Saturday, 10 October 2015

Musharaxa ugu cad-cad Tartanka Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye. –



Musharaxa ugu cad-cad Tartanka Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye. – 


Tartan dhinaca siyaasada oo aan weli noociisu hore u soo marin Somaliland , ayaa ka dhex socda iminka , gudaha xisbul xaakimka Loolanka Xisbiga xaakimka Kulmiye ee loogu jiro noqoshada cidda musharaxa Madaxweyne ee xisbiga u meteli doona doorashooyinka 2017 , ayaa noqday Mawduuca keliya ee 15-kii maalmood ee u dambeeyay si weyn u hadheeyay goobaha ay Bulshadu isku aragto.
Xiisaha mawduucan ayaa galay , kii ugu falanqeyn badnaa ee dhinaca siyaasadda Bulshada soo mara dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyay., siiba Goobaha ay Bulshadu Barqadii ku kulanto iyo weliba goobaha kale ee gelinka dambe jilibka la aasto , waxaana keliya ee lagu falan-qeynayaa ayaa ah , loolanka Xisbiga Kulmiye, waxaanay dadka  siyaasadda aad u xiiseeya uu mid kastaaba  dhiniciisa u samaynayaa
- xisaab uu ku soo saarayo musharaxa ugu danbeynta ama sadaasha ku guulaysan doona xisbiga Kulmiye.
  Tartan dhinaca siyaasada oo aan weli noociisu hore u soo marin Somaliland , ayaa ka dhex socda iminka , gudaha xisbul xaakimka tallada dalka haya ee Kulmiye, tartanka ayaa iminka waxaa uu ku socdaa heer geba-gebo ah, iyadoo maalmahii ugu danbeeyeyna la arkaayay taageerayaasha oo dhinac keliya isugu luga-duwaday , kadib markii la arkay mowjadaha tageerada ee uu helay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo  xaflado aan kala joogsi lahayn,  loogu qabanaayey baddi Hoolalka Hoteladda waaweyn ee Caasimadda Hargeysa.
   Musharixiinta Madaxweynimada Kulmiye ka sharaxan , ayaa isku haysta ciddii noqon lahayd musharaxa tallada dalka ugu sareeya ee xisbiga Xaakimka :-  waa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee haatan Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Amuuraha  Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ah labada shaqsi ee ugu cad-cad, isagoo imika gaadhay heerkii ugu danbeeyey, inkastoo Dr kijaandhe isna ka mid yahay musharaxiinta Madaxweynaha Kulmiye.
  Diyaargarowga shirka Musaraxnimada madaxweynaha Kulmiye, oo hada maraya meeshii ugu xasaasineyd, isla-markaana shirka qabashadiisa ay inaga xigaan,  muddo ku siman Bil dhan ama 30 Casho, ayaa waxaa hada ugu fir fircoon Musharixiinta u tartamaysa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Tartankani ayaa iskugu jira dhawr qaybood oo kala gedisan, waxaana durtaba la arkaya tageerayaasha ugu badan Kulmiye, inay barbar taagan-yihiin ama ay codkooda u hayaan Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi, isla-markaana waxay ku faraxsanyihiin oo ay soo dhaweynayaan qabashada shirka xisbiga kulmiye ee dhacaaya 10 November 2015.
  Cod bixinta iyo sadaasha xisaabta iminka loo sameeyay Murashaxiinta ugu dhaw Musharaxa Madaxweyne-nimada Kulmiye ama Sida la sheegayo aqlabiyada Xildhibaanada G/dhexe kulmiye ayaa ah :-  in Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi yahay shaqsiga keliya ay isha ku hayaan,  iyagoo u arka, inuu yahay Hogaamiyaha kaliya ee ay u baahan yihin , marka laga eego dhinacyo badan.
  Wararka  xaqiiqada laga helaayo , ayaa sheegaya in Doorasahada Musharaxa madaxweynaha Kulmiye ee xiligan uu ugu cad cad yahay Musharax Md, Muuse Biixi Cabdi , kaasi oo la tilmaamay (in uu heysto taageerada ugu badan ee Xildhibaanada G/dhexe kulmiye), iyagoo aad u aaminsan- kuna kalsoon,  rabaana inuu ku soo baxo musharaxnimada Madaxweynaha Kulmiye.
       Sidoo kale , Iyadoo waqtigii loo qorsheeyay inuu shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku qabsoomo ,ka hadhay muddo ku siman Bil kaamil ah :- ayaa Md, Muuse Biixi ku Niyad-San yahay Taageerada Xisbigiisa oo tacab badan uu geliyey  , abaal badan ku leeyahay, isagoo cidkasta kaga taageerayaal badan, kuna leh xisbigiisa saameyn xoogan , taasina ay ku tusayso ifafaalaha iyo sidda tageeradda baaxada ee loogu muujinaayo Gud Muuse.  
  Ugu danbeyn inta iminka la ogyahay natiijada saadaasheeda iyo awooda musharixiinta iyo sida ay u kala haystaan taageerada xubnaha golaha dhexe way iska cadahay:- Musharaxa Md Muuse Biixi waxuu kasbaday , aqlabiyada tageeradda xildhibaanada G/dhexe Kulmiye .
 Qodobka keliya ama masalada keliya ee aan weli si fiican loo furfurin ,isla-markaana qof weliba xisaabtiisa ku dhufanaayo :- Waa sadaasha musharaxa uu Madaxweyne Md Axmed Siilaanyo taageeri doono, waxaana ay dadku isugu biyo shubteen in Madaxweyne Axmed Siilaanyo taageeri doono musharax ugu awooda badan iyo natiijada doorashada ay ku xidhan-tahay, dhinac (musharaxa aqlabiyadda iska leh) ee siyaasiyiinta ordaysa ama doonaysa in loo caleemo saaro musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye.
Ugu danbayntii, Cidda hadha iyo cidda guuleysata , dadweynaha ayaa markhaati u noqonaaya (Waa la arki doonaa halkay arrintani sal dhigato).

FB: Abdiasiis Jama Haji Cami
Skype: Abdiasiis47
Hargeisa Somaliland



No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...