Monday, 19 October 2015

Xukuumadda Oo Wareejisay Haamihii Shidaalka Iyo Weedhihii Ay Is-Waydaarsaddeen Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Iyo Guddoomiyaha UCID Ee Gobolka Saaxil



Xukuumadda Oo Wareejisay Haamihii Shidaalka Iyo Weedhihii Ay Is-Waydaarsaddeen Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Iyo Guddoomiyaha UCID Ee Gobolka Saaxil.


Hargaysa(HWN):-Subaxnimadii Axadda ayaa Mas’uuliyiin Xukuumadda ka tirsan iyo Mas’uuliyiinta shirkaddaha shidaalka keena Somaliland ku yeesheen, xarunta Haamaha kaydka Shidaalka waxaa lagu lafo guray arrimo ku saabsan haamaha Shidaalka Berbera.
Kulankaasi oo xogtiisa la adkeeyay ayaa la sheegay in Haamaha Shidaalka lagu wareejiyay shirkaddaha hore u soo dalbaday ee shidaalka keena dalka. Wali xukumaddu war kama soo saarin arrintan balse warar madax banaan ayaa sheegaya in Haamaha loo magacaabay maareeye cusub sidoo kalena lagu wareejiyay shirkaddaha danaynayay.
Muuqaal laga soo duubay wasiir ku-xigeenka ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Ucid Marwo Roodo Axmed Yaasiin, ayaa muujinaya wasiir xigeenka oo iidan hadalka Rooda, isla markaana hadalka isku cel-celinnaaya, waxaanna ka mid ahaa hadalladii dhex-maray "Ceeb baad samaysay" ayuu ku tiraabay Wasiir ku-xigeenku, iyadoo Rooddina ku jawaabay "Ceeb maahee aynnu wada-hadalno"
Intaasi kadib ayaa Rooda oo Saxaafadda la hadashay waxay sheegtay siday uga xun yihiin kulanka la sheegay in haamaha Shidaalka lagaga mulki wareejiyay Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland




No comments:

Post a Comment

Maxaa laga filan karaa Golaha Amaanka Bari Qadiyadda Aqoonsiga Isreal ee Somaliland!

  Marka la eego aqoonsiga Israel ee Somaliland iyo xidhiidhka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Israel iyo Maraykanka, waxaa laga filan kara...