Saturday, 10 October 2015

Diyaarado joog hoose ku duulaya oo Cabsi galiyey Dadka iyo Duunyada ku dhaqan deegaan ka tirsan Awdal



Diyaarado joog hoose ku duulaya oo Cabsi galiyey Dadka iyo Duunyada ku dhaqan deegaan ka tirsan Awdal



Qulujeed(Aftahannews):- Deegaannada gobolka Awdal ee ku teedsan Xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, ayaa lagu arkay labadii gelin ee Jimcihii Maanta Diyaarado joog hoose ku duulaya oo ku dul-wareegayey dhulkaas, kuwaasoo loo maleynayo inay leeyihiin Ciidammada dawladda Itoobiya, kuwaasoo dadka cabsi galiyey sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen dadka deegaanka qaarkood.
Diyaaradahan oo ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaanno Helikobtar’s-ka ee ay Ciidammadu adeegsadaan, ayaa labadii gelin ee shalay iyaga oo joog hoose ku duulaya dul heehaabayey deegaannada ku teedsan Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan deegaannada ku dhaw degmada Qul-ujeed ee gobolka Awdal.
Dad ku sugan deegaanka Qul-ujeed, ayaa caawa Aftahannews u sheegay in laba Helikobtar oo kuwa Ciidammada ahi ay gelinkii hore ee Jimcaha maanta kaga yimaaddeen dhanka Galbeed ee Xuduudka Itoobiya, isla markaana gelinkii dambe ee isla maanta mar kale soo dul-mareen. Waxay intaas ku dareen in diyaaradahaas oo aanay ujeeddadooda fahmini argaggax iyo cabsi geliyeen Dadka iyo Duunyada ku dhaqan deegaannadaas.
Dhaqdhaqaaqa diyaaradahan ayaa ku soo beegmaya toddobaado ka dib heshiis dhanka ammaanka ah oo ay kala saxeexdeen dawladda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo salka ku haya in Itoobiya wax ka qabato Jabhadda Suldaan Wabar ee dhaqdhaqaaqyada ammaan daro ka wadda gobolka Awdal. Waxaana loo maleynayaa in dawladda Itoobiya bilaabayso tallaabooyinka ay wax kaga qabanayso kooxda Suldaan Wabar.
Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland




No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...