar iyo kuwii la
socday. waxa kale oo aan doonayaa in aan tacsiyadeeyo dadkii ku dhintay
weerarkii lagu qaaday guriga guddoomiyaha gobolka Awdal iyo dhalinyarradii ku
dhimatay ciyaaraha, arrintaana door ayaan ka ciyaaray, madaxweyne
ku xigeenkana laba jeer ayaan u tagay annagu kuma faannno dad baa
borabagaando ka dhigtee oo yidhaahda dawladda ayaanu waxaas kala
hadalaye,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Eng. Faysal Cali
Waraabe waxa kale oo uu naqdiyay Dawladaha hoose ee dalka oo ay ku mameen
arrimaha dhulka, waxaanu yidhi “Magaalooyinkii Gudaafad ayay soo baxeen,
annagii soo dooranayna nooma xisaabsana, waxaana la leeyahay waa la soo
doortay, shaqana waxay ka barteen dhulka sida loo cuno.”
E-mails: Samater2013@gmail.com
Fb: Abdiasiis Jama
Haji Cami
Hargeisa Somaliland
No comments:
Post a Comment