Saturday, 10 October 2015

Natiijada Ciyaaro Aad U Xiiso Badan Oo Maanta Dhex Maray Gobolada Gabiley, Saaxil, Sanaag Iyo Sool



Natiijada Ciyaaro Aad U Xiiso Badan Oo Maanta Dhex Maray Gobolada Gabiley, Saaxil, Sanaag Iyo Sool
 

Tartankii ciyaaraha gobolada somaliland ayaa wali si habsamiya uga socda magaalooyinka Boorama iyo Burco.
arunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxa maanta ciyaar xiiso badani ku dhex martay gobolada Gabiley iyo Saaxil.
Gobolka Gabiley ayaa ciyaarayey ciyaartiisii labaad ee wareega is reeb reebka ciyaaraha gobolada halka gobolka Saaxilna ciyaarayey ciyaartiisii koowaad, iyada oo ciyaar xiiso badani ku dhex martay garoonka Xaaji Daahir ee magaalada Boorama.
Xulka gobolka Gabiley ayaa gaadhay guul muhiim ah oo u suura galin karta inay u gudbaan wareega labaad ee ciyaaraha gobolada oo ka qabsoomi doona caasimada Hargeysa, waxaanay xulka gobolka Saaxil kaga badiyeen afar gool, halka xulka gobolka Saaxilna uu keensaday hal gool, iyada oo
xulka gobolka Gabiley uu gaadhay afar dhibcood oo saafi ah isla markaana iska xaadirin doono wareega labaad ee ciyaaraha.
Dhinac kale ciyaar aad u xiiso badan ayaa xarunta gobolka Togdheer ee Burco ku dhex martay gobolada Sanaag iyo Sool oo ka wada tirsan guruubka labaad ee gobolada ku wada ciyaaraha Burco.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxay ku soo dhamaatay bar bar dhac min hal gool ah iyada oo xulalka goboladaasina soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo farsamadeedu sarayso.
Ciyaaraha gobolada somaliland ayaa gali la ciyaari doonaa ciyaarihii sadexaad  iyada oo ay maalmaha soo socda si cad u cadaan doonaan gobolada iska xaadiray wareega labaad ee ciyaaraha ee ka dhacaya caasimada Hargeysa.



Fb: Abdiasiis Jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland


No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...